Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

TACSI MADAXWEYNE

$
0
0

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Cabdilaahi Cabdi Faarax (Dayr), oo taariikhda maanta ee 19/09/2015 ku geeriyootay Magaalada Hargeysa.

Marxuum Cabdilaahi Cabdi Faarax (Dayr)  waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu horeeyey ee qaybta ka ahaa ciidamada wakhtigii ay Somaliland qaadatay xoriyada 1960kii, isagoo ka mid ahaa 1961kii koox saraakiila oo ka qaybqaatay inqilaabkii fashilmay oo ay doonayeen saraakiishaasi in ay ku soo celiyaan midnimadii lagu hungoobay, ahaana wakhtigaa maayar ku xigeenka Muqdisho.

marxuumku isaga oo halkii ka sii wada dedaalkii iyo dib u dhiskii qaranka Somaliland waxa uu ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo farxad kuwada noolaanshaha beelaha wada dega somaliland isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka 1996-1998kii waxa uu ahaa gudoomiye iyo Duqa Berbera ka ahaa Gobolka saaxil.

 Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed  Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada  JSL.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles