Allaa mahad leh, Ammaan oo dhan isaga ayaa leh, qofkuu hanuuniyo ayaa hanuunsan, ninkuu lumiyana wax hanuunin karaa ma jiraan.
Waxaan jeclahay inaan qormadan kaga hadlo muhiimada iyo doorka waxbarashada ee qofka iyo bulshada, inkastoo aan qoraal lagu koobi Karin.
Waxbarashadu waa aas-aaska horumarka iyo nolosha taas oo uu qof kasta u baahan yahay inuu helo waxbarasho, waxaanay lagama maar maan u tahay nolosha iyo horumarka qofkasta iyo bulsho kasta, Horumarkuna waxa uu ku xidhan yahay heerka aqooneed ee qofka iyo bulshada. Wax kasta oo la rabo in laqabta waxay u baahan tahay aqoon iyo karti, Horumar wayn oo lagaadhaa waxay ku xidhan tahay aqoonta oo lagu dadaalo.
Waxbarashadu waxay saamayn wayn ku leedahay nolosha iyo horumarka mustaqbalka ee bulshadu hiigsanayso inay gaarto, waayo waxay aas-aas u tahay nolosha bini’aadamka waana halka qof kastaa uu ka bilaabi karo nolol qiimo leh iyo horumar la taaban karo oo uu qofku ku mutaysto Tixgalin, Sumcad iyo Magac uu ku dhex yeesho bulshada.
Waxbarashada waa hagaha qofka isla markaana u tilmaanta dariiqa horumarka ee qofkasta jecel yahay inuu gaadho, sidaa darteed waxbarashadu waa wadada lagaga baxo fakhriga iyo jahliga haddii sida ay tahay looga faa’iideysto. Hadaba waxa muhiim ah si qof kastaa ugu noolaado nolol wanaagsan waa inuu ku dadaalaa sidii uu ku heli lahaa waxbarasho tayo leh, kuna dadaalaa aqoonta uu baranaayo si uu u anfaco naftiisa iyo bulshadiisa, isagoo uga faaiidaynaya dariiqa wanaagsan ee horumarka. Iyadoo uu markasta qofka waxbartaa uu yahay mid dadka kale ka duwan sida uu Ilaahay Subxaanah Watacaala uu ku sheegay quraanka Kariimka ah (masimanyihiin kuwa wax bartay iyo kuwa aan waxbaran). Waxay kuu cadaynaysaa in qofka waxbartaa uu yahay mid wanaag iyo horumar umada u horseedi kara.
Hadaba aynu usoo laabanao sida ay bulshadeenu uga qayba qaataan waxbarashada: mid ka bilaabanta guriga oo ay ka mid tahay Akhlaaqda, Caqiidada, iyo Dhaqanka oo ka timaad waalidka. Iyo mid banaanka ah sida Malcaamadaha, Dugsiyada, Jaamacadaha iyo meelaha ka baxsan guriga. Waana labada meelood ee uu qofku ka helo Diin, Dhaqan iyo Aqoon, waxaana muhiim ah marka qofku waxbaranaayo inuu leeyahay hami sare iyo aragti fog, diyaarna u yahay inuu wax ka badalo horumarka Naftiisa, Deegaankiisa iyo Dadkiisa.
Horumarka ay gaadhay dunidan casriga ee maanta aynu ku nool nahay waxaa tiir u ah aqoon lagu dadaalay lagana midho dhaliyay qof kasta oo waxbarta waxa uu ku dadaala sidii uu naftisa u anfici laha iyado aad moodo in laga tagay bulshadii. Ugu danbayn hadafkeena iyo doonitaankeenu waa inaan ku dadaal naa sidii aan u heli lahayn aqoon si aan u dhisno mustaqbalka dadkeena iyo dalkeena, waana waajib saran qofkasta oo caqli taama leh, Ilaahayna waxan ka baryaynaa inuu inaga yeelo kuwii ku liibaana aqoontooda If iyo Aakhiro.
Suleiman Bashir Omar
Kampala, Uganda.
Email: ibnubashiir99@gmail.com