Berberanews-Xukuumadda Kulmiye Dhalay ee maanta Taladda Dalka haysa sanadkii aa6d, waxay kula wareegtay 8aad Sananood oo ay Mucaarid ahayd, Shacabkana u sheegaysay in Wadanka Shufto an u naxay Gacanta u galay waa ( Xukuumadii Rayeele), Waxay habeen iyo maalinba dadka u sheegi jireen in ay doonayaan Somaliland Sharcigu Shaqeeyo oo cadaalad iyo Sinaan lagu nool yahay, waxay shacabka u sheegi jireen in ay doonayaan Somaliland Xoriyaddu shaqayso oo an dadka la iska xidhi xidhi bilaa Danbi, waxay dadka u sheegi jireen in ka shaqaysiin donaan Golayaasha Qaranka sida Wakiiladda iyo Guurtidda, waxay dadka u sheegi jireen in ay bad baadinayaan hadinta umadda ee La xaraashay, waxay umadda u sheegi jireen in ay wadanka ka badbadinayaan Kootadda cid kaara ah loogu xidhay adeegyo gaar ah sida (MAXJARKA BEREBERA) iyo (Hamaha Shidaalka ee TOTAL), waxay umadda u sheegi jireen in Dimiquraadiyadi la dhawacay, waxay umadda u sheegi jireen in Ictiraafkii laga seexday oo hanta ururki lagu mashquulay, waxay umadda u sheegi jireen in ay wadanka haystaan cid an ka naxay shacabka danyarta ah ee haraadka iyo Shaqa la’aantu isku darmatay iyo Waxyaabo oo an qoraal kaliya malin lagu soo koobi Karin.
Af iyo Uur an wada socon
Iyaddoo Kulmiye iyo Hogaankoodi Waa (madaxweyne Silaanyo) sidaa ku hanteen quluubta umadda 8 sano ay ku shubayeen shacabka reer Somaliland ayaa malintii ay Xukunka qabteenba waxay la soo baxeen waji kale oo an kii lagu yaqanay ahayn, waxayna markiiba la soo baxday xeelad cusub waxayna biloowday nadaamyo kakan oo an hore looga baran xukumadii ay 8 sano cayayeen Dhawacna u gaystay wadanka iyo wada jirka umadda intaba, waxaana ka mida Dhaxal wareejinta dhamaan wixii Umadda ka dhexeeyay sida :
- In Madaxweynuhu si cad Barlamaanka hortiisa uga sheego in ay Iibinayaan dhamaan Hantidda umadda ka dhexaysa ee danta guud loo yaqaan, wax sabab ahna an sheegin
- Dhamaan Hantida la Iibiyay meelna kumaynu maqal halka ay kaga jirto Misaniyadda Dawladda
- In dhamaan heshiisyadda lala galo Shiradaha Calamiga ah iyo kuwa Maxaliga ahba an Barlamaanka la soo Marin si cadna u diidan in ay kenaaan Golaha Wakiiladda
- Wakaaladii Wadooyinka oo kolba Nin Cusub Hadyad looga dhigo laguna wareejiyo hadana marayso wasaradii sedexaad
- In Saxafadda la iska xidho bilaa maxkamad lana baabiyo Wargaysyadda qaarkood sida HAATUF
- In Shirkado Kooto Loogu xidho adeegyo gaar ah sida (SOMCABLE) oo 20 sano loo xidhay KHADKA VIBER OPTIC GA ee Internet ka
- In Hamihii Shidaalka ee TOTAL laga qaaday SHirkado gaar ah la siiyo iyadda oo xata ay barlamaanku diiden cod aqlabiyadda in la wareejiyo
- In dhamaan Qandaraasyadda Qaranka Cid gaar ah lagu naas Nuujiyo iyada oo an la soo marin Hay’ada QANDARAASYADDA QARANKA
- Guryaha Dawladda oo la siiyo cid gaar ah inta ka baaqsatay Iibka
- Xoriyad qawlka oo la baabiyay, lagana hor istaago in dareenkooda cabiraan shacabka iyo Siyaasiyiintuba in badan oo kamidana Xabsi u galeen Fikirkooda oo ay cabireen
- Doorashooyinkii oo wadanka ka dhici wayay xiligii loogu talo galay mudo korodhsina la samaystay tii ay shalay ka qaylinayeen la mid ah
- Ictiraafkii ay ku balan qadeen mudo gaaban in ay ku keeni karaan oo an haabkiisaba lahayn
- Xidhiidhkii Dawladaha Jaarka ah iyo aduunka kaleba oo meeh aad u hoosaysa gaadhay
- Qabyaaladii oo Faraha ka baxday
- Qarabakiil iyo Qof jeclaysiga oo fahara ka baxay
- Cid an la dooran oo xukunkii la wareegtay
- Jabhado Wadanka ka abuurmay sida KHAATUMO iyo Suldaan Wabar
- Shaqo la’aantii oo faraha ka abxday
- Tahriibtii oo sedex jibaarantay
- Cadalad Daro iyo Sinaan la’aan dhanka Siyaasadda, ganacsiga iyo Bulshadaba ah
- Sixir barar faraha ka baxay
- Amaan Xumo
- Sumcadda Wadanka oo Hoos u dhacday
- Tayadda Waxbarashada oo hoos u dhacday iyo in badan oo kale oo an qoraal lagu soo koobi
- Dekaddii iyo madaradii oo hada la wareejinaayo iyaga oo ah intii ugu danbaysay Hantidda Qaranku
Hadaba madaama dhulkii iyo hantidii Dawlad wax la Iibiyay iyo wax cid lasiiyay noqdeen miyayna hada dawladu Marti ku ahayn wadankeedda ? hadii manta Mashariic aduunku inagu caawiyo sida:
- Cusbiyaalo
- Guro danyarta loo dhiso
- Iskuulo
- Xarumo Police
- Xananooyinka Hooyadda iyo Dhalaanka
- Magtabaddo
- Masaajido iyo
Wixii la mida manta meel inoo fayoow oo ay Xukuumaddu ugu talo gashay ma jirto meel kasta wadanka cid gaar ah baa la siiyay dawladina wadankeedi ayay marti ku noqotay oo hadii MCH oo bahdo waa in cid kaga soo baryaa ama cida mashruuca bixinaysa lagu yadhahdaa dhulkana noo Iibiya aanu ka dhisayno MCH ka, hada maxay tahay waxa dadka ka dhexeeya ee an haysanaa manta wadankiba wuxuu isku bedelay wax cid gaar ahi ledahay oo dantii guud meesha ka baxday sidaana wadan laguma noqon karo, waxaan u bahanahay in la badbaadiyo hantida umaddu wada leyahay inta ka nool kuwa shacir darada lagu qatayna laga dabatago baadhis cilmiyaysana lagu sameeyo si loo helo wax wadanku leeyahay, shacabkuna wada ilashadaan Hantida Guud.
Wa bilaahi tawfiiq.
By Maxamed Cali
Email: maxamed1191@hotmail.com