Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Faaqidaad: Miisaaniyad Musuq iyo Magac U Yaal Ka Buuxo, W/Q. Xasan Xuseen Cabdillaahi

$
0
0

Qormadda 1aad: Hay’add Laga Hoos Saaray Wasaaraddeedii, Haddana Miisaaniyaddeedu Ka Badan Tahay Wadarya Siddeed (8) Wasaaraddood.

Miisaaniyadda qaranka ee 2013 oo odoroskeeda uu daba yaaqadii bishii December wasiirka maalliyadu u gudbiyey golaha wakiillada isla markaana si kor ka xaadis ah ugu faahfaahiyey ayaa u muuqata mid dhaliilo badani ka buuxaan marka laga cabir qaato, Golaha sida degdegu ku jiro duuduubka ugu ansixiyey iyo Madaxweynaha oo 24 saacadood oo keliya qalinka ugu duugay dhaqan galkeeda.

Miisaaniyaddan oo run ahaan 17% ka badan tii kal hore, wadarteeduna tahay 1,043,127,269,668 Sl/shilling oo u dhiganta $ 173,854,545, waxa ay ka kooban tahay saddex farqadood o kala ah: Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Hay’addaha Madaxa bannaan iyo Dakhliga deeqaha Caalamiga waxay u muuqataa mid sed bursiimo gaar ah, si gaar ah loogu siiyey hay’addo gaar ah oo laga dan leeyahay.

Haddaba Waxa aan Jecelahay In Inta Ila Aragtida ahi ee dhinaca toosina igala taagan qaddiyaddani ay Ila Qiimeeyaan Buugga Odoroska miisaaniyadda 2013-ka, ee golaha loo qaybiyey oo ka kooban 54 bog kaasi oo ay ka dhex muuqdaan khaladaad amaba gal-daloolooyin loo badheedhay oo ku jira Madax-xiggeenada (Sub-heads) wasaaradaha iyo Hay’addo magac u yaal ah oo run ahaan ka miisaaniyad badan Wasaaraddo Laf dhabar u ah Qaranka. si taxane ah akhristayaasha ugu soo bandhigi doonaa miisaaniyadda Hay’addo aan meelna kaga jirin xukuumadda balse loo qorsheeyey meelo dano laga leeyahay, halka wasaarado kale aan lagu xusinba.

Qormada Maanta iyo Dhaliilaha Miisaaniyadda waxa aynu ku soo qaadan doona kuna lafo guraynaa mid kamid ah Hay’addaha Madaxa banana oo runtii Miisaaniyaddiisu ka badan tahay wadarta lacagta siddeed (8) wasaaradood oo ku jira miisaaniyadda. ……haa siddeed bay ka badan tahay weliban ah kuwo laf dhabar inoo ah.

Hay’addani waa SLNTV oo bilo ka hor uu laga hoos saaray Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi gelinta oo uu ka tirsanaan jiray. Tv-ga qaranka waxa Miisaaniyadda sanadkan loogu daray lacag qadarkeedu yahay 15,591,636,540 Slsh, (Shan iyo Toban Bilyan, Shan boqol iyo Kow iyo Sagaashan Milyan, Lix boqol iyo Lix iyo Soddon Kun, Shan boqol iyo Afartan Shilin. waxa ku laban-laabmaysaa Wasaaraddii laga madax bannaaneeyey ee warfaafinta oo iyadda miisaaniyadeedu tahay keliya 8,170,279,600 Slsh.

SLNTV waxa uu la miisaaniyad yahay wasaaraddaha:

1. Warshadaha oo loo qoondeeyey 1,419,670,000 Slsh

2. Dib-u-dejinta oo loo qoondeeyey 1, 890, 403,000 Slsh

3. Diinta iyo Awqaafta oo loo qoondeeyey 2, 217,810,000 Slsh

4. Qorsheynta Qaranka oo loo qoondeeyey 2, 253, 987, 000 Slsh

5. Gaashaandhigga oo loo qoondeeyey 1, 692, 133,000 Slsh

6. Beeraha oo loo qoondeeyey 2, 612, 324, 000 Slsh

7. Kalluumaysiga oo loo qoondeeyey 2,199, 128, 00 Slsh

8. Caddaaladda oo loo qoondeeyey 1, 784, 720, 000 Slsh.

Wasaaraddahaas oo aanu tusaale u soo qaadanay uun balse ay jiraan kuwo la mid ahi waxa isu geynta lacagta sannadkan loogu daray miisaaniyaddu noqonayaa 15, 78,060,175 Slsh Bilyan (Shan iyo Toban Bilyan, Toddoba Boqol iyo Sideetan Milyan, lixdan kun iyo boqol iyo Shan iyo toddobaatan shilin), lacagtaas marka laga gooyo Miisaaniyadda TV-ga dawladda waxa waliba uu dheeraanayaa oo uu ka badan yahay 531, 455 Slsh oo ah nus malyuun (shan boqol iyo kow iyo soddon shilin).

Arrimahaas oo dhan marka laga yimaado waxa Caqliga saliimka ahi is weydiinayaa sababaha amaba baahiyaha daruuriga ah ee uu daboolo TV-ga qaranku maxay yihiin, muxuu dheer yahay Warbaahinta kale ee madaxa banaan TV-yada kale ee dalka ka jiraa se Tayo ahaan muxuu kaga tilmaaman yahay ee uu dheer yahay, iyadoo walba Tv-yada kale ee madaxa banaani iyagoo aan dhaqaale ahaan meel ku tiirsanayn ay iskood isu bixiyaan waliba bulshadu kaga kalsooni badan tahay TV-ga Qaranka.

Su’aal kale ayaa khadka qalinka ka dhex guuxaysa oo uu jawaabteeda la’ yahay, oo waa wasaaraddan xaqeedii la duudsiyey ee Warfaafinta, Maxaa godobta Intaa le’eg looga galayaa ee iyadoo ah muraayaddii qaranka koboca Miisaaniyaddeeda looga door biday Waax yar oo hore u hoos iman jirtay.

Miyaan loo baahnayn Waaxaha dawladdu ku xisaabtanto ee warfaafintu ka kooban tahay, Miisaaniyaddan aan tobanka Bilyan gaadhin ee loogu daray sanadkani sidee ayay u maarin kartaa Waaxdii Radio Hargeysa, DAWAN, SOLNA iyo waliba waaxdii dhaqanka ee laga soo wareejiyey Wasaaradda dhalinyarada. Haddii laga maarmi waayay oo dhaqaale intaas loo heley, bal waxa ay ku xidhnaan doontaa masuliyiinta warfaafinta oo ga tirsanaan jirtay.

La Soco Qeybta 2aad ee Qormaddan

Allaa Mahad Leh

Xasan Xuseen Cabdillaahi

Mrkeefkeef@gmail.com

Mrkeefkeef@live.com

Hargeysa, Somaliland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles