Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

ILLAAHAY Dartii Ramadaanta U Soo Caawiya Walaasheen Laki Maxamed Cali Oo ILLAAHAY Aragii Indhaheeda Ka Qaaday Si Loogu Soo Jeexo Cusbitaal Dibadeed

$
0
0

“Waxaan ahay Gabadh 15-Jir Ah Oo Indho-beeshay, Haddii La Iga Caawiyo In Indhaha La ii Furo Wax Badan Baan Qaban Lahaa, Waxaanan Baran Lahaa Cilmiga…..”Laki Maxamed Cali

Hargeysa(Berberanews):- Waa Gashaanti shan iyo toban-jirsatay oo aan labada Indhood waxba ka arkaynin, ka dib markii ay iyadoo saddex bilood jirta Illaahay wax-aragga ka daboolay, hase-yeeshee hammi badan iyo higsi fiicani ku abuuran-yahay, isla markaana aan sida Dhakhaatiirtu kula taliyeen Waalidkeed, gaar ahaan Hooyadeed inay Gabadheeda Laki Maxamed Cali xalka wax-araggeedu ku xidhan yahay Dhakhatar dibedeed oo la geeyo.

LAKI MAXAMED CALI

Balse, duruufta dhaqaale ee qoyskeedu ku nool yahay maaha mid awood ahaan u sahli karta raadinta caafimaad dibedeed oo dhinaca indhaha ah.Laki Maxamed Cali waa Gabadh yar oo 15-jir ah waxay iyada iyo Walaalkeed Cadnaan Maxamed Cali oo isaguna jira 13-sano ay Indha-beeleen mid waliba markii uu jiray saddex bilood oo keliya sida ay Hooyadood u sheegtay, keliya labadan Carruur ahi waxay caawimadii Hooyo-nimo ka helaan Hooyadood oo gacanta ku haysa, isla markaana kula nool magaalada Hargeysa. Qosykani waa qoys dan-yar ah oo aanay duruufta dhaqaale ee ay ku nool yihiin hoosayso. Hase-yeeshee, waxay Illaahay ka qabaan rejo fiican iyo yaqiin wanaagsan oo waxay dhawrayaan inay mar uun xaaladda ay ku jiraan uu ALLAAH (SXW) ka saaro.

Haddaba, qoyskan oo uu ku booqday guriga ay ka deggan yihiin magaalada Hargeysa Weriye Mustafe-Jannaale oo ka tirsan Shabakadda Hadhwanaagnews, ayaa waxaa u suuragashay inuu waraysto Laki Maxamed Cali oo u muuqatay Gabadh aad u qalbi wanaagsan, rejo fiican qabta, hammi iyo higsiba ku abuuran yahay, balse aan Indhaha waxba ka arkeyn, waxaanay uga warrantay rejada ay qabto iyo sida ay ugu baahantay caawimo Bina-aadaminnimo oo loo fidiyo.

“Anigu waxaan ahay gabadh 15-jir ah, Illaahay waxa uu wax-aragga iga daboolay markaan saddex bilood jiray. Dhakhaatiirta la ii-geeyey waxay ku taliyeen in Indhahaygu aanay dhiman ee aan u baahanay keliya Dhakhtar dibedeed, taasna nasiib-wanaag qoyskayagu waa dan-yar oo ma awoodaan inay Dhakhtar dibedeed I geeyaan. Sidaa daraaddeed, haddana Illaahay rejo fiican baan ka qabaa inuu maruun ii furo Indhaha si aan wax u arko Illaahay mahaddii. Markaa, waxaan dawladda iyo Dadweynaha Reer Somaliland iyo Cid kasta oo Muslim ah oo iga caawin karta in Dhakhtar dibedeed la ii diro ay iga soo caawiyaan Illaahay dartii.” Sidaa ayey tidhi Laki Maxamed Cali oo u warrantay Mustafe-Jannaale.

Waxay Laki sheegtay inay aad u dhegaysato Idaacadaha, sidoo kalena Daawato TV-yada si ay cod ahaan ugula socoto Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa TV-yada, maaddaama oo aanay muuwaal ahaan u arkaynin. Waxaanay tidhi; “Anigu maaddaama oo aanan waxba baran, isla markaana shaqo qabannin arag-la?aanta awgeed, waxaan aad u dhagaystaa Idaacadaha sida BBC-da, VOA-da, Radio Hargeysa iyo kuwa Af-Soomaaliga ku hadla ee kale iyo TV-yada oo aan daawado si aan cod ahaan ugu dhagaysto waxa ka baxaya, markaa dalka iyo dunida-ba waxa ka socda si fiican baan uga war-hayaa.”

“Haddii Illaahay isagaa awood lehe uu Indhaha ii furo ama uu Illaahay Walaalahayga Muslimiinta ah ii sikhiro inay iga caawiyaan Dhakhatar dibedeed oo Indhaha ah oo Indhuhu ii furmaan, waxaan baran lahaa Cilmiga Saxaafadda, waxaan wax badan u qaban lahaa Bulshadayda, gaar ahaan dadka Indhaha aan wax ka arag, kuwa dhagaha aan wax ka maqan, kuwa naafada ah iyo cid kasta oo jilicsan oo u baahan caawimada aan maanta u baahanahay oo kale, kuwaasoo warar iyo barnaamijyo dhibtay tirsanayaan, gargaarka ay u baahan yihiin iyo sida ay uga bixi karaan ku saabsan aan ka diyaarin lahaa si aan bulshada iyo dawladdaba ugu ban-dhigo xaaladdooda nololeed iyo tabashooyinka ay qabaan.” Sidaa ayey tidhi Laki Maxamed Cali waxay mar kale dawladda Somaliland, dadweynaha reer Somaliland, Bulshada Soomaaliyeed iyo Ummadda Islaamka ah meel kasta oo ay caalamka kaga nool yihiin ugu baaqday inay Illaahay dartii u soo caawiyaan iyada iyo Walaalkeeda ka yar ee Cadnaan Maxamed Cali oo isaguna aan Indhaha waxba ka arkaynin.

Haddaba Walaallayaal Illaahay umuu waayin inuu Carruurtan walaalaha ah araggooda u soo celiyo ama gacanta u geliyo maal ama dhaqaale ay raadinta araggooda kula tacaalaan, hase-ahaatee, waxa uu wax ku tusayaa dadkeenna Indhaha qaba iyo kuweenna uu ILLAAHAY dhaqaalaha u dhiibay, waxaanu Illaahay inna faray inaynu Ifka isugu naxariisanno oo kolba keenna taag-daran kuweenna awoodaa gacan-qabanno, si uu ILLAAHAY innoogu naxariisto miisaankeenna xasanaadkana ugu daro waxa fiican ee aynu isfarno ama is-tarno. Sidaa daraaddeed, Wallaallayaal qof kasta iyo qoys kasta meelkasta oo ay dunida ka joogaan-ba waxaannu si naxariis leh ugu soo jeedinaynaa inaad Illaahay dartii waxaad awooddaan ugu soo caawisaan Wiilka iyo Gabadha Walaalaha ah ee aan Indhaha waxba ka arkaynin, si aynu Illaahay naxariis iyo khayr ugaga doonno, carruurtana hammiga iyo higsiga nololeed ee ku jira aynu ugu dhiirrigelinno inay mar uun gaadhaan haddii Illaahay yidhaahdo.

?Caamiyaha Indhaha-liyo
Ma ogtahay Curyaan-kaba
Cago looma waayine
Caynkaa wax loo yidhi
Kuwa Cararayee Ladan
Inay Ku Cimro-qaataan.?

Tuduc-suugaaneedkaasi wuxuu ka mid yahay Heesta la yidhaahdo Caashaqa Ha Baayicin oo uu Curiyey Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-ganay), isla markaana ay ku wada luuqeeyaan Fannaaniinta Xasan Aadan Samatar iyo Allaah ha u naxariistee Xaliimo Khaliif Magool, taasoo ka turjumaysa waayaha nolosha Aadamaha sida Illaahay u kala duway iyo sida la isugu imtixaamayo iyo Xigmadda Illaahay (SMXW) uu ka leeyahay.

Qof kasta oo doonaya inuu soo caawiyo waxa uu wixii lacag ah ugu soo hagaajin karaa Sanduuq-xisaabeed (Account) looga furay Shirkadda Xawaaladda ah ee DAHABSHIIL, kaasoo lambarkiisu yahay Sidan hoos ku qoran:
Account Number: 34015 HRD
Number-kuna: 4145844
Mustafe-Jannaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: janaale94@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles