Soomaalidu waxay ku maah maahdaa rag cadaalad waayay sidii cawsha kala yaac.dadweynaha sharafta leh waxaa waajib ku ah inay ka hadlaan cadaalada oo ay tilmaamaan cadaalad darada sidaa awgeed akhristayaal waxay cadaaaldadii somaliland maanta gaadhay in dadka la iska xidh xidho maxkamad la'aan oo sida xoolaha loo xidho taasina waxay ka hor imanaysaa dastuurka somaliland oo dhigaya in aan qofna 24 sacadood gudahood iska xidhnaan kari maxkamad la'aan, hadaba maanta markay xukuumada siilaanyo jabisay dastuurkii oo dadkii iska xidhnaadaan maxkamada la'aan oo soomaalidu waxay tidhaahdaa meyd kee ugu danbeeyey iyo kaa la siisido , aqoon yahan jaamac cilmi jiir ayaa haatan mudo bil iyo badh ah maxkamad la'aan ugu xidhan xabsiga dhexe ee magaalada hargeysa iyadoo mudadaasi uu xidhnaan aan la hor keenin wax maxkamad ah.hadaba markay arintaa halkaasi marayso akhriste maxaad u malaynaysaa cadaaladii somaliland iyo dastuurkii dhigayay in aan qofku iska xidhnaan kari 24 maxkamad la'aan miyaan xukuumada siilaanyo sharcigii iyo datuurkii dalka nu yaalay ku tuman oo hadba sida ay doonto kama yeelayso? waxa kale oo nasiib daro ah in ay xadhiga aqoon yahan jaamac cilmi jiir ka gaabiyeen hayadihii xuquuqal iinsaanka ee somaliland oo aan ilaa hadal si wanaagsan uga hadal xadhiga xaqdarada ah ee loo geystay aqoon yahan jaamac cilmi jiir oo mudo bil iyo badh ah maxkamad la'aan ugu xidhan xabsiga dhexe ee magaalada hargeysa. ugu danbeytii waxaan u soo jeedinayaa golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka,xisbiyada mucaaradka ah,madax dhaqmeedyada,siyaasiyiinta,aqoon yahanka,dhalinyarada ,haweenka iyo guud ahaan shacabka reer somaliland inay si wada jir ah arimahan oo kale uga hadlaan waayo hadii aan arintan foosha xun leh laga aamuso qofkasta wey ku dhici kartaa oo cadaalad daro ayaa lagu xidhi karaa markaa madaama oo xukuumadii siilaanyo xadhkihii iyo dabarkiiba goosatay waa in lagu soo dabaalaa xayndaabka dastuurka somaliland oo ah han umada somaliland wada leedahay ee dhexda ah isla markaana waa in xukuumada lagu khasbaa inay ku dhaqanto dastuurka dalka u yaala. Qalinkii Cabdi Casiis Basiir Nuur Email;c.casiis98@hotmail.com Hargeysa/Somaliland
↧
Aqoonyahan Jaamac Jiir Oo Sida Xoolaha Oo Kale Bil Xabsiga Ugu Xidhan Wasiirka Madaxtooyada
↧