Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Guusha iyo Guuldarada Baarlamaanka W/Q: Cabdullaahi Ibraahin (Daamey)

$
0
0

Guuldaradaada oo aad qirato waa geesinimo iyo isku kalsoonaan,  Guuldarada  oo  aad ka dhuumato dafirto oo aad eedeeda cid kale  saartaana waa fulaynio iyo Kalsooni xumo.

Qof kasta oo adduunka  korkiisa tartamaa, laba arrimood ayuu mid sugayaa inuu noqdo kan guuleystey oo ku xiran dedaalkiisa iyo is diyaarintiisa, inuu noqdo kan laga guuleystay oo ay keentaa in laga dedaal iyo nasiib bato.

Muddo afar sano ah dadku waxay maqlayeen, arkayeen oo ay u soo joogeen, dhegxumo, Afxumo iyo dhaqamo badan oo aan qalbigoodu jeclaysan sida: “Mooshin, Buuq, Amardiido, Go’aan Beeleed la taageero iyo mid Qaran oo la diido,Qaab daro Maalin walba soo Taagan”.

 Waxay xildhibaanada qaarkood u dhaqmayeen si anshaxa iyo asluubta masuuliyada   iyo siyaasinimo khilaafsan. Waxay ogaayeen in aanay jirin cid la xisaabtami karta waqtigaa, laakiin waxay ka hilmaameen  oo aan xisaabtaba ugu jirin , in ay mar’uun talada ku soo noqon doonto  Shacabkii ay mataleen ee  dirsaday  shalay inay ku metelaan.

Xildhibaannada  qaarkood  waxay ku caanbaxeen, dalxiis, tumasho iyo baashaal, iyagoo aan xil iska saarin, deegaankii iyo dadkii soo doortey kana dhigay jaranjaro lagu gaaro  jagada xildhibaanimo, sidoo kalena  dantii guud ee dalka waxay ka dhigteen mid ay u adeegsadaan aqoonsiga xildhibaanimo iyo adeegsiga xasaanada la siiyey.

Xaalkoodku wuxuu noqday “ Meeshii Cir laga sugayaa  ceeryaamo ka timid” waa duni iyo xaalkeed  la mood noqonse waaye, Xildhibaankii la rabay inuu shacabka metelo,  dalka 25ka sano burbursanaa,  nidaam iyo sharcidejiye u noqdo, dadka iyo dowladda  is baro oo isku xiro si ay u timaado kalsooni iyo dowlad laysku raacsan yahay.

Arrinkaasi ma dhicine  nin weliba  dhuuntiisa iyo dhanxanagiisa wax mara ayuu ka doorbiday,  dadkii shalay  isu heelanaa ee hilowga isu qabanayna waa la kala haatiyey. Waxay u qalab qaateen kala geeynta beelihii dagaallada sokeeye shalay ku kala tegey.

Waxay ilaaween in Beelaha ay magacooda ku joogaan kuna daaqayaan aysan ahayn kuwa  ugu garaadka iyo aqoonta badan ee  ay ka buuxaan, kumanyaal iyaga dhan walba ka mudan,  aqoon, garaad,  karti, waddaniyad iyo xirfadba,  kuwaasoo leh heer kasta  aqooneed.

Waxaa beel walba ku jira,  dad aqoonyahano ah,  Garaadbadan oo waayo arag ah,  Aamin ah, Culumo intaba.

Doqon nasiibku u hiiliyey inay  dad ugu saraysey is moodaaye, xildhibaannadii waa is bideeen, qaarkoodna waxaadba moodaa in kursi dhaxaltooyo oo looga dhintey uu yahay, waa kuwii ilaa Carta  soo fadhiyey.

Hadda Bulshadii iyo beelihii Soomaaliyeed  waa baraarugeen, waana tashadeen, waxayna doorbideen in nin walba  miisaan la saaro,  hadduu wanaag kasbadayna  lagu karaameeyo,  hadduu xumaan kasbadayna  xilka laga wareejiyo.

Doorashada  maanta way ka gedisan tahay kuwii shalay,  waxaa laga codeynayaa  lix Gobo loo kala duwan, Xildhibaan walba waxaa u codeynaya, ergo uu soo xulay  Ugaaskiisa iyo nabaddoonadiisa, kuwaasoo ka kooban  51  ergey oo ka kala socda jufooyinka ku midaysan kursigaas. Waxaa qosol leh ninkii kalsooni ka waaya  beeshiisa inuu eeda la korey  cid kale oo intooda badan ay dhaliisha saareen Madaxweynaha iyo taageerayaashiisa, ogow beesha kursigeedii lagama qaadin ee qof kale ayaa yimid, ama kii joogay ayaa  helay  kalsoonida beeshiisa, mid walba oo laga guuleystay wuxuu ku andacoonayaa waxaan usoo bixi waayey  waxaa I diidan Villa Somalia ama Madaxweyne  Xasan sheekh

Cid walbana way u jeedaa inaanu Xasan sheekh goobta tagin, gacantana kor u taagin, Sanduuqna warqad ku ridin si uu u codeeyo, siyaasi hebelna u rido, mid kalana u soo saaro, waxaa codka bixiyay 51 qof oo ku heyb ah siyaasiga . Taasina Waa Arin inay ku cibro qaataan uga baahan.

Ugu dambayn waxaynu sugeynaa,  doorasho inay dhacdo, gudoon baarlamaan la doorto, ka dibna madaxweyne,  ilaa  ay ka dhammaato waxaan leeyahay, nin weliba  guusha iyo guuldarada ha ogolaado, hana ku kalsoonaado nasiibkiisa

“ Maalin weliba  ciid maaha”.

Bulshadana waxaan leeyahay, nin weliba  wuxuu geedkuu beertay mirihiisa  hala siiyo, kii wanaagsanaa wanaag haloogu beddelo, kii xumaana bulshada hala weeciyo.

W/Q:  Cabdullaahi  Ibraahin (Daamey)


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles