Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

KALA WAR LA’AA MAAYOR SOLTELCO, WAAYAHA DANYARTA IYO WANQALKA KACDOONO HOR LEH

$
0
0

Dhacdooyinka aduunka ka socda ayaa inoogu filan waxsheeg, dhacdooyinkaa markaa dhugtana waxana fiican inaad ku cibro qaadato,MAXAMED BUU CASIISI waa wiilkii yaraa oo danyartaa ahaa ee tunsia isku gubay markuu ka cadhooday habkii foosha xumaa ee ay ula dhaqantay dawladii hoose ee magaalada SIDII BUUSAYD  kacdoonkii ka dhashayna waxay natiijadeedii ahayd inay galaafatay madaxweynihii Tunsia, Libiya,Masar, Yemen. Maxamed markuu go’aansaday inuu is gubo ismuu lahayn waxaas oo saamayn ah ayay yeelan doonta lakiin isaga waxay ka ahayd uun ka dhimo noloshan ciilka ku baday. Abwaan weedhsame waxaa ku jirtay maansadiisii WAREEGTO 

Dulmiga waagii baryaba 
Danyare gaar ugu wahsaday
Markuu wayraxa is yidhi 
Wadkaa dhaamee ka dhimo
Kacdoontii loo wanqalay
Yarkii wadhatada ahaaa

Wadankeena hadaynu u soo noqono, falalka arxan darada ah iyo dulmiga waagii baryaba   ay ku hayaan golaasha degaanku, waa mid xanuun keeda leh, bulshadeena danyarta u badan ee la tacaalaysa siday nolol maalmeedkooda u heli lahaayeen,sid ku cad maansada ISKU RARAN ee curiyey abwaan Axmed Cismaan Batuun:

bal dariiqan soo raac

 inta ruux miskiiniyo,

rixinlaawe buuxdee,

dantu ricidho goysee

 risiq eebe mooyee

 qofna roodhi siinayn,

bal xagaa usii raac,

inta hooyo raranoo,

 masaariifta ridatoo

ku rafaadsan milicdaa

 cashuurtiina laga rabo

dhiishay riixanaysiyo

 kaaryoonka laga rogay,

 Danyarta aan ka hadlayaa waxay  ku sifoobeen cashuur bixiyayaal wanaagsan, ma fiicna in loogu abaal gudo in  laga baabiiyo goobihii ay ku ganacsanayeen, waa mid dhibkeeda leh. Saaka oo u danbaysay ayay ahayd markii anigoo maraya meesha loo yaqaan gobolka ee ay ka dhisanyihiin wasaaradaha dawladu intooda badani, ayaa hooyo iibisa beerka oo cadceed fadhiday ayaa waxa soo garab joogsaday dhayne dawlada hoose ee hargiesa leedahay oo askar la socoto, hooyadii markii ay ku war heshay ayay naxdintii ka  baahday waxay samayn lahayd lakiin nasiib wanaag wiil ag fadhiyey aya waxa uu la cararay miiskii beerkii ay jar jaraysay u saarnaa, intii kale waxay tuuraan iyo waxay laagaan ayey ka dhigeen.

Falalka noocaas oo ah oo maayarka hargiesa iyo golahiisa degaanku caadaysteen inay kula kacaan danyarta,  waxay keeni kartaa kacaan bulsho oo loo dhanyahay oo ay u badantahay inay galaafto golaha deegaanka hargiesa iyo kuwa dagmooyinka kaleba. Adeerow in yar inoo kaadsha oo dadka sidan ka daaya ayaan leenahay hadii aad bulshadii ka hesheen inay cashuurtii idin siinyaan oo aydaan waxba kaga soo celin ha ugu darina dhib kale. 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles