Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

WAA BERBERA BILILIQAYSI AANU JOOGIN FARAX GUREY IYO BOOKH CALI!!!!

$
0
0

Waqtigii ugu horeeyey ee boqortooyadii Ingririisku la soo xidhiidhay dalka Somalilnd waxa ay ahayd 1820kii.

Nin la odhan jirey MAJAR F.M.HUNTER oo Ingriiska u fadhiyey maagalada Cadan ee Yementa ayaa berbera la soo xidhiidhey ,ninkaasi,fariinta uu soo direy waxay ahayd arin ay ummaddii Somaliland fajac iyo amakaag ku riddey,arintaasi uu rabo Mr.Hanter waxay ahayd in dekadda Berbera laga iibiyo oo lagu wareejiyo oo boqortooyada ingiriisku maamusho dekedda Berbera.
Markii danbena waxaaba yimid Mr.Hanter oo socda wuxuu la shirey reer Berbera wuxuu yidhi dekedda iga iibiya,Odayadii waxay ku yidhaahdeen SAAN-CADDAALOW adigaa sheegi.
-Adigaa Mr.Hanter sheegi qiimaha Berbera aad sii saneysee.
-Adoygii ama duqii Berbera waa maqan yahay ee hayimaado,
Waxaa Berbera ka talinayey BOOKH CALI waana loo cid direy.
Sida gabeyga Bookh ka muuqata arinta Mr.Hanter kaligii kuma uu ahayn ee Somali iyo Caraba waa la wadeen.
Dadkii Somalind oo yaaban Berbera Port ayaa saancadaale iibsanaya (Waqtigan ingriis inama qabsan waa ka hor 1820) ayaa
Duqii ama ninkii waqtigaa Berbera ka talinayey oo loo cid direy uu yimid Berbera,Markiiba Bookh ayaa amar bixiyey in deg deg loo hor keeno Saan-Caddaalaha Berbera iib ku doonaya, markii uu Mr.Hanter isa soo hortaagey ayuu Bookh Cali wayrax-tiriyey 
gabey qiimo badan oo wisiisi waddaniyadeed ah.gabeygaasi wuu dheera ee iminkana intan hoose ayuunba laga hayaa:
HANTAROW DAD WADA WAALAN BAAD,WAX IS TIDHAAHDEENE
ADIGIYO KUWII KUU WARRAMAY,BAAN WAXBA OGEYN
WALAAYADA ISAAQ WAA BERBERA,WAADI LA CABBAAYE
WADNAHAYGA IYO BAY KU TAAL,WAAXDA FEEDHABA’E
WAX LA SIIYO IYO IIB BERBERA ,WAY KA WEYN TAHAYE,
HA WADWADIN WAX-YEELLAA KA IMAN,WEEDHAN AAD TIDHIYE.
Dad weynihii Somalind oo awalba dareenkoodu kacsana kana war sugayey,jawaabta duqa magaalada Bookh uu bixin doono,ayaa gabayga Bookhna uu sii abuurey dacar iyo gadood hor leh oo wadaniyadeed oo sameeyey gabi ahaanba dhulkii Somalind.Taasi waxay keentey iney dirqi iyo naf la caarid ah uga baxsadaan berbera Mr.Hanter iyo intii dabada ka wadey.
Maalintaa wixii ka danbeeyey Boqortooyada Ingiriiska iyo Somalind waxaa ka dhex qarxay dagaal tariikhda galey.
1825 waxaa berbera agteeda lagu gubey markab la odhan jirey MARY-ANNE,shaqaalihii markabkana waa la laayey.
Boqortooyadii Ingiriisku 10 sano ayey cuna qabateyn ku haysey Berbera,Bulaxaar,Saylac iyo dhamaan Somalind.
Tariikhdaasi waa tariikh qoran ee Maanta aan u soo noqdo
Ragav bookh ka danbeeyey waa FARAX GUREY (IHW) iyo rag badan oo ilaalin jirey wadnaha Somalind ee isha u ah dhamaan ummadda Somalind,farah Gurey marka uu siyaad bare imanayo waqooyiga Somalind wuxuu odhan jirey sii xidha farax Gurey waayo wuxuu ahaa ninkii aad ugu adag oo hadalo cad waana ninkii aad ugala doodey warshadda sibidhka markii la rabey in Kismaayo laga dhigo.
Maanta waad la socotaan in la tafaariiqeynayo dhamaan hantidii ummadda waliba la bartillmaansadey BERBERA iyo Gobolka saaxil.
Waxaad la socota in liiskan qaar lala wareegey iyo qaar larabo in la iibiyaba waa kuwan.
<>Waxaad la socota in haamihi la rabo in la wareejiyo hadey suurta gashana waxa ku xiga BERBERA PORT.
<>Warshadii leydhka oo la wareejiyey Berberi waxay ahayd meesha ugu leydhka jaban iminka kuleylkaa cirka lagu marini qiimaha oo dadku haduu leydhku ku qaali garaabo Berbera lama joogi karo.
<>Barxadii kaluunka ayaa ina Harbi laga iibiyey.
<>Warshadii Siobidhka iyo Buurihii ayaa dahabshiil wada inuu wada qaato.
<>Buurtii gacan libaax iyo tii Sheekh ayaa niman caraba laga iibiyey.
<>Birtii badda ayaa hore rag u gurteen.
<>Aqaladii shaqaalaha dowladda loogu tala galey ilaa 500 aqal ayuu xaraasheen.
Hadal waxaan ku soo gabagabeynaya culimadda islaamku markey arkaan islaam laga noqdo waxay yidhaan: WAA RIDOOBID AANU ABU BAKER JOOGIN MAANTA WAXAAN LEEYAHAY WAA BERBERA BILILIQAYSI AANU BOOKH CALI IYO FARAX GUREY JOOGIN.
 
SOMALIND HA WAARTO OO HA JIRTO
WAAD MAHADSAN TIHIIN.
ALLAH MAHADLEH
Cabdi Cali Jamac
LONDON

Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles