Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Hayaanka Tahriibka iyo Halista Ka Dambaysa Qalinkii:- Moh’ud Harun.

$
0
0

Qalinkii:- MOh’ud HArun  Qaybtii 1aad Sidaynu wada ognahay waxa soo badanaya Tahriibka Dhallinyarada  Dalkeena Wiilal iyo Gabdhaba, Maaha markii ugu horaysay ee Fikirkayga ka dhiibto   dhibaatada Tahriibtu leedahay balse waxaan ugu Celcelinayaan Inta Caqligooda iyo  Garaadkoodu wali badqabo inay talo iyo waano unoqoto.
dhalinyaradu waa xoogga ama quwada uu dal leeyahay,isla markaasna waa mustaqbalka berrito bedeli lahaa kuwa maanta talada haya.
hadaba dhalinyarada geyigeena  somaliland ku nool,waxaa ku xeeran duruufo qalafsan oo ay ugu horeyso shaqo la’aan baahsan ,oo ragaadisay jiilkii dalkani lahaa,ee muruqooda iyo maskaxdoodaba laga faa’iidaysan lahaa,taas oo ka dhigtay fadhiid aan lahayn han iyo himilo durugsan oo ku qotonta sidii uu seeska ugu jeexi lahaa nolol ku dhisan farxad iyo badhaadhe,ilaa xad la waayey himilo iyo majare hagaagsan oo lagu wada hirto.
dhalinyarada intoodii badnayd waxay u tacabireen,wadamaga dibedda iyaga oo sii mara wado cagaag iyo carcaraaf badan oo kala kulmaan dhibaatooyin xanuun badan oo murugo ku reeba xusuustooda.
inta ay safaradaas ku sii jiraan waxa qaar ka mid ah loo geystaa tacadiyo kala duwan,sida jidh dil loo geysto,kufsi iyo madax furasho,waxaana jirta in qaaar ka mid ah dhalinyaradaas tahriibayaasha ahi ay gaajo iyo haraad ugu dhintaan saxaraha u dhexeeya suudaan iyo libya iyaga oo aan gaadhin hadafkii socdaalkoodu ku astaysnaa.
waalidiinta dhalay dhalinyarada tahriibaysa ayaa inta badan kharashaadka ay ku tegayaan bixiya,iyaga oo u iibiya guryahooda ama wixii kale ee  ku socdaali karaan,sida hooyooyinka oo iibiya dahabkooda.
waxaana goblamay hooyooyin badan oo sagootiyey curadadoodii gabdho iyo wiilalba,ka dib markii doonyihii ay saarnaayeen kula gedoomeen badda libya iyo talyaanigu ay wadaagaan.
dhalinyarada ayaa yoolkooda ugu weyni ahaa sidii ay dhaqaale u heli lahaayeen ay ku daboolaan baahiyaha aasaasiga ah,ee qoysaskooda iyo sidii ay u heli lahaayeen nolol dhaanta tan ay  khatarta ka doorbideen.
Waxaa dhawaan sheeko ku maqlay Gabadh yar oo aad u qurux badan oo inta ay  waalidkeedii ka baxsatay isku dayday inay tahriibto iyada oo la socota hablo iyo wiilal kale oo ay asxaab ahaayeen, balse markii ay gaadheen Saxaaraha balaadhan ee dalka  Liibiya oo ah halka ugu daran ee waraabaha dharka xidhan ka helo hablaha Somaliyeed, halkaasi lagula hadhay gabadhii yarayd taasi ay ku haysteen meesha muddo dhawr  sanno ah, balse markii ay dhawr caruur ah oo qasab ah ku dhashay meesha ay ka soo baxsatay, ka dib markii ay dalka ku soo noqotay waxay hor iman kari wayday  waalidkeedii ay sidaa u gashay iyo ehelkii iyo qaraabadii oo aanay jirin waji ay la hor tagtaa  iyada oo aan ka sheekayn karayn waxa lagula kacay gabadhaasi.
Diin ahaan iyo dhaqan ahaanba ma wanaagsana habluhu inay tahriibaan, waayo waa hilib bisil oo haadu eeganayso hadii la dayoco………
Lasoco Qaybata 2aad………
Qalinkii:- MOh’ud Harun
Phone:-0252-2-4055557
E-Mail:- bayan022@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles