Qore: khadar jirde Ahmed
Waxa aan salaan u dirayaa dhamaan shacbiga reer Somaliland iyo bahda saxaafda oo had iyo jeer soo bandhigta tabashada shacbi waynaha reer Somaliland hadaba hadii aan ku soo durko ujeedada dulucda hadalkayga,
Waxa beryahanba soo baxaysay cabashada shacabka dan yarta ah iyo shacabka intiisa kelaba taas oo ay kaga cabanayaan cashuurtii laga qaadii jiray dadka oo ay dawlada hoose ay tidhi waxaanu ku kordhinay boqolkiiba boqol kordhintan oo maayirka golaha deeganka C/raxmaan c/laahi caydiid (solteco) uu si ay ka muuqato axmaqnimo naxariis la,aan ugu badheedhay in uu ku tacadiyo dadka masaakinta ah ee aan awodayn in ay iska bixiyaan takliifta intaa leeg iyaga oo markii horaba la dala dhacayay sicir Bararka maciishadeed ee wadanka ka taagan.
Waxa aan ladafir Karin inta caqabadod ee ah mid biyood mid kale oo ah waxayalihii qubtal daruuriga ahaa oo aan manta la jari Karin, waxa kele oo aynu arkaynaa dhulkii danta guud ahaa oo nag laga siiyay oo ladhameeyay iyada oo lacagta tacadiga intaa leeg loogu gaysanyo dadaka iyo shabiga aan waxab loogu qabanayn ee aayar uun jeebada layskaga shubanayo, runtii waxaynu odhan karna kuwan waxa dhaamay kuwii uu madaxwaynuhu magacaabi jiray oo aan iyagu shacabka kumay hayn dhibaato waxa wax laga xishoodo ah in aanay waxabab ka xabayn oo ay musuq maasuqa ay si fool xun ugu karbashayan shacabka waxa ka ka mida dadkii isku faamliga ahaa ayaa la yidhi oo anay dadkodi dhiman cashuur dhaxal shakhsiyeeda dhinaca dhulka ayaa laydinka donaya waa waxayaabaha ama arimaha ay waxa ku musuq maasuqaan ee ay soo kordhyeen iyada oo aynu wada ognahay sida dhulkii halbawlaha ahaa loogu tashaday siiba Maayir soltelco,
Sida khayriyadii hore oo uu ka iibiyay nin uu xilgii kambaynka lacagbadan ka qaatay, runtii waa wax yaabaha diiwanka u galay golahan imika jooga.
Waxa aynu ognahay in aanay xukuumadihii kala danbeeyay aanay soo marin shacabka tan oo kale iyo tacadiga maciishadeed ee maanta haysta kan cashuureed iyo kan musuq maasuq 23kii sano ee ay Somaliland jirtay waxay dadku ku tamarinayeen oo ay ku nolayeen waxay ahayd dhinacyad cashuurta iyo qubtal daruuriga iyo isku wada laysku waday dadka iyo hadaba duruuftii jirta in la eego shacabka manta uma baahna dadku hagar daamo waana laydunku arkaya waxa aad falaysaan wuu idinla socdaa shacabku waxa aan u soo jeedinaya dad waynaha in ay indhaa u kala hayaan waxa noloshoodu ay ku tiirsantay ee lagama maarmaanka u ah oo ay diidan musu maasuqan lagu dhiig miiranyo ee aan hadana waxba laga tusayn shacabku waa in uu la xisaabtama golaha deeganka waxa loo dortay muu ahayn in ay dadkii codka siiyay ay dhiigoda dib u cabaan waxa an u soo jeedinayaa shacbi waynaha reer Somaliland in ay cod dheer kaga hortagan arinkan cashuur bararka ah ee noloshoda lidka ku ah,soltelcona waxan leeyahay arinku (mayska cunaa maahee waa caqli lakaalay).