Kol hadii dekeda la wareejiyo oo laga maamulayo DUBAI, waxa ka dhow in laga maamulo XAMAR. Waxan oo jaha wareera Silaanyo ma Wado qabiilna ma wado ee waxa wada wiilka Sodoga loo yahay ee Baashe Cawil Morgan iyo sodohdii Amina Weris. Wiilkaa yar ayaa maskaxda ka qabsaday qoyskii madaxtooyada fadhiyey oo la heshiiyey ina Boore oo Jibouti ba dekedeeda dhacay. Qorshaha lagu heshiiyey waxa weeye in DP world qaadato 49% oo ay Somaliland na qaadato 35% Morgan iyo Amina Weris na qaataan 8% ina Boore na qaato 8%. marka la isu geeyo waa 100%. Hadaba maxaa loo diidanyay in Dekeda Xamar laga xukumo kol hadii shisheeye la siinayo oo loo diidanyay in Somaliland xukumato waxeeda. Somaliland hore iyo dib ba waxa u rogay MORGAN iyo Amina Weris….isaga Silaanyo qudhiisa ayaa ku dulman meesha oo laga hor joogaa inuu London iskaga laabto oo dhakhaatiir caafimaad kiisa la socota uu arko. Silaanyo qudhiisa ayaa u baahan gurmad iyo in laga gaadho oo laga qabto Morgan iyo Amina Weris. Wadaada Amina waxa waala yarkan inanta ka qaba oo ku yidhi markaynnu xukunka ka degno sanadkii 10 million baa dekeda la inaga siinayaa. Weli cid warbaahinta isa soo taagtay oo sharaxday faaiidada ku jirta wareejinta ma jirto. Waa xukuumad looga tag la’yay hantidii ummada. Somaliland waxay eersataa waa Morgan iyo Amina Weris dadka kale oo dhami waa sahaalo. Labadaa nacab ayaa wadanka gubay oo istaahila inay jailka Mandheera liinta ku cabaan. Wasiir kii hore ee madaxtooyada warbaahinta ayuu ka sheegay inay diideen heshiis inay la galaan DP world.
↧