Ragga xidhan hadaad doontaa Dilla muraadkiinu walow aanu idiin soconayn, Jeelkana ragbaa loo sameeyey. Sidaas daraadeed waxaan shirkadda damaceeddu indhaha la”yahay ee Dp World u sheegayaa inaanay iska khasaarayn kharashaadka yar ee calooshooda u shaqaystayaashu doonayaan inay kaga qaatan Dekeda.
Waxa maalintii saddexaad xabsi weli ku jira qaar kamid ah dhalinyarada Beesha degtaa gobolka Saaxil, kuwaasoo xukuumadda tallada haysaa xabsiga dhigtay xilliyo kala duwan. Ramadan 2-deedii ayey ciidamo iskugu jira Sirdoon iyo Boolis madaxyooyadda laga soo siiyey amar ah inay Xabsi u taxaaban dhalinyarada ku abtirsata gobolka saaxil, kuwaasoo intooda aqoonta lihii ka gilgishee dhaxal-wareejinta Dekedda Berbera.
Tirada dhalinyarada ilaayo hadda xabsi xukuumaddu dhigtay ayaa intaa la hubaa noqonaysaa afar Haldoor oo kamid ah Aqoonyahan gobolka Saaxil. Kuwaasoo lagu haysto inay Fikirkooda si xor ah ugu baahiyeen Warbaahinta kala duwan.
Afartan Aqoonyahan ee Xaqdarada xukuumaddu xabsiga ugu taxaabtay waxa ay yihiin kuwo tiro yar ka ahaa dadweynaha faraha badan ee degga gobolka Saaxil oo gabi ahaanbaa si weyn uga soo hor-jeedda dhaxal-wareejinta Dekedda Berbera, xukuumaddani ku hayso.
Haddaba, xukuumadda waxa La gudboon ayey ila tahay inay xabsi ku wada gurto qof kastaa oo ay u garaato inuu reer Saaxil yahay, sidoo kalena waxaan u sheegaya inaanay dadkan madaxtooyadda fadhiyaa kusoo gaban shaadh dawladeed, balse ay iska soo cadeystaan aar-goosiga beeleysan ee ay ku hayso beesha Saaxil.
Ragga xidhan hadaad doontaa Dilla muraadkiinu walow aanu idiin soconayn, Jeelkana ragbaa loo sameeyey. Sidaas daraadeed waxaan shirkadda damaceeddu indhaha la”yahay ee Dp World u sheegayaa inaanay iska khasaarayn kharashaadka yar ee calooshooda u shaqaystayaashu doonayaan inay kaga qaatan Dekedda Berbera.
W/Q
Hodan Cali Farax
Bristol Uk