DAN IYO MURAADTOONA KAMA LIHI MARAYKAN AYAA WAX AQOONSADAY::
Qalinkii:Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood.Mobile:4109843 Hargeisa SOmaliland REP
Jamhuuriyadda Soomaaliland oo gooni-isutaageedii kula soo noqotay naf,maal iyo oo ay u hureen
Dhulkooda hooyo ee ilaa ka awoow ay ku abtirsanayeen,kuna aasan-yihiin ugu badnaan sodon awoowe
Marnaba u dulqaadan mayno haddii aanu nahay shacabwaynaha reer soomaaliland,ciidamada qalabka sida,
Iyo xukuumadduba dan-daansi siyaasadeed ama fara-gelin lagu sameeyo dhulkayaga iyo shacabkayagaba
Qof kasta oo kala fogaynaya midnimada soomaaliland,ha noqdo cadow gudaha ah oo inala dhashay oo sida
Xoolaha loo adeegsanayo,Ha noqdo Cadow inala Dhashay oo u adeegaya ama u shaqo tegay Muqdisho,Ha noqdo
Cadow dibadda ah,waxaa shacabka soomaaliland ka go,an inay wixii farahooda la soo gala ay ku guban doonaan
Dhirbaaxada kaga timaada SHACABKA IYO CIIDAMADDA QALABKA SIDA,waxaan xukuumadda iyo shacabkaba kula
Talinayaa in feejignaan adag la galo oo qofkasta uu diyaar-garaysto hub wixii gacantiisa ugu jira ,heeganna u noqdo
Difaaca wadankiisa hooyo, Amniga badani wuu ku hodaa sababtoo ah haddii aynu isdhigano oo aynu ismacaashiino oo
Oo aynu iska dhaadhicino ciddina inagu soo xad-gudbi mayso oo xuduudaheenu waa lama taabtaan,sheekadaasi socon mayso
Odayaal qabiil ka kooban ayaa wakhti wakhtiyadda ka mida shir qabsaday yaga oo beeshoodii ay beel kale isku dhaceen waxay
Talo isugu yimaadeen geed hoostii oday gadh-case ah ayaa hadlay wuxuu yidhi dad yaa inagu cadowsan,ninba qolo ayuu taabtaa
Odaygii ayaa hadalka dib u qabsaday oo wuxuu yidhi WIILKA REER XAAJINA MA KU DARTEEN,reer xaajigan uu sheegayaana waa qoladiisa
Guud jilib ka mida waxaan uga socdaa wiilka reer xaaji waxaa ka dhigan Soomaaliyadda hadh iyo habeenba aqoon daradooda iska
Dhaadhiciyey soomaalilan nagama go,karto,ee weliba LIIDNIMADOODA,CAQLI-XUMADOODA,DUCUFNIMADOODA,IYO MAANGAABNIMADOODA
Iska dhaadhiciyey aqoonsi miskiin yar oo maraykan la yidhaado oo Allaah(swt) xagiisa ka xaqiran ducufna ka ah ay la waynaatay una
Riyaaqeen maraykan ayaa na aqoonsaday,haddaba aqoonsiga maraykanku waa mayahay mid ay daacad ka tahay,ma yahay mid idiin soo
Gacan gelinkara JAMHUURIYADDA SOOMAALILAND ee la odhan-karo maraykankaas idiinla waynaaday waxaa ka amni iyo xasilooni badan
Soomaaliland Sababtoo ah Soomaaliland meelna dab kulama jirto balse maraykanku aduunyadda dagaaladda ka socda 90% qaybta
U wayn ayuu ku leeyahay oo wadamo badan oo islaam ah oo leh haykalkii dawladnimo ayuu burburiyey oo markii ay sanka ka qabsadeen
Dhegahana ka furaysteen danahiisii iyo u fataalistiisii ay diideen ayuu weerar ku qaaday Sida,AFGAANISTAAN,CIRAAQ,iyo SUUDAAN oo
Uu u kala qaybiyey laba dawladood oo uu ka baqay in mustaqbalka koonfurta suudaan ay qaadato diinta islaamka,dalkuna uu noqdo
Dalka ugu dhulka wayn uguna xuduudaha badan in mustaqbalkooda iyo danahoodu ay wiiqmayaan,balse waxay doorbideen Cawaankaas
Koonfurta suudaan ee aan lahayn aqoon iyo ilbaxnimo ay aduunyadda kula jaanqaadaan,maraykana waxay u noqotay fursad aad u wayn
Oo uu afrika soo degi karo kana samaysan doono mustaqbalka saldhigyo milateri oo uu ku wiiqayo wadamada islaamka ee awoodoodu ay
Xoogaysanayso.
Haddii aan dib ugu soo laabto riyaddan aqoonsiga ee wareerisay soomaaliya waxaan idiin odhan lahaa oo aan jeclahay inaad ka jawaabtaan
Haddii qlbigiina iyo aqoontiinu ay caafimaad qabto ma wuxuu idin yidhi 1-waxaan idiin aqoonsaday sidii xornimadiinii 1960 ka hor mise?
2-Waxaan idiin aqoonsaday midnimadii soomaaliya 1988.3-Waxaan idiin aqoonsaday federaal oo ay soomaaliland ku jirto?:::::::::::,
Waxaan idiin odhan lahaa Maraykanka intaad dib ugu noqotaan waxaad tidhaahdaan fahamkii ayaa naga qaldamaye si fiican noogu
Sharax aqoonsigaagu Sadexdaas qodob midkuu yahay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Waxaan walaaladayda soomaaliya ku boorinayaa oo wixii aan aqoon,caqli,garasho,iyo aragti dheer aan ku dhaamo u soo jeedinayaa
Walaalayaal intaad jamhuuriyadda soomaaliland isku mashquulinaysaan waxaan idiin soo jeedinayaa talooyin waxku ool ah waana inaad
Qalbiga iyo dhegahaba u furtaan 1-Marka hore idinku xorooba waana inaad ka xoroowdaan ciidamadan shisheeye ee aad maganta u
Noqoteen.,2-Waa inaad samaysataan ciidamo awood leh oo kifaalo qaada amniga sugudiisa.3-Waa inaad dib u heshiishiin sanad ama
Laba sano socota samaysaan oo beeluhu wixii dilal ku kala maqan laga wada hadlo iyo wixii aduun la kala haysto.
4-Waa inaad ka xoroowdaan dawladiina sida dumarka loo masruufayo oo aad noqotaan dawlad cashuurteeda ku bixisa mushaharka
Dawladda.
5-Waa inaad Xidhiidh la yeelataan jamhuuriyadda soomaaliland oo aad noqotaan laba dal oo isku diina,walaalana ah oo kala leh
Laba calan,lacago kala nooca,laba baasaboor,laba barlamaan,laba madaxwayne,oo xuduuduhuna u kala qaybsanyihiin,oo ka dhexeeyaan
Isu gudubka ganacsiga iyo isu socodka labada shacab ee walaalaha ah oo isticmaalaya labadooda baasaboor.
Balse haddii aad sidaas yeeli waydaan waxaad ka shalaayi doontaan ama aydun ka murugoon doontaan maalinta aanu siyaasadda dibadda
Idiinka soo xidhno aduunyaduna ay idiin aragto dad aan ismaamuli karin dawladda dhisan karin oo yada oo toodi dayacanyahay dab kula
Dhex-jira mandaqadda ugu xasiloon AFRIKADDA BARI AMA GEESKA AFRIKA OO weliba wadamo badan oo aduunyadda ku yaala ay
Soomaaliland ka amni badan tahay Kana dhulwayn tahay,kana dad badan taha,jamhuuriyadda soomaaliland oo tirakoobkooda lagu
Qiyaaso 5565000,shan milyan shan boqol lixdan iyo shan kun oo qof waxay ka dhul iyo dadba badan yihiin 84 dawladood oo aduunyadda
Ku yaala,walaalayaal waxaan idiin soo jeedinayaa jamhuuriyadda soomaaliland maaha shacab siyaasiyiin far ku tiris ahi hortaagan yihiin oo
AYdun meelahaas kaga hadaaqdaan shacabku wuxuu u qaybsan yahay midnimo iyo federaal waa ayaan daro gooni isu taaga jamhuuriyadda
Soomaaliland waxaa ilaashanaya shacabka,rabitaanka shacabka dawlad ka hor iman kartaa ma jirto oo dawlad kale qasab kaga dhigaysaa,
Waxaan idiin leeyahay jaanis ayaad haysataanee waanuna idiin soo ducaynaynaa in allaah(swt) idiin siiyo dawlad cadaaladda oo beeluhu
Ka wada muuqdaan oo aan qofna xakhiisa la dudsiinayn.
Waxaan M/waynaha jamhuuriyadda Soomaaliland Mudane:AXMED MAXAMED MAXAMUUD(SIILAANYO) u soo jeedinayaa waa in la
Xoojiyo siyaasadda arrimaha dibadda oo ay ka shaqeeyaan ama la badhitaaraan wasiirka arrimaha dibada rag aqoon u leh
Siyaasadda arrimaha dibadda oo miisaam,meeqaam iyo tixgelin ku leh wadamada islaamka iyo kuwa gaaladda ah,waana in la
Xoojiyo siyaasadda arrimaha gudaha oo lagu xoojiyo rag miisaan ku leh beelahooda oo isugu jira Culimaaudiin,Salaadiin,Waxgarad,
Ganacsato,Aqoonyahan,iyo bulshada qaybaheeda kala duwan waana in xooga la saaro sidii gobolkasta beelaha wada dega looga
Samayn lahaa dib u heshiishiin wixii ay kala tabanayaana lagu dhameeyo shareecadda islaamka,waana in la dardar geliyo
Sidii goboladda dalka looga hirgelin lahaa asaaskii bulshadda,sida,biyaha,caafimaadka,waxbarashadda,wadooyinka,garoomadda
Dayuuradaha,seerayaasha iyo dhaamamka.
Waxaan shacabwaynaha,Xisbiyadda mucaaaradka,ururadii hadhay,siyaasiyiinta,aqoonyahanka,qurba jooga, u soo jeedinayaa waa in wixii
khilaafaada inta meel layska dhigo laga shaqeeyo lagana hortago duulaankan siyaaasadaysan ee inagu soo kordhay.
Waxaan mar labaad talo u soo jeedinayaa M/waynaha Mudane:M/wayne waa inaad sida ugu dhaqsaha badan ugu kordhisid ciidamada,
Shaqaalaha dawladda labadii boqol ee ka dhinaa waa inaadaan labada boqol kala reebin wixii aad uga badinaysidna uga badisid oo weliba
300% aad mar labaad u samaysid sababtoo ah aad iyo aad ayey u dulman yihiin if iyo aakhiraba waad ku liibaanaysaa oo waxaad ka
Helaysaa duco shacabkana farxadaas ayey kuu ducaynayaan.