Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all 1191 articles
Browse latest View live

Siyaasadda Iyo Saxaafadda: Tee mudan?. By: Maxamed X. Raabbi

$
0
0

Midi na ka ma mudna ta kale. Baahi gaar ah na waa ay isu qabaan. Ma kala maarmaan hawlahoodu. In ay saaxiibaan ama kala didaan se bulshada (dawladda iyo dadweynaha) danteeda ma aha. Hawlahooda qaran iyo gaar ba na u ma fiicna. Sababtu waa maxay? Mar haddii ay qaybo mudan bulshada ka yihiin, xuduudo aanuu midkood na ka bixi karini waa in ay jiraan. Waa na ay jiraan haddii sharcigu shaqaynayo. Siyaasiga iyo saxafiga ba xidhiidhkoodu waxa uu la mid yahay kan qasnaji iyo hubiyaha. Mid waliba hawlaha kan kale waa in uu ixtiraamaa, tixgeliyaa oo u fududeeyaa.

Hawlaha siyaasiga iyo kuwa saxafigu waa ay is dheelitiraan. Siyaasiga shaqadiisu waxa weeye agaasimidda hawlaha dadnimo ee bulshadiisa. Saxafiga na shaqadiisu waxa ay tahay ka warqabidda dhacdooyinka maalmeed ee bulshadiisa. Kolkaas saxafigu waa in uu ogaadaa hawlaha siyaasadda iyo dhacdooyinka ay sababaan. Siyaasigu na go?aamada uu qaato dhacdooyinka ka dhasha, mid taban iyo mid toggan ba, in uu ogaado si weyn baa uu ugu u baahan yahay. Baahidaas na waxa dabooli kara saxafiga. Haddii ay labadu ba xilkas yihiin, hogaaminta bulshadooda iyo hawlahoodu ba dhibaatooyin iyaga iyo bulshada ba waxyeelaa waa ay yaraanayaan.

Haddii aynu u fiirsanno bulshadeennan Soomaalilaand, siyaasiga iyo saxafiga waxa dhexyaalla dareen kala digtoonaani weheliso. Mid na ka kale ku ma kalsoona. In ay sidaas oo kale bulshaweynta adduunka ka jirto na waa suuragal. Sababto waxa ay tahay: dawladuhu wax baa ay qarshaan, gaar ahaan xilliyada ay dhibaatooyin bulsho jiraan, sida colaadaha ama dagaallada. Waxqariska dawladdu waxa uu ku suuragalaa go?aamo, ay tahay suxufiyiintu in ay ogaadaan. Haddii ay waxtar lee yihiin dhawraan; haddii se waxyeello wataan uga digaan dadweynaha. Maxaa yeeley, dadweynuhu waa bulshada ay saxafiga iyo siyaasigu ba ku nool yihiin. Haddii ay bulshadaasi badbaadi weydo, iyagu na ma badbaadayaan. Hawlaha siyaasiga iyo saxafigu ba ma fududaanayaan. Waa se ay waxyeello badanayaan.

Haddii ay dawladdu wax qariso iyada oo danta guud u adeegaysa, saxafiga waa ku dembe kashifidda waxaas qarsoon. Siyaasiga na waa ku dembe haddii uu qariyo wax danta guud ku lid ah. Awoodda siyaasiga waxa ku sidkan sharci seeteeya oo distoorku ugu mudan yahay. Madaxbannaanida saxaafadda na, distoorka ka sokow, waxa haga sharci in kasta ha furfurraado ee. Noolasha Aadamaha mar walba sharci ayaa xukuma: mid Eebbe, mid dhaqan iyo mid ay golayaasha siyaasaddu sameeyaan. Dadnimada siyaasiga iyo saxafiga ba saddexdaasi waa ay saameeyaan. Haddii uu siyaasi ama saxafi saddexdaas xeer mid na ku dhaqmi waayo, dadnimadiisa waxa baa ka si ah. Waxa na uu ku fiiican yahay in hawlahiisu joogsadaan. “Weel muggii ma dhaafee, Allaw mooska ayaan jebin”.

Cilmiga siyaasadda iyo kan saxaafaddu ba waxa ay aqoonta aadamaha kaga jiraan kaalinta kuwaad. Ha se yeesho ee, qofkii baranayaa badi waa qof caadi. Ma aha cilmi u kaydsan in uu barto qofka ugu maskax fiican bulshada. Ma na ah hawlahooda in uu faraha la galo, qof aan dhaqan ahaan iyo cilmi ahaan ba u bislayni. Haddii se ay dhacdo in uu qof isku cidhiidhyo siyaasadda ama saxaafadda hawlahooda farsamo iyo dhaqan ba, waxa badi ba dhacda gaboodfalyo ( ku xadgudubka xuquuqda wadaniga iyo shisheeyaha ba ) dad iyo dal ba gaasiriya.

Gaboodfalyadaasi maxaa ay noqon karaa? Waxa ay noqon karaan go’aamada dawladeed ama kooxeed ee aan dhaqanka iyo sharcigu mid na ogolayn; laakiin se ku salaysan danno gaar. Wax badso wax beel baa ay lee tahay. Inta badan dawladda uun ma qaldanto ama gefto. Qabiilka iyo xisbigu ba waa ay marin habaabi karaan. Danno gaar ah ayaa ay yeelan karaan; maxaa yeeley saddexda ba, kooxo bulshada ka mid ah ayaa ka taliya. Kooxaasi awood ay ku danaysan karayaan ayaa ay heleen. Markaas waxa bulshada iyo saxafiga ba ku waajibay feejignaan gaar ah.

Maxaa gaboodfalyda bulsho lagaga badbaadi karaa? Jawaab fudud oo sugan ma ahayo. Qayrkay in uu hayo na ma filayo. Waxa se aynu isla garan karaan in ay laga ma maarmaan tahay in uu sharcgu shaqeeyo oo ay bulshadu madax iyo minja ba cadaalad, cadaalad, cadaalad ay dugsato hesho.

Wargeyska HUBAAL sharci baa xidhay, gar iyo gar darro ba, Sharci baa na u hiilin kara. Marin kale oo cadaalad loo maraa ma furna. Marka cadaalad la waayo ama uu sharcigu shaqayn waayo, jidad taban,waxyeello weyn leh oo burbur dambe inoo horseeda ayaa khasab ku furmaya, qof jecel iyo mid neceb. Mid cadaaladdarro ku badhaadhay iyo mid ku saboolay ba. Dulmigu dugsasho ma laha: mid taliya iyo mid loo taliyo ba. Eebbeen ayaa aynu ka baryeynaa in aanay jidadkaas tabani innagu furmin oo colaaddarro mar labaad innagu bilaabmin!

Dhisme kasta mid muuqda sida saraha iyo mid aan muuqan sida ururrada bulshada, waxa uu u baahan yahay sees ama sal adag oo aan dhakhso ama hawlyari u dumin. Dhinaca bulshada, hawlaha salkaasi u baahan yahay na cadaaladdu waa ka kow. Cilmiga naafic ah iyo dhaqan suuban ayaa ku xiga.

Haddii aynu dulmiga ka hiilin weyno, oo cadaaladda u hiilin weyno mar walba; in aynu dhisno bulsho caafimaad qabta oo nolol tayo leh, innaga iyo ubadkeennu ba ku helno, ha filin.

Maxamed X. Raabbi


Adhi Shugux Shugux ka ma il-baxo-WQ,Abdiqadir Muuse-taydh

$
0
0

Golaha wadda tashigga iyo toosinta Qaranka

 

Baryahan danbe waxaan warbaahinta ku arkayay dadwaynaha Somaliland oo ku Mashquulsan Tageeridda iyo Diidmadda Gole lagaga dhawaaqay Magaaladda Hargeysa oo loo Bixiyey Golaha Wadda Tashigga iyo Toosinta Qaranka, iyaga oo ay ku dhawaqeen Ragga inta badan Wajiwadoodu dadka reer Somaliland aanay ku cusubayn, lakiin arrinta xusud mudan waxay tahay Bulsho waynta Somaliland oo u dawakhsan kala tageeridooda, sida dhaliyaradda oo ah xooga kaliya ee marka wax la mucaaridayo la adeegsado, markii aan la sheekaystay Dhaliyaradda Tageersan Golaha, waxa ii soo baxay in ay Marka horeba dawladda hadda jirta ka soo horjeedeen madaama ay reerkooda Wasiiradda ku yaraysay, halka qaarna ay ku tageereen Golahan Cusub Siyaasigoodii (ay isku reerka ahayeen) oo ku jira awgii,

Waxaad is waydiinaysaa dadku tariikhda la soo dhaafay maanay diba u eegin, marka kolba cida Muraad lihi Durbaanka u garaacdo Somalida ayaa ku Maahmaada Adhi Shugux Shugux kama Il-baxo, ka soo bilaw ilaa Xiligii Somalia aynu ku biirnay, oo loo Aanaynayay Siyaasiyiintii Xiligaa Joogtay in Masiirkeenii Jarka Tuureen, Wakhti dheerna inagu qadatay in aynu dib ula soo noqono. Halkii aynu ka filaynay in ay dalka iyo dadkuba dib-udajin lagu sameeyo ayaa dib-u-qixin lagu sameeyey, iyaga oo sababay Ragga Xildoona dhacdadaas oo Allah ha u Naxariistee Abwaankeenii waynaa ee Mohame Xaashi Dhamac Gaariye ka Tiriyay Maansadii Ergo wuxuu yidhi

Oori weerku ku raagayoo
geeridii odeygeedu
afaafkay ku banaysay
ninkii owdi lahaa
isagii fadhataystey 
yaan u eersa nidhaa 

Isla markaana lagu dumiyey Dawladdii Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali, Sanadku marku ahaa 1993 ayaa wax la doortay Madaxweyne Maxamed X Ibrahim Cigaal, markii Ragg badan oo islaha cid kaaga Xaqleh ma jirto ay Hogaanka Dalka iska waayeen, waxay Abuureen Dagaal Sokeeye oo dad badana ku nafwaayeen, danta shakhsiga waxa ka wayn danta Caamka ah ilaahay uu inaga Badbaadiyey lakiin Teelo looma dhigan.

Wakhti aan Fogayn oo 3sano ka soo wareegtay waynu ogayn wixii ku dhacay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin in Isbaahaysi balaadhan lagu qaaday iyaga oo ku Midoobay Xisbigga iminka Taladda dalka haya ee Kulmiye, Shacabkana loo sheegay in Isbadal loo baahan yahay, halka siyaasiinta (Horjoogayaasha)  Isbaahaystay ay wax kale oo Qarsoon ku heshiiyeen. Markii taladda dalka la wareegeena isqaban wayday in lawadda qanciyo dhamaan Siyaasiyiintii u Midoobay in ay meesha ka saaran Dawladdii UDUB.

waxa iswaydiin mudan cid kasta oo ku Hungawdda in ay Dawladda ka qaybqaadato, ama loo fulinwaayo wixii uu doonayay, in uu Shacabka Kiciyo kuna qeyliyo Musuqmaasuq Baahsan yaa jira, Masiirkiinii waa lamajara-habaabinaya,

Hadaba waxaan maqaalkan ku soo gabagabayn lahaa, inta aydaan Taageerin Golahan Cusub, waxaad dib-u-eegtaan Tariikhdii la soo maray, waxaanad ogaanaysaa in shalay kii kulahaa Ninka Maanta Xaladan aynu ku jirno inaga samata-saarayaa waa Siilaanyo, ma waxaynu ka yeelnaa mantana in uu yidhaa ka dalka Duminayaa waa Siilaanyo?

 

Abdiqadir Muuse-taydh

Waqtigii Qiimaha Lahaa Waxaa Lagu Lumiyay Yooyootan;

$
0
0

Berberanews-23kii October, 1969 khubaddii ugu horaysay ee Siyaad Bare dadka Somalida u jeediyay waxaa uu yidhi “Waxaan kacaanka u dhalinay ee dawladda ula wareegnay “Suurtogal ma ahayn in la iska indho tiro xumaantii dalka taallay sida: Musuq maasuqa, Laaluushka, Qaraabakiilka, Tuugaysiga Xoolaha dawladda, Cadaalad Darrida, Xurmo Darrida Diinta iyo Qawaaniinta””

 

Siyaad Bare wuxuu yidhi “Waxaan doonayaa dastuurka in la ilaaliyo, waxaan baabi’in doona Laaluush, Qaraabakiil iyo Qabyaalad. Waxaan la dagaallami doonnaa nooc kasta oo gumeysi ah iyo kuwa u adeega. Waxaan dhisi doonnaa Qawmiyad Soomaaliyeed oo xoog leh, midaysan, nabaddna kuwada nool. Haddii loo baahdo xoogga aanu hayno oo dhan ayaan u isticmaali doonnaa, si aynu u xoojino Diinta Islaamka oo lagu ciyaaray. Waxaan doonaynaa in aan Soomaaliya ka dhigno wadan sharaf leh. Waxaan dadka Soomaalida u horseedaynaa barwaaqada dhulka ku aasan in ay kala soo baxaan, iskana daayaan baryada Ummadaha kale.”

 

Waxaa waqtigaas laga jooggaa 44 sano wixii uu yidhi oo dhan wax ka qabsoomay ma jiraan Somali meesha ay kala joogtana maanta idiin sheegi mayo oo waad ogtihiin. Hase yeeshee, Somaliland intii ay jirtay oo ahayd 22 sano mahayso wax sidaas u wayn oo lagu faano sababtoo ah waxay madaxdeedu dayaceen waqtigii qiimaha lahaa ee ay wadanka wax ka badeli lahaayeen. Waxaynu aragnaa maalin walba in ay yooyootamayaan oo warar aan fiicanayn hawada isu marinayaan. Maaha in ay waqtiga ku lumiyaan in ay iyagu isu fiirsadaan oo is colaadiyaan. Waxaad halkaas

ka arkaysaa in xidhiidh fiican iyo is qadarini ka dhaxaynin. Waa in aynu ku amaanaa qof waliba wixii uu soo qabtay oo iska daynaa aflagaadada iyo carabka dalabta leh.

Maadaama aanaynu lahayn wadan iyo dawlad addunka lag ictiraafsan yahay waa waajib ah in la wada tashado oo la is dhagaysto si aan ummad nool u noqono. Waxaan been ahayn in cadawga dalka iyo dadku samaynayaan wax kasta oo u suurto galinaya in dadku isnacaan.

 

Waxaan qabaa in ay dawladda maanta jirtaa keligeed masuul ka ahayn dhibaatooyinka dhacaya ee ay ka midka tahay soo noolaynta qabiilka, musuqa iyo eexdu arrintanise waa dagaal cad oo ka mid ah ah dagaaladaa addunka ka dhacaya sidaas darted, waxaa dhamaantiin idinku waajib ah in aad is badbaadisaan. Waa in aanad sidii Gorayada madax ciidda dhulka galin ee la socotaa waxaa ka socda meel kasta. Aniga oo aan jeclayn in aan halkan ku soo qoro warar badan oo aan akhriyay ama dhagaystay waxaanse u sheegayaa dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan in maanta dadkeenii ay Seef aan nixin dul saran tahay.

 

Iyada oo weliba aynu ku jirno bil Ramadaan ah waxay ahayd in madaxweynuhu uu afur u sameeyo dhamaan guddida is magacawday iyo ciddii kale ee siyaasiin ah ee mar uun xurguf soo kala dhex gashay dawladda si shafka la isu saaro oo la isu dhagaysto. Arrintana waxay ku dhici kartaa oo kaliya haddii uu madaxweynuhu ilaahay ka baqayo oo uu ogyahay in uu berito la kulmayo si aanay u jirin dad wax ka tabanayaa haddii uu maanta dhinto geeridu waa mid maalin walba ina dultaal oo ina wada sugaysa. Si dadkiisa uu uga tago dhaxal ah dulqaad iyo samir, waa in uu had iyo jeer noqda qof wax kasta oo laga sheego u dul qaata maadaama uu isagu uu Hoggaamiye ka yahay dalka.

Nabadgelyo xumida, faqriga, gaajada, jahliga,  

Caafimaad darada, samir yarida, khilaafka badan dhamaantood waxaa keena hoggaamin xumo. Mana aha dawladda oo kaliya waxa hoggaaminta fiican u baahan, masaajiddada, dugsiyada, madaarista Quraanka, hayaddaha samafalka iyo reeraha is qaba laftoodu waxay u baahan yihiin hogaamiye fiican.

 

Hoggaamiyaha waa hage, waa badbaadshe, waa ballaadhse, waa bidhaanshe, waa isku-tole, waa bulsho isjecleeye. Hoggaamintuna waa masuuliyad, waa ammaano, waa culays, waa xidhiidh fiican oo dhex mara hoggaamiyaha iyo la hoggaamiyaha waa arrin lays kala xisaabtami doono aakhiro iyo addunkaba. Masuuliyaddanu waa mid hortaala dadka maanta wadanka xukuma iyo kuwa soo socdaba.

 

Sida aan taariikhda ku hayno dadkii meel kuwada noolba waxay maraan marxalado kala duwan ama isbedel midba heer joogay. “Daarro burburay in la dhisaa waa fududahay ummad burburtay in la dhisaa ma fududa mana hawl yara.”

 

Si dadka looga saaro dhibaatooyinka dhaqan dhaqaale ee haysta waa in ay dadka hogaanka u hayaa inta ay ilaahay ka baqaan dadka u sameeyaan cadaalad si dadka uga baxaan faqriga oo hor ugu maraan dalka iyo dadkuba waxaa loo baahan yahay in dalku helo hogaamin fiican oo ku dhisan cadaalad.

 

Wadanku wuxuu u baahan yahay in dib loo eego ilaha dhaqaaluhu ka soo baxaan ta ugu wayn oo ah cashuurta oo u baahan in si siman dadka looga qaado ha u badnaato dadka xoolaha haysta ama tijaaradda ku jira. Dadka maanta nasiibka u helay in ay maamulaan wadanka Waa in ay isugu tagaan sidii looga faa’iidaysan lahaa dabeecadda iyo hantida ku jirta dhulka iyo baddaba.

 

Waxaa laynagu mashquuliyay oo waqtigeenii fiicnaa ee aan wax ku qabsan lahayn inanga lumay wax la yidhaahdo ictiraaf raadis, doorasho iyo khilaaf taas oo faa’iido dadka ugu jirin laguna habsaamay inoona keenta is qab qabsi badan halkii lagu mashquuli lahaa wada tashi si looga adkaado cadawgeena oo ah gaajo, cadaalad daro, jahli iyo is aaminid la’aan. Si aad u ba’an ayaa dadkii loogu kala qaybiyay taas oo salka ku haysa in aan wax horumar ah aanay dadku gaadhin, una noolaan sida dadku u nool yihiin.

 

Waxaan in badan aan la soo taagnaa in aan lacag iyo waqti inoogaga lumin ictiraaf iyo wixii la xidhiidha oo lacagta la galiyo horumarka dalka. Waa in madaxda dalku kala saaraan marka ay fasax tagayaan ama ay xanuun dibedda ugu baxayaan ama ay danahooda gaarka ah u socdaan si aanay uga dhigin in ay shaqo dadka u soo qabanayaan. Waayo waxaa muhiim ah in laysa xisaabtamo.

 

Waxaan ku talin lahaa in ay dadka wax maamulayaa wax badan iska badalaan oo dejiyaan arrimaha si ay isu bedesho xalaaladda siyaasadeed iyo ganacsi si cadaalad ku jirtona loo simo dadka, taasi waxay horseedi barwaaqo, nabad iyo horumar xag kastaba ah.

 

Waxaa jirta in arrinta hoggaamintu xanuun badan ay dadka ku hayso, waxaana loo baahan yahay in wadanka iyo dadka laga daayo hagardaamada laysku jiid jiidanayo anaa xukumaya iyo aniga ayay markaygii tahay. Waxaa layska ilaaway in ay jirto irsaaqad aan ahayn mid maamul lagu helo.

 

Waxaa maanta aan ku guubaabin lahaa in dadka wadanka diiradda u haya ee shidhka ku jiraa aanay samaysan cadaawad dadkana dhex dhigin colaad ee ay dadka mideeyaan oo u yeedhaan dadka wax la qaban kara si ay u helaan sirtii wadanka lagu hor marin lahaa iyadoo dadka uwada dhan yahay. Wadanka wuu inaga wada dhexeeyaa oo wanaagiisa iyo xumaantiisuba waa wax inoo wada taal.

 

waxaa ku talin lahaa waa in la is jeclaadaa oo laga gudbaa is qab qabsigan dhameeyay wakhtigii qaaliga ahaa ee dadka wax loogu qaban lahaa.

Waxaan ognahay in qof waliba uu dadaalayo oo waxba iska xistiyayn laakiin waxaan u baahan nahay in muddadiiba sida 2-3 sanoba mar lawada fadhiisto oo dib u eegno wixii inaga xumaaday iyo wixii inoo hirgalay wixii aan qabsoomin iyo sababaha keenay in ay sidii loogu tala galay u qabsoomi waayeen.  Tusaale haddii aan u soo qaato wershedda sibadhka ee Berbera haddii ay dhaqaaqdo waxay ahaan lahayd dhaqaale wadanka u soo kordhay wallow aan aniga shaxsiyan ka soo horjeeday si loo wajahay waayo dawladda maanta iyo tii horeba way ku qaldanaayeen in ay bixiyaan hantida dadka u dhex ah, waxayse ahayd in ay dawladdu yeelato qaybta badan oo u magacawdo dad isku jira oo maamula si dadku shaqo u helaan, dadka lacagta ku darsadayna faa’iido u helaan dawladduna cashuur ay wadanka ku hor mariso uga hesho. Waa qalad wayn oo wadanka laga galay haddii dad la siiyo. Dadka ay arrintanu khusaysaa ee go’aankeeda leh waa in aanay wadan dhaxal wareejin oo mar kasta dawladdu gacanta ku haysaa hantida wadanka.

 

Fadlan halkan ka akhriso maqaaladaydii hore:

 

Mahadsanid

 

La soco Qaybta 2aad

 

Caydiid Axmed Jaamac (Indha Warranle)

Melbourne Australia

Xirsiyow Waxba Haysku Qaadin Wadooyinka‏.WQ Xuseen Xasan Badmaax

$
0
0

Xirsiyow waxba haysku qaadin wadoonyinka shacabka jeebkood iyo xoogooda ku hagaajisanayaane hoos u dhaadhac oo ka hadal afduubka aad ku samaysay go’aankii shacabku ku dhawaaqay 18 May 1991.Xageed ku tuurtay gooni isu taagii iyo madaxbanaanidii Jamuuriyada Somaliland.Badmaax

Codkii dheeraa ee aad ku hiiraabaysay intaad tv-yada soo fadhiisatay maxaa hoos u dhigay,sawtaad si taxane ah ugu celcelinayseen guul ayaanu ka soo hoynay shirkii Turkiga,sawtaad ku hadaaqaysay hawada labada dal ee Jamhuuriyada Somaliland waxa laga wada maamuli doonaa xafiis laga furi doono Hargeysa.Taasi saw may ahayn( waxa aanu aqbalay inaynu nahay gobol ka mid ah Somaliya.)Ogow arrinkaasi inuu ka mid yahay dhawr jeer oo aad ku fashilantay ka mid noqoshada midnimada Somaliya.Ogow haduu soo dhacayo inaanu shacabkani ka laabanayn go’aankooda,jiritaanka madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland-na tahay lama taabtaan.

Haa oo waa kaa cadeeyay wasiirka hawada ee Somaliya,isagaa toos u cadeeyay Federaalkaad aas-aasayseen sidii saalo sakaaro,ilayn dadka waxaad u haysataan inay sida dawlada aad ka tirsantahay dhukkan-yihiine.Xirsiyow waxba haku meeraysan siyaasiyiin ruug cadaaya caydooda ee ka hadal dhibaatooyinkan ay gadh-wadeenka ka tahay dawlada aad ka tirsantahay ee uu hogaanka ka yahay adeerkaa madaxweyne Axmed-siiraanyo ee dalka ku habsaday.Waa maxay geed ismarisku,maxaad uga hadli wayday 16ka qodob ee ay soo jeediyeen siyaasiyiintii dalka ugu cuslayd.Ma waxay kugu noqdeen sun aad liqi kari wayday,arrin ma waxa aad ka taqaanaa gacanta wax halagaga qabto.Waar hooy joog dalkani ma qaadi karo banaanbaxyo ooda goosta eh,ma qaadi karo shacabkani jaran-jarooyin waa hore laga soo gudbaye.Xirsiyow wanka wayni wax ma arko ilaa la gawraco.

Umaan haysan beel dhami inay cayda isku raacdo,waxan se bartay Xirsiyow degaanka aad ka soo jeedaa inay ka siman-yihiin.Ka darane inta cayda tv-yada la soo fadhiisatay waa wada masuul qaran! Uff baa lagu yidhi waxa laga hayaa madaxweyne Axmed-siiraanyo,Khaainul wadan ayaad tahay adigaa lagaa hayaa,waa basaas faarax(MP) ayaa laga hayaa.Waxaad se marti u tahay geedka ugu da’da weyn dalkan Jamhuuriyada Somaliland oo caydiinu waa hal bacaad lagu lisay.

Hal ma ku idhaa Xirsiyow hadaad dhego leedahay,waa la waayay nin rag ahi walaal wax uu ku dhaamo ee cagta maad u dhigi.Hayskuna toosin shacabkan harraadan 22ka sanno e.

Waxa aan ku soo afjarayaa:

allahayow yaa yidhaa nalama daaree dooji reera
dulmi iyo wiil nagu durduriya horaanu u diidnee jooji daan-daansiga
dagaal mooyee ma naqaan darajooyinka nololeede
ma doonyaad ku rari daarahan dhaadheer.

Yarkan intuu dihday yidhi anigaa dalka xukuma
Yarkan doobyay ee yidhi duco anigay dabar iigu xidhantay
ma dooxii burcuu u haystaa dawladnimada

Xuseen Xasan Badmaax
Hargaysa/JSL

KACDOONADA KA JIRA DALALKA ISLAAMKA IYO DAAWENTOODA

$
0
0

Berberanews-Waxa ayaamahan socda kacdoono weji badan oo dalalka Islaamka ka aloosan. Waxa lagu soo koobi karaa inay waxa keliya ee ay ka siman yihiin tahay inay kala xidhiidh furteen shacbigii iyo xukaamti. Lamana wadaagaayo oo masuuliyadda waxa leh inta talada haysa, iyagaa u cumaamadan inay dadka soo dhoweeyaan soona xero geliyaan kuna dhaqaan nidaam daah-furan ooy hoggaaminayso caddaalad loo siman yahay kheyraadka iyo manaasibta.

Waa in dadku ku qancaa cidda xilka loo dhiibaayo, ruuxa Alle guddoonsiiyey inyuu hoggaamiye noqdaa waa inuu ummadda u xulaa mas’uuliin aqoon u leh xilkey qabanayaan , akhlaaq u leh mansabka ay hayaan, ku dhaqma cadaalad iyo ixtiraam ay u hayaan dadweynaha.

Waa inay noqdaan kuwo u dhego furan bulsha weynta, qaata talooyinka. Waa inay noqdaan sidii asxaabta kuwo u gurmada ruuxa dulman, soo dhoweeya faqiirka ka hor taajirka, kan itaalka daran ka hore kan hooga weyne, ka xanuunsanaaya ka hor kan caafimaadka qaba. Sifooyinkaas oo dhammaan ahaa kuwii ay ku dhaqmi jireen xukaamtii hore kolka Islaamku ahaa kan ugu xooga weyn dunida.

Kolkii sifooyinkaasi daciifeen, ayaa awoodda Islaamku bilowday inay laciifto, ilaa ay soo gaadhay heerka ay manta marayso. Waxaana la yaab leh in dalalka aynu ku sheegno gaaladu yihiin kuwa ku dhaqma sifooyinkaas waana sababta iyana ay ku horumareen inana aynu ku hadhnay. Guushu waxay ku jirta kolka hoggaanku noqdo mid wata ummadiisa kuna kasba wax qabad salkiisu yahay daacadnimo iyo cadaalad.

Haddaba bal aan raadraac taariikheed ku laabano iyo xiliyadii hore. Inta badan aadmigu ma raacin dariiqa toosan, Waxayna noqdeen dar shaydaan iyo kibir xaqa ka indho-saabo. Waxaana marwalba meel walba ka bilaabmay dagaal oogayaal midiidin ka dhega shacbigooda, oo maal iyo moodba badheedh u xalaashada. Waxa bilaabmay nidaamka dagaal oogaha oo xoogaysatay deedna isu rogay boqortooyooyin hab dhaqankoodu ka fogeyn kii dagaal oogaha.Waa astaamihii Islaamka ka hore jiray, waxaabad se moodaa in sawirkaasi yahay kan dhabta ah ee maanta ka jira meelo badan oo dunida ah.

Halgankii taariikhda aadmiga oo dhabadaas holaca iyo dulmigu jiifo soo martay, waxa in badan samo-talisku sameeyey kacdoon ay ku doonayaan samatabixin iyo hab nolaleed nabad iyo cadaalad dhalin kara. Waxa leysku raacsan yahay in kolka laga yimaado nabiyadii Illaahay soo diray, in dawladdii islaamka ee Khulafada afarta ah ee Abuubakar ugu horreeyey, ay tahay dawladdii ugu horreysay ee muujisay mas’uuliyadda iyo inay horseedo danaha guud ee dadweynaha. Waxa hore u jirtay in maamul magaalooyin ka tirsan Griigii hore iyo Romankii ay xiliyada qaar hab sifaahaas oo kale lihi ka dhashay, ma se ay noqon mid dal dhan ka hirgashay.

Haddaan mataal gaaban u soo qaadano nidaamkii uu Abuubakar unkay, waxa aan cidi ka murmeen inuu noqday Hogaamiye dawladeed, kii ugu horreeyey ee mushar go,an loo sarjaro, iyadoo taasi ayna ka badnayn mid u dhiganta oon dhaafsanayn nolasha danyartu ku nooshay, mid aan qarsoonayn oo cid waliba ogeed, uuna u jaray ninka u qaabilsanaa maaliyadda oo hayn jiray Maamulaha Baytul maalka, malaha haddana noqonaaya Wasiirka Maaliyadda. Bal u fiirso xukaamta maanta een la aqoon mushaharkooda, cidina ayna u goyn ee iyagu waxay doonaan qaata, qaybiya, guba, siiya , daadiya marba siday la noqoto ugu tagrifala.

Beytal Maalku waxuu ahaa hay’ad madaxbanaan oon hoggamiyahu marna farogelin ku sameyn Karin. Khulafadu marna mey ahayn kuwa si toos ah uga mas’uul ah maamulka maaliyadda. Lacagta dawladda waxaan mushaharkiisa ahayn Abubakar gacantiisa ma soo geli jirin. Sidoo kale ayey raaceen khulafadii ka dambeysay.

Waxa dhacday in Abubakar xaaskiisu xoogaa lacag ah oo ay uruurisay si ay maalin u cunaan cunta macaan oo dhadhan leh, ayey lacagtii u dhiibtay Abubakar oo ku tidha macmacaan inoogu soo iibi… Abubakar waxuu ugu jawaabay…” Waa lacag dheeraad inagu ah”, waxuuna u celiyey Batul Maalkii Muslimiinta isagoon dhanna eegin. Yacnii waxaan ahayn quudka uu cuno askarigu muu ahayn mid uu u arko inuu xaq u leeyahay. Waxuu aaminsanaa inay xumaan iyo axmaqnimo tahay nin dhergaaya dadkiisuna baahan yahay.
Dhacdo kale Cumar Bin Khadaab ayaa salaad Jimce ka yare habsaamay…kolkuu soo gaadhay ayuu ku yidhi asxaabti” Iga raali ahaada go’ keliya ayaan leeyahay oo kaas ayaan maydhaayey…”

Dhinaca u naxa maatida iyo ka warhaynta inta baahan. Waxa markhaati ka ah sida habeenkii uu Cumar u dul meeri jiray meelaha danyartu gasho si uu u maqlo cabashadooda iyo taaha gaajo amba xanuun. Habeen ayuu ku soo baxay taanbuug nin dusha ka joogo haweynayna gudihiis taah la reemayso. Cumar ayaa ninkii weydiiyey xaalkiisa..ninkuna si adag ayuu ugu jawaabay. Cumar ma dhibsan ee waxuu si qabow u weydiiyey waa intaas oo uu wax ka qabtaaye inuu uga waramo dhibta haweynada haysa. Kolkuu u sheegay inay foolanayso, ayuu Cumar dhinacii gurigiisa u kacay deedna uu soo kaxeeyey xaaskiisii si ay uga caawiso dhalmada haweynayda.

Kolka ay Amu-Kaltoum ku mashquulsanayd umusha, Cumar waxuu karinaayey cunto ay cunaan umusha iyo ninkeedu…cabaar dabadeed ayey Amu Kalthoum dhawaaqday iyadoo Cumar ugu yeedhaysa Amiirul Muuminiin…UGU BUSHAAREE SAAXIIBKAA INUU WIIL U DHASHAY… waxuu ninki la yaabay magaca Amiir Almuuminiin..koluu ogaaday inuu Cumar yahay ayey ilmo indhiisa buuxisay…sidaysay ahayd xukun wanaagu..kibir la’aan, naxariis iyo dulqaad…Lacag iyo raaxo sidaas ayey ka ahaayeen…xukunkoodu waxuu gaadhsiisanaa dalalka Carabta oo dhan bariga ilaa Shiinaha, badhtamka Yurub, iyo dhul weynka India.

Bal ila eeg dhacdo kale. Waxa la yidhi Abubakar ayaa nin saxaabi ah u cadhooday, kolkaas ayuu ku yidhi erey xun. Ereygii kolkuu afkiisa ka soo baxay, ayuu Abuubakar qoomameeyey. Waa se erey afka ka soo baxay oo cidi ma celin karto…Abuubakar, waxuu saxaabigii ka dalbay inuu ereygii ku soo celiyo oo uu ku yidhaahdo…Wuu diiday saxaabigii..Abuubakar wuu baryey, oo uu baryey…saxaabigii oo la soo taagan waan ku saamaxay, ayuu haddana intaas ka jeclaa inuu ka goosto..
.
Dhinaca mabda’a la tashiga oo ah sifaha waxa maanta lagu sheego hab-maamul-wanaaga waa mid la dhashay Islaamka. Waxa xiligaas jiray nidaamka dhaxaltooyada ee boqorada, haddaba Rasuulkeena Maxamed SCWS, ma marin tubtaas, ee waxuu uga tegay in si wado tashi ah ay asxaabtiisu ku doortaan cidda hoggaanka islaamka qabanaysa. Dareenka Abuubakar ee mas’uuliyadda, waxa laga dheehan karaa qudbadda taariikhiga ah ee uu akhriyey, kolkii xilka loo dhiibay. Taas oo noqotay middii ugu horreysay ee nin madaxi dadkiisa u muujiyo in xilka ay iyagu u dhiibeen, iyaga u hayo, iyaguna ka qaadi karaan.

Aan si kooban u soo qaadano qudbadii Abuubakar Al-sadiiq Illaahay raali ha ka noqdee, waxuu yidhi:

” Dadweynow idinkaa i doortay oo Madaxdiina iga dhigay, inkasta oo aanaan ka fiicnayn mid qudha oo idinka mid ah. Haddaan wanaag sameeyo i taageera, haddaan qaldamo i toosiya. I maqla, runtu waa daacadnimo, beentuna waa daacad-darro.

Dhankeyga ka idiinku itaalka yar ayaa ugu itaal roon, ilaa inta aan xaqiisa siinaayo. Kan idiinku xoogga badan, dhankeyga ayaa ugu itaal yar ilaa inta aan ka qadaayo xaqa cid kale leedahay.

Haddii laga leexdo addeeca iyo tubta Eebbe, waxaa Illaahay innagu soo dejin doonaa dhib iyo fool xumo. Haddii dadku noqdo qaar xumaan falga caadaysta, waxa innagu soo degi doonta dhib iyo masiibooyin aan laga waaqsan. I adeeca oo i maqla inta aan adeecaayo oon hayo tubta Illaahay iyo Rasuulkiisa. Haddaan taas ka leexdo I diida oo waxaad xor u tihiin inaydaan i maqlin ina adeecin………”

Waxaynu gelaynaa tobankii habeen ee ugu barakada badan, Alle heyna tuso xaqqa, dhibta iyo amaan darrada ka taagan dunida Islamkana ha ka kor qaado heynaga yeelo kuwa soo celiya karaamadood iyo awoodii Islaamka.

Ahmed Arwo
La-taliayaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha,
Ganacsiga iyo Maalgashiga

Aniga Waxba ma cunayo laga bilaabo Waa-Bariga illaa Gabal-dhaca. I waydii Sababta.Sawir cajiiba!!

$
0
0

Sawir cajiiba ah oo Hadal-heyn badan ka dhaliyay Yurub ,Waa maxay sababtu ?

Sawirkan waxaa lagu soo bandhigay Bogagga Xiriirka Bulshada caalamka , waxaana aad u hadal hayo weli Kumanaan Qof oo Bogaggaas aad u isticmaala.
 
Waa Inan Muslim ah oo Yurub jooga, kaas oo sida Sawirkaba ka muuqata Dusha Funaanada uu wato ku soo daabacday Ereyo English ah oo Micnahoodu yahay.SAWIR CAJIIBA1
 
I AM NOT EATING FROM SUNRISE TO SUNSET ASK ME WHY ” Aniga Waxba ma cunayo laga bilaabo Waa-Bariga illaa Gabal-dhaca. I waydii Sababta?”.
 
Wuxuu Wiilkan ugu tala galay Funaanadan inuu Dadka aan Muslimka ahayn ku ogeysiiyo in lagu jiro Bisha Barakeeysan ee Ramadaan oo qiimo weyn ku fadhida.
 
Dadkii ka faallooday Sawirkan ayaa siyaabo kala duwan ugu hadlay, waxaase Hadaladoodu ay isugu biya shubanayeen in Sawirkani uu yahay mid si dhab ah ,oo xigmadiisuna ka turjumayso Dareenka Qofka Muslimka ah ee Bisha Ramadaan Waajibkeeda gudanaya.
 
Waxay kaloo Dadkii ka faallooday Sawirka qaar badan oo ka mid ahi sheegeen in Sawirku uu si dadban Fariin ku saabsan Diinta Islaamka iyo Micnaheedaba ugu gudbinayo Dadka aan Diintan qiimaha leh heysan ee Dunida ku nool gaar ahaanna kuwa ay meel wada joogaan Wiilka Funaanadan wata.

Braclays Bank Muxuu ka Yaqaanaa Dahabshiil? Soomaalidu waxay ku Maahmaahdaa nin shir ka kacay Siigoyare ——-Faallo

$
0
0

Hargeysa-(Berberanews )-Dhaqaalaha dunidu waxa uu ku salaysan yahay dal wabilba sida uu wax-soo-saarkiisu yahay oo salka ku haysa xagga aqoonta bulshadaasi leedahay iyo ganacsiga furfuran ee xorta ah. Soomaaliya waxay ka mid ahayd waddamadii Afrika ee dhaqaalaha fiican haystay ka hor intii aanay burburin dawladdii milatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Bare hoggaaminayey. Waxyaabaha ugu badan ee ay ka soo xaroon jireen ilaha dhaqaaluhuna waxa ka mid ahaa xoolaha nool iyo wax-soo-saarkii beeraha oo meel fiican marayey.

Haseyeeshee waxay labadaasiba hoos u dheceen kadib dagaalladii dalka ka dhacay 1991-kii, laguna riday maamulkii Maxamed Siyaad Barre, balse labadaaba waxa Soomaalida kaalintoodii u galay shirkadaha xawaaladaha oo uu ugu horreeyo kambaniga caanka ah ee Dahabshiil Groups oo ka mida sababaha uu Ilaahay ku badbaadiyey dad badan oo Somaliyeed, kuwaas oo ay shirkadda Dahabshiil ka caawisay dhinacyada dhaqaalaha, nolosha qoysaska danyarta ah oo haddii aanay Dahabshiil jiri lahayn in badan oo ka mid ahi soo gaadheen heerka ay maanta taagan yihiin.

Tusaale ahaan haddii aan soo qaadano abaarihii Soomaaliya ka dhacay sannadkii 2011-kii shiraddu waxay qayb weyn ka qaadatay gurmadkii lagu samato bixinayey dadkii kumanaanka Somaliyeed ahaa ee ay ku dhufatay abaartaasi argagaxa weyn ku ridday dunida oo dhan, waxaanay shiraddu gurmadkaasi ku bixisay lacag dhan $150,000 Dollar-ka Maraykanka ah.

Masiibadii daadadka fatahaadda webiga Shabeelle ku dhufatay magaalada Balladweyne ee xarunra Gobolka Hiiraan oo dad badan ku qaaday hanti ganacsi iyo guro badana ku burburiyey inay shirkadda Dahabshiil kaga qaybqaadatay lacag dhan $1,000,000 Dollar oo isugu jiray raashin la siinayey dadkii barakacayaasha ahaa iyo lacago caddaan ah intaba.

Sidoo kale, markii ay abaarta kululi ku dhacday Somaliland sannadkii 2010-kii shirkadda Dahabshiil waxay kaga qaybqaadatay gurmadkii biyaha iyo raashinka lagu gaadhsiinayey dadkii ay abaaruhu saameeyeen lacag dhan $150,000 Doollar.

Waxa kale oo aynu la wada soconaa kaalinta fir-fircoon ee ay shirkaddu kaga jirto kobaca arriamaha caafimaadka iyo waxbarashada iyo dhiirigelinta Jaamacadaha dhulalka Soomaalidu degto, gaar ahaan kuwa Somaliland oo ay badhitaarto horumarkooda iyada oo siisa lacago, isla markaana u dhista qaybo ka mid ah dhismayaasha ay ardaydu wax ku bartaan iyo lacago badan oo ku bixiso qabsoomida xafladaha loo dhigayo ardayda ka soo qallinjabisa Jaamacadaha.

Shirkadda Dahabshiil waa shirkad  madaxbanaan oo gaar loo leeyahay waxaanay soo shaqaynaysa ilaa iyo 40kii sano ee la soo dhaafay waxaanay ka shaqaysaa adeegyada xaasaasiga ah ee la xidhiidha kobcinta dhaqaalaha bulshada Somaliyeed meel kastaba ha joogaane sida xawilaadaha lacagaha oo aynu odhan karno waa laf-dhabarta 1aad ee ay maanta qoysaska Somaliyeed ku tiirsan yihiin. 

Waxa kale oo ay shirkaddu ka shaqaysaa sarrifka lacagaha, isgaadhsiinta telefoonada iyo intertnet-ka casriga ah ee dunida isku keenay maanta, kuwaas oo intaba shirkaddu ku hogaaminaysay dhammaan ganacsiga kale ee noocan oo kale ah ee ka jira gudaha Soomaaliya iyo xataa waddamada Afrika oo dhan oo sida la ogyahay ay Dahabshiil tahay kambaniga ugu weyn ee xagga xawilaadda lacagaha iyo sarrifka.

Dhanka kalena, shirkadda Dahabshiil waxay leedahay qayb Bangi ah oo ay dadku lacagaha dhigtaan si dhibyarna uga qaataan, hadba halkay joogaan iyaga oo aan wax dhibaato iyo musuqmaasuq ah toona ku qabin adeeyada kala duwan ee ay shirkaddu bixiso, xarumaha Baananka Dahabshiil meelaha ay hadda sida fiican uga shaqeeyaan waxa ka mid ah waddamada Jabouti iyo Somaliland.

Shirkaddu waxay adeega bangiga ama kaydinta lacagta ku soo kordhisay nidaam casri ah oo ay dadku kula socon karayaan dhaqdhaqaaqa xisaabeed ee is bedallada Akoonadooda  uga furan Dahabshiil, kuwaas oo aanay lahayn shirkadaha kale ee lacagaha xawilaadaha ka shaqeeya, waxaanay dadku ogaan karaan haddii akoonadooda kala baxdo lacag oo farriin telefoonkaaga gacanta laguugu soo qorayo “akoonkaaga waxa laga saaray lacag dhan —” haddii aad sidoo kale lacag dhigatana waxa uu ku odhanayaa “akoonkaaga waxa lagu shubay lacag dhan intaa iyo intaa.” Taasina waa nidaam casriya oo dadka siinaya kalsooni buuxda in aanay lacagahooda cid aan iyaga ahayni kala bixi karin akoonada ay ku leeyihiin Dahabshiil.

Bangiga Dahabshiil qaybtiisa Hargeysa oo hadda dhismihiisu dhammaad ku dhawyahay, kaas oo noqonaya dhismaha ugu wayn Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu noqon doonaa xarunta Dahabshiil Baanka. Sidoo kalena waxa hadda shirkaddu ka wadaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho dhisme wayn oo kan oo kale ah oo laga dhigi doono xarunta Muqdisho ee Dahabshiil Bank.

Shirkadda xawaaladaha lacagaha iyo sarrifka ee Dahabshiil waxay xarumo ku leedahay in ka badan 157 dal oo ka mid ah waddamada adduunka, waxaanay bulshooyinka kala duwan ee waddamadaas ku nooli si hagar la’aan ah ugu naaloonayaan adeega hufan ee tayada leh ee ay bixiso shirkadda caalamiga ah ee Dahabshiil Groups. Arrintaasina waxay keentay inay dadka Somaliyeed ee dunida daafaheeda ku kala firidhay si dhibyar ula soo xidhiidhaan eheladooda iyo qaraabadooda ku nool caasimad ilaa iyo tuulo, kuwaas oo si joogto ah ugu xidhan xarumaha Dahabshiil.

Haddii aad gudaha u gasho xarumaha xawilaadda lacagaha ee Dahabshiill waxay indhahaagu markiiba qabanayaan dadweyne tiro badan oo safaf dhaadheer ugu jira qaadashada lacago looga soo diray dunida daafadeeda ama u diraya kuwo kale oo meelo kale jooga.

Qofka Soomaaliga ah ee ku nool meel ka baxsan magaalooyinka waaweyn ee ay Soomaalidu degto sida degmooyinka iyo tuulooyinka yaryar ee hoosyimaada oo kale markay doonanayaan lacagaha ay eheladoodu dibadaha uga soo direen uma baahna inay soo aadaan magaalooyinka waaweyn, basle waxay tallaabo yar uun u qaadayaan ama tagayaan hadba xarunta ugu dhaw ee ay leedhahay shirkadda Dahabshiil.

Shirkaddu waxay caan ku tahay inay dadku lacagahooda u helaan sida ugu horreysaba marka ay ehelleadoodu u soo diraan oo aanay waqti dheer ka qaadan, waxaanay shirkaddu samasyay hab casriya oo ay si dhibyar dadka ugu soo gudbiyso markay lacaguhu dibadaha uga soo dhacaan, iyaga oo farriin qoraal ah telefoonada gacanta ugu soo gudbisa in lacag loo hayo “fadlan kaalay Dahabshiil lacag baa kuu taallee,” taasina waxay meesha ka saartay baahidii ahayd inay dadku tagaan Dahabshiil oo ay wadiiyaan in loo soo diray lacag iyo inkale.

Dhinaca kale, shirkadda waxa u shaqeeya dadka ugu tirada badan ee u shaqeeya shirkad keliya oo gaar loo leeyahay Somaliland iyo Soomaaliya guud ahaanba, waxaana lagu qiyaasaa inay kor u dhaafayaan ilaa hal malyan iyo badh marka laysku wada geeyo tiradooda.

Dahabshiil kambani waxa uu caan ku yahay inay xafiisyadiisu dadweynaha ka adeeganaya u furan yihiin xilliyo ka badan inta ay furan yihiin kuwa shirkadaha kale ee ka shaqeeya xawilaadaha lacagaha, tusaale ahaan Dahabshiil waa shirkadda keliya ee ay xafiisyadeedu adeegga dadweynaha u furan yihiin maalintii oo dhan 7 subaxnimo ilaa iyo 5:30 galabnimo intayar ee la qadaynayo duhurkii ama salaadaha Duhur iyo Casar la tukanyo mooyee. Haddii loo baahdana xarumaha xawilaadaha lacagaha ee Dahabshiil waxay furan yihiin waqtiyo dheeraad ah sida xilliyada munaasibadaha ciidaha bisha barakaysan ee Ramadaanta oo kale.

Geesta kale, Dahabshiil waxa uu xidhiidh toos ah la leeyahay Bangiyada waaweyn ee caalamka oo uu wadashaqayn iyo hab-xisaabeedyo lacagaha laga diro ku leeyahay dunida oo dhan, kuwaas oo shirkadda u sahlaya in aanay hakad iyo cidhiidhi toona gelin shaqada xawilaadda lacagaheeda u yaala waddamada kale, tusaale ahaan waddanka UK oo kale waxay Dahabshiil xidhiidh la leedahay Bangiyo kala duwan oo uu ka mid yahay Bangiga Braclays oo hadda doonaya inuu joojiyo wadashaqayntii uu lahaa xawaaladaha.

Haseyeeshee, go’aanka Baanka Braclays waxba uma dhimayo dhaqdhaqaaqii xawaaladda lacagaha ee Dahabshiil, waxaana u furan shirkadda inay xidhiidh wadashaqayneed si dhibyar ula furato bangiyada kale ee dalkaasi ku yaal, iyadoo aanay marnaba wax caqabad ahi ku iman doonin shaqada xawilaadda lacagaha ee shirkaddu u hayso dadweynaha.

“Dadweynaha Somaliyeed waxaan u sheegaynaa inaanay ka warwarin inaanu UK uga soo dirro lacagahooda hadii uu Baanka Braclays xidho akoomada Dahabshiil ku leedahay waxaannu heli karnaa Bangiyo kale oo ku yaal dalka UK oo aannu haddaba xidhiidh la leenahay shaqadayaduna maaha mid ku joogsanaysa Baanka Braclays oo kaliya.” Sidaa waxa yidhi Maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale oo ka hadlayey dhawaaqa Baanka Braclays uu ku hanjabay inuu joojinayo la shaqaynta xawaaladaha Soomaalida.

Sidaa darteed haddii uu Baanka Braclays ku adkaysto inuu joojinayo xidhiidhka uu la leeyahay xawaaladda Dahabshiil waxay la mid noqonayaa uun maahmaahdii Somaliyeed ee ahayd “nin shir ka kacay siigayare,” taas oo macnaheedu yahay inaanay Dahabshiil u dhutin doonin wadashaqayntii Baanka Braclays uu la lahaa xawaaladda Dahabshiil, balse ay ku xidhan tahay bangiyo badan oo kale oo caalami ah, kuwaas oo diyaar u ah inay la shaqeeyaan Dahabshiil horena ula shaqayn jiray, haddana la shaqeeya.

Taas awgeed waxaaba iska yar inta uu Baanka Braclays Dahabshiil wax ka yaqaano, guntii iyo gabogabadii waxaan leenahay “Braclays Bank muxuu Dahabshiil ka yaqaanaa?”

 

 

FAALLO: Weriye Xadiis Maxamed Xadiis

Warqad Furan oo ku socota Madaxweynaha dawladda Federaalka Somalia

$
0
0

Ku:- Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Og:- Shacabka Somaliland.

Og:- Shacabka Somaliya.

 

              Ujeedo:- Madaxbanaanida Iyo Jiritaanka Somaliland Waa Muqadas:-

 

Waxaa ii sharafa Madaxweynow in aan kuu soo qoro warqadani aniga oo kuu haya xushmad iyo sharaf.

Mudane Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud:-

Jamhuuriyada Somaliland waa qaran xor ah lana siman qaramada kale ee caalamka waad ogtahay Somaliland in ay xoriyadeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska UK,taariikhda 26juun 1960 ayna noqotay qaran xor ah.

Waxaa dhacay midow dhacay 1dii july 1960,taasi oo ay midow aan sharci ahayni dhexmaray Waqooyi iyo Koonfur midowgaasi lama sameynin Afti dawdweyne si loo ogaado inta ogol israaca(Mar hadaan Afti laga qaadin shacabkii somaliland in ay rabaan ama diidaan midowga waa sharci daro midawgaasi).

Madaxweyne waad ogtahay in midowgii shaqeyn waayey dhibaato weynina dhacay lana kala tegey dagaalo qadhaadh ka dib.

Madaxweyne shacabka Somaliland waxay dib ula soo noqdeen xoriyadoodii luntay waxayna go’aansadeen gooni-isu-taagooda taariikhda 18 may 1991.

Madaxweyne gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland waxaa lagu ansixiyey afti dadweyne ( Waa Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland) waxaa ogolaaday in somaliland noqoto qaran xor ah oo madax-banaan 97% shacabka somaliland.

Madaxweyne eeg Qodobadan Dastuuriga ah:-
Qaybta 1aad
Xubinta 1aad
Tilmaanta Guud
1- Qod. laad: Qaranka Jamhuuriyadda Soomaaliland
2- Qod. 2aad: Dalka Jamhuuriyadda Soomaaliland
3- Qod. 3aad: Magaalo-madaxda
4- Qod. 4aad: Jinsiyadda
5- Qod. 5aad: Diinta
6- Qod. 6aad: Afka
7- Qod. 7aad: Calanka, Astaanta iyo Heesta Qaranka

 

Madaxweyne Waxaan kaa codsanayaa in aad qaderisid , xaqna dhawrtid Qaranimida iyo jiritaanka Somaliland aynuna ahaana laba dal oo jaar ah oo walaalo ah,waxba ma tarto colaada iyo isnacu madaxweyne.

Mudane Madaxweyne waxaan ku xasuusinayaa in aysan weligeed gorgortan geleyn Qaranimada iyo madaxbanaanida jamhuuriyada Somaliland,Wada hadalada aad kula jirtid maamulka siilaanyona uusan khusayn waxna ka bedeli karin  Qaranimada iyo Madaxbanaanida shacabka somaliland go’aansadeen.

 

Madaxweyne Waxaad iga gudoontaa salaan wacan(SCW), shacabka somaliland iyo shacabka somaliya waxaan u rajeynayaa barwaaqo,nabad iyo badhaadhe.

 

Yusuf Cabdilahi Janaale

Muwaadin u dhashay Jamhuuriyada Somaliland.


SHEEKO: BAKHAARLIHII SAACADDIISII KA LUNTAY

$
0
0

 Nin bakhaarley ah ayaa saacddiisii gacanta kaga dhex lunyey bakhaarkiisii , markii larogaayey jawaanadii raashinka ahaa , saacaddan oo aheyd mid aan caadi aheyn , oo qiimo weyn ugu fadhidey (dhaxal aheyd) , meel kasta bakhaarkii wuu ka raadiyey , wakhtiti badanna way ka qaadatey , qoladii xamaaliinta aheydna way la doondooneen , laakiin kuligood way ka quusteen inay helaan .

Wuxuu arkey inamo yaryar oo meel agtiisa ah kubbad ku ciyaaraaya , markaasuu u tegey , oo ka codsadey ,iney caawiyaan oo la doondoonaan saacaddiisii oo bakharka kaga dhex luntey , waxay yaryarkii kolba meel ka raadiyaanba , way waayeen ,waanay ka quusteen .
Ninkii oo quus kataagan saacddii in lahelo , ayaa inan yar oo inamii ka mid ah ,ayaa ka codsadey inuu keligii u ogolaado inuu mar kale ku noqdo bakhaarka , oo saacaddii soo raadiyo .
Ninkii bakhaarleyda ahaa ayaa inankii yaraa HOOS u eegay , isaga oo iswaydiinaaya , aniga iyo xamaaliintii waawaynayd iyo caruurihii faraha badnaaba waxaanu waynay ee ka quusanay ee maanta oo dhan aanu raadinay nay , ma a uyuu kan yari isku deyayaa , waar bal amuurtan arkoo maqloo kaalaya .
wuxuu ku yidhi :waayee bal ha raagin .
Wakhti yar kabacdi , ayaa kii yaraa bakhaarkiika soo baxay , isaga oo SAACADDII caganta ku sida . 
Ninkii badhaarleyda ahaa aad buu u farxay , isaga oo inankii yaraa la yaaban , ayaa waxa uu waydiiyey : SIDA UU KU HELEY SAACADDA ? 
                    EE UU UGU GUULAYSTEY INUU KELIGII HELO ? iyada oo DADKII OO DHAMI AY WAAYEEN ? OO AY KU GUULDARAYSTEEN INAY HELAAN .
Inankii yaraa ayaa waxa uu ugu jawaabey :MARKAAN BAKHAARKA GALEY , DHEXDIISA AYAAN ISKA FADHIISTEY , DABADEEDNA  WAXAAN DHEGEYSTEY SANQADHII (TIKTAK) SAACADDA , wax yar kabacdina waxaan maqley sanqadheedii(tiktak) , halkii sanqadhu (tiktak) ka baxaysay ayaan u kacay , dkabacdina halkii baan ka helay .
Hadaba waxan aynu raadinayno sida (ICTIRAAFKA) (HORUMARKA +XALINTA KHILAAFAADKA JOOGTADA AH +SAWAXANKA SIYAASADEED +WAR SAXAAFADEED YADAN BADAN EE AAN QIIMAHA LAHAYN ……..
Waa inaynu wax dhageysanaa (xukuumaddu shacabka degeysataa mid yar iyo mid wayn ba) , waxna fahanna , garaadna la nimaadnaa , xilkuna waa mas uuliyad , waana lagula xisaabtami doonaa .
Hadaba CAQLIGA caafimaadka kabaa , ee deggani , wuu FEKERI karaa , waxna wuu dhegeysan karaa , sidaa daraadeed haysla WAYNAAN ee wax dhegeyso 
Adiguna bal naftaada iyo cqaligaaga wakhti sii , si aad si wanaagsan ugu FEKERTO . waxna  u dhegeysato .
 
RAMADAAN KARIIM 
CALI MAXAMED BIIXI           caliwwelli@hotmail.co.uk

“KHUBARADA BUR-BURKA” Qaybtii II – W/Qoray: Maxamuud Axmad Oday‏

$
0
0
Qormadii II
 
Waxay inoo maraysay, Xassan Yoonis Habbane oo wada xaajood badan ka dib, amar ku bixiyay in 24 saacadood gudahood gaadiidka hubaysan iyo ciidamada kala duwan ee magaalada ku sugani ku yimaaddaan xerada ‘Guutada’. Dhanka kale, magaalada waxaa habeenkaa ka taagnaa diyaar-garow dagaal oo af iyo addin-ba leh, oo dhinac keliyihi ku jiro. Heesaha xamaasadda iyo kicinta loo adeegsanayay waxaa ka mid ahaa inta aan ka xasuusto “……..Ninkii dhoof Ku Yimibay Geeridu Dhibaysaa,…….. Dhulka Saw Anigu Ma Lihi,……” Ogow, cidda heesahan loogu dar-daar werinayaa, waa ciidanka ay hogaaminayaan Xassan Yoonis Habbane(AHN) iyo C/laahi Xuseen Iimaan (C/laahi-darawal), oo ah mas’uuliin qaran oo uu u magacaabay madaxweynihii waqtigaa ee Somaliland, Mudane C/raxmaan-tuur inay ciidamada hub-ka dhigis ku sameeyaan. Sidii aan hore idiinku soo sheegayna, ciidankani ma aha mid dhammantii Xassan Yoonis ay isku qolo yihiin, mana aha mid ay C/laahi-darawal isku hayb yihiin. Waagii ayaa beryay! Sidan soo socota ayaanay wax u dhaceen.
 
Taliskii Ciidanka Qaranku, qorshe ay habeenkii sii dhigteen oo aad sir u ahaa, oo ay ugu talo galeen in khasaaraha ugu yari ku dhaci karo ayay fuliyeen. Salaadda subax ka dib, markii nin iyo geed lakala gartay, waddo kasta oo Berbera soo gasha, dacalka ugu dhow ee ay magaalada ka soo gasho, waxaa taagnaa Ciidan Qaran oo ka amar-qaadanaya Taliska Dhexe ee Ciidanka Qaranka oo ah, Taliye Xassan Yoonis Habbane, Abbaanduule C/laahi-darawal, iyo saraakiishii maamulaysay colalka. Magaalada Berberi sidan ay iminka u fidday uma wayna. Haddii aan idiin tilmaamo meelaha ciidanka qaranka la dhigay waa sidan hoose.
 
1. Laba waddo oo xeryaha xoolaha ee Berbera ka soo gala dhinaca Koonfureed, waa dhinaca xaafadda Burco-sheekh, waxaa degay ciidan wata gaadiid aad u hubaysan.
 
2. Waddada Biyo-Guure u baxda oo ah bariga, iyo waddada Batalaale qabatana waxaa fadhiistay laba ciidan oo la mid ah kuwa degay dhinaca Burco-sheekh. Ciidanka bariga degay, magaalada siima dhex-marine, markay ka baxayeen xerada Guutada, waxay isku lug ahaayeen ciidanka Burco-sheekh dhabarkeeda degay. Sidaa ayaa intay magaalada dhinaca koonfureed ka mareen, ayay bari kaga yimaadeen goobahii loo asteeyay.
 
3. Waddada xeebta galbeed qabatana ciidanka waxaa la dhigay jeelka wayn iyo albaabka xoolaha nool ee dekkedda meel u dhaxaysa. Si kale u garan mayside waa xeradii geela Maxamed-cali. Maxamed-cali ma aha jabhadkii magacaa ku can-baxay, ee waa nin kale oo ku can baxay dhaqashada geel madani ah, oo Berbera aad looga yaqaannay isaga iyo geeliisaba.
 
4. Waddada haamaha shidaalka qabata, halka uu yahay guriga loo yaqaanno gurigii Ina-macallin, halkaana waxaa la dhigay ciidan. Ciidankaas waxay isu muuqdaan oo sidaan filayo iskaashi ka dhexeeyaa –haddii aan ciidan arki jiray- ciidankaa kala dhex-degay jeelka wayn iyo albaabka xoolaha nool ee dekkedda.
 
Qorraxdu markay baalka la soo baxday, ee aanay dhulka iska soo jarin, ayaa ciidan ilaa soddomeeyo gaadhi (tekniko) oo qoryo kala jaad-jaad ah ku hubaysani soo dhex-galay magaalada. In yar ka dibna, waxaa bilaabatay rasaas googoos ah oo u badan rasaas yar-yar. Garo oo hawlgalku wuxuu bilawday iyadoo dadweynuhu aanu aad usoo toosin, oo socodku yar yahay. Meheradahana waxaa furan makhaaydaha Geelluhu ka quraacdo iyo hudheelladii ugu horreeyay. Marka horebana dadweynuhu kuma lug laha is-mariwaaga ciidamda ee jira, maxaa yeelay xanaftii ka soo gaadhay dagaalkii ay kula jireen Ciidammadii Siyaad Barre ayaan weli ka bi’in. Markii rasaastu bilaabatay dadka intii magaalada dhex-maraysay waxay kala galeen guryaha. Meheradihiina albaabadaa loo laabay si aan sakati badani ku jirin. Hawl-gal muddo saacad-badhkeed ah socday ka dib, ciidankii qaranku dhammaan waxay gacanta ku dhigeen gaadiidkii ka soo hor-jeeday, iyadoo haba yaraatee aanu jirin khasaare dhimasho. Intaasi markay dhacday ayaa magaaladii dib loo furay.
 
Waxaa laga yaabaa inaad is weydiiso: Sidee ayaanu khasaare dhimasho u dhicin iska-hor-imaad dagaal oo socday muddo nusa-saac ku dhaw? Runtii jawaabta su’aashasi waa laba arrimood. Waa tan kowaade, labada ciidan midna ma doonayn inuu kan kale dilo, maxaa yeelay waxay u badnaayeen walaalo shalay dhinac u wada jeeday, oo xabbad cadaw (Faqash) oo aan u tudhayn wejiga u wada dhigayay. Sidaas darteed bay ku adkayd, inuu nin-ba ninka kale xabbad u quudho. Tan labaad waxay ahayd, in sabab buuran oo ay ku dagaalamaan aanay u muuqan ciidanka Berbera hore u sii joogay, ee aan gaadiidkooda keenin halkii uu kula ballamay Taliska Dhexe ee Ciidanka Qaranku, waa xeradii ‘Guutada’ e. Maxaa yeelay, in kastoo ay xalay dagaal u diyaar-garoobeen, haddana waxay isu miisamayeen waanadii iyo caqli-celintii ay u sameeyeen Taliska Dhexe ee Ciidanka Qaranku oo dhinac ah. Iyo warka ay u sheegayeen ‘Khubarada Bur-Burku’ oo ahaa in la idinku soo duulay oo la idin qabsanayo, Xassan Yoonis-na uu yahay nin aan cidna u tudhayn.
 
Waxaan hubaa in Xassan Yoonis iyo C/laahi-darawal wadnaha farta ku hayeen in khasaare ballaadhani dhaco. Markii hawl-galkii ku dhammaaday dhibaato la’aanna ay nafiseen oo ku faraxsanaayeen.
 
Akhristow, arrinta la yaabka lahayd waxay ahayd, markii gaadiidkii la isugu geeyay xeradii‘Guutada’. Dhawr saacadood ka dib, inamadii iyo gaadiidkii xalay aan joogin xerada ‘Guutadu’, waxay tageen xeradii ‘Guutada’ oo ay joogaan Xassan Yoonis iyo C/laahi-darawal. Taliskii ciidanku waa ay soo dhoweeyeen inamadii, waxa ay u sheegeen in aan cid cid kale ku soo duushay jirin, keliya inay doonayaan inay ciidan qaran abuuraan, iminkana aanu jirin mid idinka mid ah oo dembiile ahaanayaa, oo aad soo gashaan xerada, gaadiidkiinnii dib u fuushaan, aad sidaas kaga mid ahaataan ciidanka la doonayo in dib loo dhiso. Arrintaasi waxay yaab iyo fajaciso ku noqotay inamadii. Sidaas ayay badiba inamadii kaga mid noqdeen ciidankii halkaa degganaa oo ay ku walaaloobeen. Isla duhurnimadiiba waxaa la arkayey iyagoo kuwii saaka iska soo horjeeday, oo isku badhxani raabe-raabe iyagoo lugaynaya u iibsanaya qaad oo wada socda, dibna ugu noqonaya xeradoodii, ama ku wada qayilaya maqaaxiyaha. Waxaad arkaysay, iyagoo kuwii iska soo hor-jeeday sida ay u kala qalbi wanaagsan yihiin, laabta isa saaraya oo isku-ooyaya. Waxaad arkaysay, iyagoo ilaahay ugu mahad-naqaya inaanu dhiig dhexdooda ku daadan. Waxaad arkaysay iyagoo farxad iyo ray-rayn iyo kalsooni ku kaftamaya, oo shaydaanka iska naaraya. Waxaad arkaysay iyagoo ka qoomamoonaya sida ay hoog iyo kugu-dhimay-oo-kaa-dhimay faraha ula geli gaadheen. Intaasi haddii ay guul laba dhinac (win-win) ku dhamaatay, cid bay ku ahayd in Waa Baas u beryay, waa ‘Khubarada Bur-Burka’
 

La soco Qaybta III.
W/Qoray: Maxamuud Axmad Oday

DURUUSTA LAGA BARAN KARO DHACDOOYINKA MASAR

$
0
0
Waxaanu ayaamahan dul joognay dhacdooyin sawir maqal iyo muuqaal oo inga dhegey markhaatiyaal. Markhaatiga aamusaa waxa la yidhi waa dambi, Ramadaanna waa lagu jira. Waxaan gartay bal inaan si degan u eegno moojaddan duufaanka wadata sidey u kacday iyo cidda hoosta iyo dushaba ka afuuftay.
Waxaad xusuusata intii kacdoonka la magac baxay Kacdoonkii Xagaaga  Carabta, in dawladihii ka dhashay dhammaan noqdeen qaar u janjeedha dhinaca ururada islaamka ah oo dhammaan lala xidhiidhinaayo Walaalaha Islaamka Masar loona yaqaan Ikhwaanka. Liibiya iyo Tuunis iyo Kacdoonka Siiriya dhammaan waxay wadaagaan Islaam waliba ah Sunne.
 
Adduunkan manta oon mabda’ shaqayn, oo noqday dawlad iyo qofba in loo xusul duubnaado danno gaar ah, ayaa waxad arkeysa dad aad u kala fog aragtida iyo iimanka haddana wadajir ugu jira arrin markaas taagan kuwu kalena iskaga soo horjeeda. Waa calaamadaha aakhir saamaanka, Waa imtixaan Alle marinaayo aadmiga si loo kale saro kan ku adkeysta mabda xalaasha ah iyo kan sida jirjiroolaha kolba qar u booda, hunguriguna hoggamiyo.
 
Dawladaha galbeed dalkooda waxay ku dhaqaan dimuquraadiyadda iyo nidaam ilaaliya xuquuqda aadmiga, dunida kale se waxay ku eegaan meesha iyo sida dheecaanka ugu badan iyo qabniga ugu sareeya ay ku heli karaan. Uma taal in nidaamka dalkaasi yahay keli talis dhiigyo cab ah amba mid qoys keli u leeyahay. Laakiin waxay xarfaan ku yihiin inay darsaan ooy raacaan kolba cidda awoodda yeelan karta. Waxa loo yaqaan daad is raacin oo u ah tab ay ku hantaan kuna dhowraan danahooda. Nooc kasta nidaamka dal ka taliyaa ha ahaadee kama fogaadaan, waxayna isku hawlaan inay gujo iyo marmaroojin, iyo dhaameel aan la dareemin ku mustafeeyaan haddii kale ay qalibaan.      
 
Haddaba kacdoonkii ka bilaabmay wiilkii isku gubay Tunis 2011, midho dhalkiisuu ugu weyna waxa la gaaadhay kolkii doorasho xor oo xalaal ah oo xisbiyo badani ku tartamaan kolkii ugu horeysay ka dhacay dalka Masar. Mursi oo ku guulaystay 53% codkii doorashada , kolka dalkan Ingiriska ayna xisbiga talada haya uuna dhaafin 35% oo waliba dadka codeeya ayna dhafsanayn boqolkiiba 50, waxaad arkeysa biseelka galbeedku gaadhay iyo faham la’aanta dimuquraadiyadda ee Carabta. Xataa kuwa fahamsani waxay ka faa’ideysanayaan aqoon darrada bulshada.
 
Colkii dhacay oo uu ugu horeeyo Dr. Baraadici iyo Cumar Muusa, waxay bilaabeen inay yidhaahdaan aan talada la wadaagno iyo ha la dhiso dawlad wadaag ah iyagoo leh yaa matalaaya dadkii ka codeeyey…dimuquraadiyaduna waxayba ku dhisantay in kolba cidda aqlabiyada hesha talada loo daayo oo la sugo doorashada dambe. Waayo haddaan kolba xisbiga la doorto loo deyn, ma imaneyso la-xisaabtan, dadkuma waxay kala doortaan ma garan karaan. Wadaag waxa uu dhaca nidaamka barlamaanka kolka xisbina waayo aqlabiyad, xisbi aqlabiyad ku guuleystaa cidna lama wadaago, mana habboona, oo waxa wiiqmeysa hadafka doorashada. Haddii kii dadku diideen, uu xukunka la wadaago kii ay doorteen, sow kama hor imaneyso rabitaankii dadweynaha.
 
Wey ku adkaatay Mursi inuu taas iska daafaco waayo waxuu ogyahay jahliga ummadda ka heysta arrintan. Waana halka laga helay. Kolka xukun cusub aad qabato ummaddu waxay ku siineysaa muddo gaaban ood wax badan bedli karto haddaad taas ka faaideysan weydo waxa soo kacaaya dadkii cararay ee kaa cabsi qabay.
Waxa taas ka sii daran waxuu oodda ka qaatay saxaafaddii iyo xoriyaddii banana baxa ., isagoon wax badan ka bedalin maamulkii 60ka sano jiray ee askarta iyo ganacsatada ka xoolaysatay bolo qaran ay dhidibka u aaseen. Waana khadka loo soo maray. Cabsidii ayaa baxday waxaa dib isu abaabulay raggii yaqaanay sida beenta shacbiga loogu sheego. Waxa Imaaradka ku sugnaa Shafiiq oo ka hawlgalay sidii maalkii debedda yaalay ee kooxdii Xusni loogu hawlgeli lahaa. Waxa iyana taagan cabsida laga qabo raadka dimuquraadiyad ka najaxda Masar ay ku yeelan karto dunida Islaamka. Waxa farta wadnaha ku hayey dalal badan oo Carab ah, Israaiil iyo xataa Iiran u u baqaysa Lebnaan iyo Ciraaq. 
 
Qaladada uu galay Dr. Mursim waxa ugu weyn arrimahan
  1. Muu noqon sidii Meleskii Itobiya oo cagta muu marin taliskii bahaloobay ee Xusni Mubarak
  2. Muu noqon qonyar socod hadal qabow inta uu xoogeysanayo side Erdoganka Turkiga
  3. Waxuu fasaxay furashada Tviyada bilaa shuruud, waxaana bilaabmey iney is uruursadaan intii 60 ka sano danaha gaar ku qabtay xukunka.Warbaahintu waxay noqotay mid la iibsado iyo mid mucaaridku leeyahay bas.
  4. Taladii ciidanka intuu waayeelkii Golaha ku jirey eryey ayuu u dhiibey nin 60 jir ah oo ka tirsanaa isla golaha. Waxay ahyd kol hadday Golahii tahay inuu u daayo waayeelkii xilka ku wareejiyey oo u muuqday rag xukunka soo dhmmeystay oo magac doon ah, amba uu magacoobi Taliye ka baxsan Golahii Xusni.
Calaa kuli xaal waxuu noqday nin macaan oo gacan qabow oo qancin iyo aaminsan in dadka runta loo sheego, kolka Masar tahay meel ninka macaan la muudsado oo degdeg loo dhammeeyo, kan raxmadda badana laga hoos tuso, ka qalbiga jilicsana la khiyaameeyo.
Waxa la yaab leh in manta colaadiisa iyo tan lo hayo Ikhwaanka, ay iska kaashanayaan Israaiil, Suuriyada Asad, Dalalka Khaliijka, Iiraan, Xisbulla Lebnaan, Dalalka Galbeedka. Su’aashu waxay tahay nabad ma heli doontaa Masar hadday xukunkan ay boobeen ku guuleystaan Islaam diidku. Sidey se ugu heli doonaan cod oggolaansha ah dastuur ka dhigaaya xukuumadda masar cilmaani, Waa amuurta ku noqotay laf dhuun gashay sarkaalka 60 Jirka ah Janaraal Siisi ee haddana is moodaaya isuna eekeysiiya 40 jirka.
 
Waxaynu nidhaahnaa addunka ayaa ina ga’doomiyey haddaynu nahay reer Soomaliland, inaga waxay ila tahay inaga ayaa saduuq isku xidhnay. Jaraa’idka adduunkoo dhan waxa falooyin iyo wararka ugu horeeya waa qadyadahana inaga xataa wadaaddo ka hadlaayaa ma hayno, malaha ducada masaajiddana laguma daro qadyadda Suuriya iyo Masar. Warbaahinteenu qafas ayey isku xidhay inagiina inagu xidhay. Kolkaan qafaskaas jabino ayey addunyadu inoo furmi doontaa. Waxa xata inaga yaraan lahayd is hirdida hoose iyo duqeenta ma dhaleyska ah. Sidaad dunida wax uga qorto eed ula socoto ayaa laguula socon doonaa.
 
Waxaan qoray maqaal seddex jeer ka badan kan, kolkaas ayaan xasuustay sideynu ka nahay akhriska wax dhaafsiisan xaafadeena iyo aragti reereysan, kolkaas ayaan kan ku soo koobay intii kalena daadka raaciyey. Raali ha ahaadaan intiina jecel lafagurka iyo dhuuxa aarintan miisaanka culus ku leh dunida  gaar ahaana Islaamka.
Duruus badan ayaa ku jirta kacdoonka Masar ee is rogroga badan aan la socono jidkuu maro iyo halkuu ku biyo shubto.
 

https://www.facebook.com/aharwo?ref=hl

http://samotalis.blogspot.com/

Shirkadaha Somcable iyo Bluwan Oo Ku Guulaystay Abaalmaarino Caalamiya

$
0
0

Hargeysa (Berberanews) — Shirkadda Somcable ee Somaliland laga leeyahay oo kaashanaysa shirkadda kale ee caalamiga ah ee Bluewan Globecomm Systems oo beryahan dambe Somaliland ka wadday hawl galo ay kaga hirgelinayso technologyada casri ah oo

sahlaya in kumanaan shacbiga Somaliland ahi inay ka faa’iidaystaan isgaadhsiinta casriga ah (Viper optic), ayaa ku guulaystay abaalmarin caalami ah oo sannad walba ay bixiso hay’adda Global Telecommunications.som cable

Shirkadda Somcable oo xarunteedu taal magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa heshiis kula gashay shirkadda Bluwan iyo Globecomm Systems bishii November sanadki 2012, nidaam sahlaya inay bulshada ku dhaqan gudaha dalka Somaliland sannadka 2015 helaan isgaadhsiinta casriga ah ee Fiber Optic-ga oo wireless ah, halkii xadhkaha markii hore ay ka ahayd in guri walba lagu geliyo. ku ah dhulka oo dhan sanadka 2015.  Sidaas ayayna shirkadda Somcable ugu guulaysatay abaalmarinta loo yaqaan Wireless Network Infrastructure Innovation, waxaana abaalmarintaas lagu gudoonsiiyay munaasibad balaadhan oo uu soo qabanqaabiyay wargeyska Global Telecoms Business Innovation xaruntiisa ku taal dalka Ingiriska gaar ahaan casimaada London.


// ]]>

“Farxad weyn bay noo tahay Shirkad ahaan maanta inaanu ku guulaysano abaalmarintan, oo maanta sharaf bay u tahay dalka Somaliland iyo Shirkada Somcable” sidaa waxa yidhi guddoomiyaha dhinaca suuq geynta shirkada Bluwan Shayan Sanyal.

Shirkadda Bluwan waxa ay ka hirgelin doonta Somaliland tignoolajiyad cusub oo la yidhaahdo  BroadFusion Fibre Trough The Air oo ku cusub qaarada Afrika gaar ahaan gobolka Geeska Afrika oo ay Somaliland ka mid tahay, waxaanay faa’iido weyn u yeelan doontaa mushtamaca dalka oo dhan sida ardayda, ganacsatada, warbaahinta iyo guud ahaanba cidii danaysa isgaadhsiinta casri ah.

“Heshiiska saddex geesodka ah ee u dhexeeya Somcable, Bluwan iyo Globecomm Systems wuxuu saamaxayaa in kumanaan qof oo ku nool guud ahaan qaaradda Afrika ay noloshooda wax ka bedesho, waxaanay suurta gelinaysaa tignoolijiyada casriga ah ee BroadFusion inay la helaan isgaadhsiin qiimo jaban iyo tignoolajiyad cusub ku shaqaynaysa, taasina waxay keenaysaa in ummadda Somaliland iyo Afrikaba la jaan qaadaan dunida inteeda kale” ayuu yidhi Guddoomiyaha suuq geynta Mr. Sanyal.

Baaq ku socda waran cade

$
0
0

Mr waran cade run ahaan markii laguu dhiibay xilka umad badan ayaa kugu farxay oo is yiri hada ayay cadaaladi imaanaysaa wasaaradii ugu muhiim sanayd Somaliland  waayo dadku waxay ku barteen mudadii aad xilka haysay mana tihid wasiiradii dalka ka shaqaysanayay ee waxaaad noqotay wasiirii dadka u shaqeeyey taasina waa cadaaladii aad samaysay markii aad wasiirka aad ahayd  waxaanad tahay qof aan qof kahaybaysan sidii aan kugu arki jiray ama dadka siyaasiintu kugu tilmaamaan hadana waxa lagaa filanayaa in aad sidii iyo si kafiican aad ugu shaqayso umadaada saylac ilaa laasanood waxa siibadanaya baryahan danbe ee xukumada kulmiye jirto musuqii laaluushkii  kuwaas oo aafo ku ah dalkeena hooyo, Wadankuna hadii uu sidaa ku siisocdo xaafad kastaa isbaaro ayay xiran hadii la kaantarooli waayo dadkaa wax magaratida ah ee laaluushka  bixinaya run ahaan waxaa ugu badan dawladaha hoose taas oo aafaysay umadii waayo nin walbaaba waxaa uu moodayaa in uu u joogo reer oo uunan ujoogin waxaad arkaysaa xoghaye dadlawhooseed oo bixina laaluush dhan ama shaxaad ah 3 qof mushaarkood oo grade A ah waa arin masiibo ah oo inagu soo socota hadiiaanad wax ka qaban.

wasiir  run ahaan laaluushka waxa keenaya waynakii galnay   doorashadii deegaanka kadib waxaa dhacay isbadal wayn oo kuyimid keedi socodkii dawladaha hoose waxaa dhacday in sidii beelaha wada dagani ugu qaybsanaa xilalku uu isbadalay xag mayirka. mayir kuxigeenba  iyo xoghayeba  muhiimaduna waxay ahayd in ay dawladu kaalin wayn kaciyaarto oo ay xageeda isbadalo lataaban karo samayso laakiin gobolada qaar ayaa hadhay ay rag iskuwada qabiili maamulaan dadlada hoose taas oo cadaalada ka fog keenina karta waxqabad la an ama laaluushbixin  iskudhac waxaa jira midwalba xagiisa ayuu isleeyahay yaan xilka lagaa qaadin ee is difaac taas oo keentay in uu faraqo xaqii umada kuna bixiyo meelo aan loogu talo galin si uu dantiisa ugu ilaashado waa arin ubaahan in wax laga qabto oo lahagaajiyo xiriirada bulshada wada dagan taas oo ku jirta in cadaalad loo qaybiyo boosaska muhiimka ah ee dawlada hoose sida mayer, xoghaye una tisqaado bilicdii magaalada iyo cashuurtii oo soo wada xeroota adaana masuuliyadaa leh oo uu kuu xil saartay md madaxwayne axmed maxamed maxamuud (silaanyo)

ALLAA                 MAHAD               LEH

Prof.mousa ramaas

hawlwadeena British Somaliland Council iyo Hambalyada Ciida

$
0
0
Anagoo ah dhamaan hawlwadeena British Somaliland Council, waxaanu Munaasabada Ciidul Fidri ku hambalyeynaa uugu horeyn Dhamaan dadka muslimiinta caalamka oo dhan,  Saxaafada Madaxa banaan, xukuumada Somaliland, qaybaha bulshda kala duwan ee Somaliland gudo iyo debedba jooga iyo guud ahaan qoomiyada Somalida.BRITISH SOMALILAND COUNCIL
waxaanu leenahay ilaahay ciidan ciideeda kale ha inagu gaadhsiiyo Nabad galyo,caafimad qab, barwaaqo iyo bishii barkaysnayd ee soom denbidhaaf. Amiin
 
British Somaliland Council ( London uk ).

ILLAAHAY Dartii Ramadaanta U Soo Caawiya Walaasheen Laki Maxamed Cali Oo ILLAAHAY Aragii Indhaheeda Ka Qaaday Si Loogu Soo Jeexo Cusbitaal Dibadeed

$
0
0

“Waxaan ahay Gabadh 15-Jir Ah Oo Indho-beeshay, Haddii La Iga Caawiyo In Indhaha La ii Furo Wax Badan Baan Qaban Lahaa, Waxaanan Baran Lahaa Cilmiga…..”Laki Maxamed Cali

Hargeysa(Berberanews):- Waa Gashaanti shan iyo toban-jirsatay oo aan labada Indhood waxba ka arkaynin, ka dib markii ay iyadoo saddex bilood jirta Illaahay wax-aragga ka daboolay, hase-yeeshee hammi badan iyo higsi fiicani ku abuuran-yahay, isla markaana aan sida Dhakhaatiirtu kula taliyeen Waalidkeed, gaar ahaan Hooyadeed inay Gabadheeda Laki Maxamed Cali xalka wax-araggeedu ku xidhan yahay Dhakhatar dibedeed oo la geeyo.

LAKI MAXAMED CALI

Balse, duruufta dhaqaale ee qoyskeedu ku nool yahay maaha mid awood ahaan u sahli karta raadinta caafimaad dibedeed oo dhinaca indhaha ah.Laki Maxamed Cali waa Gabadh yar oo 15-jir ah waxay iyada iyo Walaalkeed Cadnaan Maxamed Cali oo isaguna jira 13-sano ay Indha-beeleen mid waliba markii uu jiray saddex bilood oo keliya sida ay Hooyadood u sheegtay, keliya labadan Carruur ahi waxay caawimadii Hooyo-nimo ka helaan Hooyadood oo gacanta ku haysa, isla markaana kula nool magaalada Hargeysa. Qosykani waa qoys dan-yar ah oo aanay duruufta dhaqaale ee ay ku nool yihiin hoosayso. Hase-yeeshee, waxay Illaahay ka qabaan rejo fiican iyo yaqiin wanaagsan oo waxay dhawrayaan inay mar uun xaaladda ay ku jiraan uu ALLAAH (SXW) ka saaro.

Haddaba, qoyskan oo uu ku booqday guriga ay ka deggan yihiin magaalada Hargeysa Weriye Mustafe-Jannaale oo ka tirsan Shabakadda Hadhwanaagnews, ayaa waxaa u suuragashay inuu waraysto Laki Maxamed Cali oo u muuqatay Gabadh aad u qalbi wanaagsan, rejo fiican qabta, hammi iyo higsiba ku abuuran yahay, balse aan Indhaha waxba ka arkeyn, waxaanay uga warrantay rejada ay qabto iyo sida ay ugu baahantay caawimo Bina-aadaminnimo oo loo fidiyo.

“Anigu waxaan ahay gabadh 15-jir ah, Illaahay waxa uu wax-aragga iga daboolay markaan saddex bilood jiray. Dhakhaatiirta la ii-geeyey waxay ku taliyeen in Indhahaygu aanay dhiman ee aan u baahanay keliya Dhakhtar dibedeed, taasna nasiib-wanaag qoyskayagu waa dan-yar oo ma awoodaan inay Dhakhtar dibedeed I geeyaan. Sidaa daraaddeed, haddana Illaahay rejo fiican baan ka qabaa inuu maruun ii furo Indhaha si aan wax u arko Illaahay mahaddii. Markaa, waxaan dawladda iyo Dadweynaha Reer Somaliland iyo Cid kasta oo Muslim ah oo iga caawin karta in Dhakhtar dibedeed la ii diro ay iga soo caawiyaan Illaahay dartii.” Sidaa ayey tidhi Laki Maxamed Cali oo u warrantay Mustafe-Jannaale.

Waxay Laki sheegtay inay aad u dhegaysato Idaacadaha, sidoo kalena Daawato TV-yada si ay cod ahaan ugula socoto Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa TV-yada, maaddaama oo aanay muuwaal ahaan u arkaynin. Waxaanay tidhi; “Anigu maaddaama oo aanan waxba baran, isla markaana shaqo qabannin arag-la?aanta awgeed, waxaan aad u dhagaystaa Idaacadaha sida BBC-da, VOA-da, Radio Hargeysa iyo kuwa Af-Soomaaliga ku hadla ee kale iyo TV-yada oo aan daawado si aan cod ahaan ugu dhagaysto waxa ka baxaya, markaa dalka iyo dunida-ba waxa ka socda si fiican baan uga war-hayaa.”

“Haddii Illaahay isagaa awood lehe uu Indhaha ii furo ama uu Illaahay Walaalahayga Muslimiinta ah ii sikhiro inay iga caawiyaan Dhakhatar dibedeed oo Indhaha ah oo Indhuhu ii furmaan, waxaan baran lahaa Cilmiga Saxaafadda, waxaan wax badan u qaban lahaa Bulshadayda, gaar ahaan dadka Indhaha aan wax ka arag, kuwa dhagaha aan wax ka maqan, kuwa naafada ah iyo cid kasta oo jilicsan oo u baahan caawimada aan maanta u baahanahay oo kale, kuwaasoo warar iyo barnaamijyo dhibtay tirsanayaan, gargaarka ay u baahan yihiin iyo sida ay uga bixi karaan ku saabsan aan ka diyaarin lahaa si aan bulshada iyo dawladdaba ugu ban-dhigo xaaladdooda nololeed iyo tabashooyinka ay qabaan.” Sidaa ayey tidhi Laki Maxamed Cali waxay mar kale dawladda Somaliland, dadweynaha reer Somaliland, Bulshada Soomaaliyeed iyo Ummadda Islaamka ah meel kasta oo ay caalamka kaga nool yihiin ugu baaqday inay Illaahay dartii u soo caawiyaan iyada iyo Walaalkeeda ka yar ee Cadnaan Maxamed Cali oo isaguna aan Indhaha waxba ka arkaynin.

Haddaba Walaallayaal Illaahay umuu waayin inuu Carruurtan walaalaha ah araggooda u soo celiyo ama gacanta u geliyo maal ama dhaqaale ay raadinta araggooda kula tacaalaan, hase-ahaatee, waxa uu wax ku tusayaa dadkeenna Indhaha qaba iyo kuweenna uu ILLAAHAY dhaqaalaha u dhiibay, waxaanu Illaahay inna faray inaynu Ifka isugu naxariisanno oo kolba keenna taag-daran kuweenna awoodaa gacan-qabanno, si uu ILLAAHAY innoogu naxariisto miisaankeenna xasanaadkana ugu daro waxa fiican ee aynu isfarno ama is-tarno. Sidaa daraaddeed, Wallaallayaal qof kasta iyo qoys kasta meelkasta oo ay dunida ka joogaan-ba waxaannu si naxariis leh ugu soo jeedinaynaa inaad Illaahay dartii waxaad awooddaan ugu soo caawisaan Wiilka iyo Gabadha Walaalaha ah ee aan Indhaha waxba ka arkaynin, si aynu Illaahay naxariis iyo khayr ugaga doonno, carruurtana hammiga iyo higsiga nololeed ee ku jira aynu ugu dhiirrigelinno inay mar uun gaadhaan haddii Illaahay yidhaahdo.

?Caamiyaha Indhaha-liyo
Ma ogtahay Curyaan-kaba
Cago looma waayine
Caynkaa wax loo yidhi
Kuwa Cararayee Ladan
Inay Ku Cimro-qaataan.?

Tuduc-suugaaneedkaasi wuxuu ka mid yahay Heesta la yidhaahdo Caashaqa Ha Baayicin oo uu Curiyey Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-ganay), isla markaana ay ku wada luuqeeyaan Fannaaniinta Xasan Aadan Samatar iyo Allaah ha u naxariistee Xaliimo Khaliif Magool, taasoo ka turjumaysa waayaha nolosha Aadamaha sida Illaahay u kala duway iyo sida la isugu imtixaamayo iyo Xigmadda Illaahay (SMXW) uu ka leeyahay.

Qof kasta oo doonaya inuu soo caawiyo waxa uu wixii lacag ah ugu soo hagaajin karaa Sanduuq-xisaabeed (Account) looga furay Shirkadda Xawaaladda ah ee DAHABSHIIL, kaasoo lambarkiisu yahay Sidan hoos ku qoran:
Account Number: 34015 HRD
Number-kuna: 4145844
Mustafe-Jannaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: janaale94@gmail.com


Ku Darso Ogaalkaaga Oo Ka Faa’iidayso Su’aalo Diini ah iyo Jawaaba-hooda

$
0
0

Ku darso ogaalkaaga oo ka faa’iidayso su’aalahan Diiniga ah  iyo Jawaabahoodiii oo wada socda waana lama huraan in aad diintaada wax badan ka barataa oo aad ka jawaabi kartaa marka lagu waydiiyo.

            S – Waxaad sheegtaa magaca Malaga suurta afuufay oo kamid ah mallaigta

            J – Malaga suurta afuufaya waxaa la yiraahdaa Israa’fiil

            S – Waxaad sheegtaa geedka ka baxa Jahanama bartankeeda?

            J – waxaa la yidhaahdaa Zaquum.

            S – Waxaad sheegtaa macnaha magaca Jibriil?

            J – Macnaha Jibriil waa Adoon, sida uu ku fasiray Ibnu Cabaas.

            S – Waxaad sheegtaa masaajidak salaada lagu tukadaa ay u dhiganto ajar cumro?

            J – Waa masaajidka Qubaa.

            S- Waxaad sheegtaa maydka xalaasha ah?

            J- maydka xalaasha ahi waa ””Ayaxa iyo Kaluunka.

            S – Waxaad sheegtaa dhiiga xalaasha ah?

            J – dhiiga xalaasha ahi waa Beerka iyo Beer-yarada.

            S – Kumuu ahaa ninkii dakhray Nebiga(NNKHA), dagaalkii Uxud?

            J – Wuxuu ahaa Ibnu Qimah.

            S – Kumuu ahaa yuhuudigii Nebga(NNKHA),sixray?

            J – Wuxuu ahaa Lubeyd binu Acsam.

            S – Waxaad sheegtaa ninkii jebiyey dhooshii nebiga(NNKHA), dagaalkii Uxud?

            J – wuxuu ahaa Cuqba binu abdi waqaas.

            S – Waxaad sheegtaa gabadhii Alle u waxyooday?

            J – waxay ahayd Nebi muuse hooyadii

            S – Waxaad sheegtaa magaalada aan cudurka daacuunku gelin?

            J – waxaa weeye Magaalada Madina Almunawara.

            S – Waxaad sheegtaa suuradii sababta u ahayd inuu soo islaamo Cumar binu khadab?

            J – waxay ahayd suuradu Daahaa.

            S – Waxaad sheegtaa suurada u shafeeco qaadeysa qofka akhriya?

            J – waa suuratu Mulk (Tabaarak).

            S – Waxaad sheegtaa aayada koobeysa dhamaan xuruufta carabiga?

            J – waa aayada u danbeysa suurada Al-fatax

            S – Waxaad sheegtaa Asxaabigii la dilay isagoon weligii Alle u sujuudin?

            J – Wuxuu ahaa Cumar binu Thaabit, wuxuu soo islaamay dagaalkii Uxud waxaana la Dilay isla maalintaas

            S – Waxaad sheegtaa shahiidkii ugu horeeyey Islaamka?

            J – Waxay ahayd Sumaya bintu khayaad

            S – Waxaad sheegtaa duulaankii(Qaswadii) ugu danbeeyey ee Rasuulku duulo?

            J – Waxay ahayd Qaswadii Tabuuk , sanadii 9aad ee Hijrada

            S – Waxad sheegtaa Labadii Asxaabi ee Rasuulku ku dabo tukaday?

            J -Abuubakar sadiiq iyo C/raxamaan binu Cawf

            S – Waxaad sheegtaa sanadka islaamka loo yaqaan sanadkii murugada?

            J – waa sanadkii ay dhimatay Khadiija binti Khuweylad, iyo Abuu daalib.

            S – Yaa ugu soo hor islaamay reer Madiina?

            J – Waxaa ugu soo hor islaamay Sacad binu Suraara

            S – Jannada yaa ugu horgelaaya??

            J – Waxaa ugu hor gelaaya Nebigeena Muxammed (NNKHA)

            S – Waxaa sheegtaa Denbigii ugu horeeyey ee Alle lagu caasiyo?

            J – Wuxuu ahaa Kibir uu sheydaan ka kiray inuu sujuudo.

            S- Waxaa sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee qof dila aduunka korkiisa?

J- Wuxuu ahaa Qaabiil binu Aadam oo dilay walaalkii Haabiil.

S – Waxaad sheegtaa qofkii ugu horeeyey ee Qiblada u tukada?

J – Wuxuu aha Asxaabiga la yidhaa Saciid binu Mucaali.

S – Waxaad sheegtaa magaca Asxaabigii Abi saciid Alkhudriyi?

J – Waxaa la odhan jiray Sacad binu maalik binu sinaan (RC).

S – Kumuu ahaa Asxaabigii Nebigu(NNKHA), yidhi waxaa dileysa koox xadgudubtay?

J – Wuxuu ahaa Camaar binu-yaasir (RC).

S – Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku dhashay Kabcada badhtankeeda?

J – Wuxuu ahaa Xakiim binu xisaam (RC.

S – Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Malaku Jibriil Alle salaanta uga keenay?

J – Waxay ahayd Khadiija bintu khuweylad (RC).

S – Waa kuma sayidka shuhadadu?

J – Waa Xamsa binu Cabdi mudalib (RC).

S – Waxaad sheegtaa Asxaabigii Nebigu(NNKHA) u sheegay inuu Alle jecelyahay?

J – Wuxuu ahaa Miqdaad binu Camar (RC).

S – Waxaad sheegtaa Asxaabigii ku riyooday Adanka?

J – C/binu Zayid (RC).

S – Waxaad sheegtaa Suuradii Nebigu(NNKHA), yidhi waxaan ka jeclahay Aduunka iyo waxa dhex yaala?

J – Waa Suuratu, Al-Fatax.

S – Noocyada Sadaqada tee ugu fadli badan?

J – Waxaa ugu fadli badan Biyaha oo lays waraabsho.

S – Waxaad sheegtaa magaca faraskii ugu horeeyey ee Rasuulku (NNKHA), ku duulo?

J – Waxaa la odhan jiray Sakab.

S – Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu ka xishoon jirtay?

J – Wuxuu ahaa Cismaan binu Cafaan (RC).

S – Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee lagu aaso Xabaalaha Baqiic?

J – Wuxuu ahaa Cismaan binu Madcuun (RC).

S – Waxaad sheegtaa Asxaabigii geridiisa uu u luxmy Carshiga Alle?

J – Wuxuu ahaa Sacad binu Mucaad Al-ansaariyi (RC)

S – Waxaad sheegtaa Sir-hayihii(xog-hayihii), Nebiga(NNKHA)?

J – Waxaa la odhan jiray Xudeyfa binu-yabaan (RC).

S – Kumuu ahaa Asxaabigii Sunta cabay ee Yidhi Bismilaah ee aan waxba ku noqon?

J – Wuxuu ahaa Khaalid Binu Waliid(RC).

S – Waxaad sheegtaa Asxaabigii dilay Aabihii oo gaal ah dagaalkii Beder?

J – Wuxuu ahaa Abu-cubeyda Caamir Binu jaraax.

S – Waxaad sheegtaa Asxaabigii arkay Masiixu dajaal?

J – Wuxuu ahaa Tamiin binu Aws.

S – Waxaad sheegtaa Magaca caadiga ah ee Abu-hureyra?

J – Waxaa la yidhaa C/raxmaan binu Zakhar (RC).

S – Waxaad sheegtaa Magaca Abi-ayuub Al-ansaariyi?

J – Waxaa la odhan jiray Khaalid binu Zayid (RC).

S – Waxaad sheegtaa Magaca Asxaabigii Abi-dar Al-qafaariyi?

J – Waxaa la odhan jiray Jundub binu Junaadah (RC).

S – Waxaad sheegtaa Asxabigii Baryadiisa Alle aqbali jiray?

J – Waxaa uu ahaa Sacad binu Abi-waqaas (RC).

S – Waxaad sheegtaa Asxaabiga qudha ee magiciis Quranka lagu sheegay?

J – Waxa weeyaan Zayid binu- Xaarith (RC).

S – Waxaad sheegtaa Asxaabigii geeridiisa ay 70,000, ee Malag soo degeen?

J – Waa Sacad bin Mucaad (RC).

S – Waxaad sheegtaa Asxaabigii Malaa,iigtu soo bookhan jirtay?

J – Waxa uu ahaa Cumraan binu Xuseen (RC).

S – Waxaad sheegtaa Asxaabiyadii Rasuulku(SCW), ku kafnay khamiiskiisii?

J – Waxay ahayd Faadima binu-Asad (Cali binu-abi Daalib hooyadii) (RC).

S – Waxaad sheegtaa Munaafiqii Nebigu (NNKHA), yidhi qofka doona inuu sheydaan arko kaas ha eego?

J – Wuxuu ahaa Nabtal binu Acsam.

S – Waxaad sheegtaa Magaca Abi-bakar Sadiiq?

J – C/laahi binu Qaxaafa .

S – Waxaad sheegtaa Magaca Abu-jahal?

J – Waxaa la odhan jiray Camar Binu Hishaam.

S – Waxaad sheegtaa waxa Alle abuuro wixii ugu horeeyey?

J – Alle wuxu ugu hor abuuray Qalinka.

S- Waxaad sheegtaa Asxaabigii ugu horeeyey ee u hijrooda Ardul-xabash?

J- Cismaan bin Cafaan R.C.

S – Waxaad sheegtaa waxa ugu horeeya ee Adoomada laga xisaabinayo Qiyama?

J – Waa Salaada.

S – Waxaad sheegta qofka ugu horeeya ee Darka(xawdka), Nebiga ka cabaaya?

J – Waa Asxaabiga la yidhaa Suhayb Arruumi (RC).

S – Naarta yaa ugu horgelaya Qiyaamaha?

J – Waxaa ugu horgelaaya Suldaan, Madaxweyne aan cadaalad sameyn.

S – Waxaad sheegtaa ninka keliya ee Nebigu (NNKHA), gacantiisa ku dilay?

J – Waa Ubaya bin Khalaf .

S – Waxaa sheegtaa Saxaabigii Rasuulka (SC) sirtiisa ahaa?

J – waxuu ahaa Xudeyfah حذيفه .

S – waxaa sheegtaa Saxaabigii arkay Masiixuddajaal waqtigii Nabiga (SCW)?

J – waxuu ahaa Tamiimuddaari تميم الدار

S-waxaa sheegtaa salaada aan lahayn rukuuda iyo sujuuda?

J-waa salaada meydka\janasada lagu tukado

Berberanews

Hargeysa Somaliland

Qaadhaanku Waa Gumaysi Qarsoon WQ:Amaal Gillin Moxamuud

$
0
0

Marka hore ILLAAHA naxariis good iyo mid gaaraba naxariista ayay mahad oo dhami usug naatay ,

Marka xiga waxaan Salaamayaa dhamaan Umada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanan udirayaa Hambalyo Munaasibadda Ciida Fidriga waxaanan leeyahay Kullu Caam Wa`antum Bikhayr.

Dadkeena badhbaa waxay leeyihiin reer galbeed kaa inoo xal ah,

Run ahaantiina fikirka saxda ahi kaa aad buu uga duwan yahay.

Hadaba dhibaatadu waxaay ka taagan tahay aqoonta ama garaadka siyaasigeena

soomaalidu leeyihiin waxa hubaal ah inaanay wax akhriyin waayo haday wax akhriyaan oo taasi jirto may dhacdeen in qof noole ahi sidaasi ufikaro wallow you Muslimba ahaanine in xadkaas fikradu inaga gaadhana aad bay u qaldan tahay.

Hadaba hadaynu wax yaabaha qaar sharaxaad kabixino malaha illaa xad inay dadku baraarugi karaan marka ay leeyihiin reer galbeedka ayaa inoo xal ah waayo waxa ay ka arkeen iyada oo uu siinayo caawimaad raashin ah ama deeqo wax-barasho taasina maaha mid naxariis loo siinayo laakiin waa mid maskax-dooda lagu xadayo.

Hadaba suąasha is waydiinta mudane waxay tahay:

v Sababta ay reer galbeedku wax inoo siinayaan maxay tahay?

v Yurub se wax bixinteedu waa maxay?

v Goormay reer galbeedku wax bixiyaan?

v Ma dhab`baa in xuquuqal insaanka oo la ilaalinayo dartii wax loo bixiyo?

v Ma jirtaa se in dawladaha reer galbeedku yihiin deeqsiyiin?

v Ma dhab-baa in ay dunida saddexaad tahay mid mar walba baahan oo deeqda reer galbeedka qaadata.

Hadaynu xaqiiqda u daa`dagno waxaa hubaal ah in warshadaha wax soo saarka raashinka ku raaga ee ay reer yurub diidaan loo baayac mushtar keeno dunida saddexaad xattaa waxa uu qaanuun koodu dhigayaa sigaarka Nooka-tiinkiisu inaanu dhaafin xad goąn markaa haduu xadkii loogu talagalay dhaafo warshadaha soo saara sigaarka kuma iibin karaan waddamaada reer yurub gudahooda oo awood uma leha waxayna uģib geeyaan wadmadda dunida saddexaad.

Hadaba ma is waydiisay wax allaale waxay reer yurub diidaan   sababta loogu iib geeyo dunida saddexaad?

Hadaba dunidan iyo qaabka ay umaraan waa nooc kaduwan ama ka fog sidaynu innagu u`fakarayno.

Tusaale ahaan : Marka beero falatadii dhulkaagu ay beereen Garaw-gii, Arabikhidii, Gallaydii, Heedii, iyo qaar kaloo badan ee raashin ah ee ay soo goąan kadibna ay damcaan inay dhulkooda hooyo ukala iib geeyaan ayaa waxaa dhacda inay raashin keento (UN)tu oo badhna ay ubixiso caawimo inta badanna lagu iibiyo qiima jaban Dadkeenuna ma eegaan tayyada maceeshadda ee waxay ee gaan qiimaha oo qudha.

Waxaa laga yaabaa in raashinkani yahay kii reer yurub kaydka u dhigtay wakhti laga joogo muddo dheer oo xattaa in ay af siiyaan fardahooda aanay awoodin oo uu yahay mid wax yeelo caafimaad darro ku keenaya markay qiyaasaan tayyada muddada uu yaalay kadibna ay usoo iib geeyaan ( mastaafuriyaan) wadamadda dunida saddexaad.

Kadibna waxaa dhacda inaan laga iibsan waxba beera falatadeenii oo raashinkii dadka laģibsan waayo isla markaana uu niyad jab wayni ku dhaco beera falatadii qaar badanina ay halkaa ku joojiyaan inay wax danbbaba beeraan marka ay khasaaraan kadibna uu wax soosaarkii dalkuna uu yaraado ama uu istaagaba.

Dad badan oo inaga mida ayaa moodaya in naxariis iyo xuquuqal insaanka oo la ilaalinayo dartii wax lagu siinayo laakiin Run ahaantii siyaasadda ay reer galbeedku inala ciyaarayaan waa mid fog oo sidaynu uhaysano ka duwan xaqiiqdii.

Hadaba inta runta ah ee iclaanku sheegayo iyo inta qarsoon marka lays bar bar dhigo waxaa badan inta qarsoon waxaanay kugula dhaqmayaan siyaasad ah waxa aan anigu sameeyo ha samayn ee waxaan ku idhaa samee uun samee ama aniga waxaasi way ii baahan yihiin ee adiga kuuma baahna .

Haddaba si aynaan waligeen ugaadhin halkay gaadheen ee ay marayaan maanta ayaa fikir ay qabaan culimadooda u fekaraysay dhaheen Horumarka reer galbeedku waa fikrad ku salaysan dib udhaca dunida saddexaad  waxaanay dhaheen:-

  • Ø Dunida saddexaad meesha ay balaayo kadhacdo waa in la xoojiyaa.
  • Ø Abaaro haday dunida saddexaad kadhacaan waa in inta kale la gaadh siiyaa.
  • Ø Khayraadka dunida saddexaad intii la xumayn karo waa in laxumeeyaa.

Walaalayaal dadka heerkaa fikirku ka taagan yahay ayaynu uhaysanaa qaar naxariis inoo haya iyo xuquuqul insaanka oo ay ilaaliyaan dartii in ay wax inoogu qabanayaan waxanad ogaataa in shay aanay faa`iido ugu jirin waliba laban lab ahi ugi jirin inaanay kuu qabananayn.

Hadii khayraadka dunida guud keeda yaalaa sidan loo sii islicmaalo dunidan laba qarni kadib noolaha kuma filnaan doonto ee waa in laga badalaa xaaladan reer galbeedku waxa ay dunida u hor kacayaan si is badal kani u dhaboobana : -

v Waa in muj tamac yadan horumaray ay kobciyaan oo ilaaliyaan oo dhawraan oo ku xisaab tamaan balaa yooyinka dunida ka dhacaya siiba balaa yooyinka kadhacaya dunida wax soo saarkoodu yar yahay tirada  dadkooduna badan tahay khaasatan dunida Third wordka loo yaqaano.

Taasina waxay muujinaysaa in qaadhaanka ay bixinayaan uu yahay gumaysi qarsoon iyo duulaan casri ah oo loogu talo galay in lagu qabsado dunida sadexaad,taana waxaynu kaga badbaadi karnaa oo kaliya innagoo isku tashana oo aamina cuntooyinka dhulkeena ka soo go,a isla markaana horumarin badan ku samayna  wax soo saarka beeraha iyo caafimaadinta xoolaheena,waana tallaabada aynu kaga badbaadayno gumaysiga casriga ah ee dalalka reer galbeed.

Aqoonyahan Jaamac Jiir Oo Sida Xoolaha Oo Kale Bil Xabsiga Ugu Xidhan Wasiirka Madaxtooyada

$
0
0
Soomaalidu waxay ku maah maahdaa rag cadaalad waayay sidii cawsha
kala yaac.dadweynaha sharafta leh waxaa waajib ku ah inay ka hadlaan
cadaalada oo ay tilmaamaan cadaalad darada sidaa awgeed akhristayaal
waxay cadaaaldadii somaliland maanta gaadhay in dadka la iska xidh
xidho maxkamad la'aan oo sida xoolaha loo xidho taasina waxay ka hor
imanaysaa dastuurka somaliland oo dhigaya in aan qofna 24 sacadood
gudahood iska xidhnaan kari maxkamad la'aan, hadaba maanta markay
xukuumada siilaanyo jabisay dastuurkii oo dadkii iska xidhnaadaan
maxkamada la'aan oo soomaalidu waxay tidhaahdaa meyd kee ugu danbeeyey
iyo kaa la siisido , aqoon yahan jaamac cilmi jiir ayaa haatan mudo
bil iyo badh ah maxkamad la'aan ugu xidhan xabsiga dhexe ee magaalada
hargeysa iyadoo mudadaasi uu xidhnaan aan la hor keenin wax maxkamad
ah.
xdx

hadaba markay arintaa halkaasi marayso akhriste maxaad u malaynaysaa
cadaaladii somaliland iyo dastuurkii dhigayay in aan qofku iska
xidhnaan kari 24 maxkamad la'aan miyaan xukuumada siilaanyo sharcigii
iyo datuurkii dalka nu yaalay ku tuman oo hadba sida ay doonto kama
yeelayso?
waxa kale oo nasiib daro ah in ay xadhiga aqoon yahan jaamac cilmi
jiir ka gaabiyeen hayadihii xuquuqal iinsaanka ee somaliland oo aan
ilaa hadal si wanaagsan uga hadal xadhiga xaqdarada ah ee loo geystay
aqoon yahan jaamac cilmi jiir oo mudo bil iyo badh ah maxkamad la'aan
ugu xidhan xabsiga dhexe ee magaalada hargeysa.
ugu danbeytii waxaan u soo jeedinayaa golaha wada tashiga iyo toosinta
qaranka,xisbiyada mucaaradka ah,madax dhaqmeedyada,siyaasiyiinta,aqoon
yahanka,dhalinyarada ,haweenka iyo guud ahaan shacabka reer somaliland
inay si wada jir ah arimahan oo kale uga hadlaan waayo hadii aan
arintan foosha xun leh laga aamuso qofkasta wey ku dhici kartaa oo
cadaalad daro ayaa lagu xidhi karaa markaa madaama oo xukuumadii
siilaanyo xadhkihii iyo dabarkiiba goosatay waa in lagu soo dabaalaa
xayndaabka dastuurka somaliland oo ah han umada somaliland wada
leedahay ee dhexda ah isla markaana waa in xukuumada lagu khasbaa inay
ku dhaqanto dastuurka dalka u yaala.
Qalinkii
Cabdi Casiis Basiir Nuur
Email;c.casiis98@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland

Hambalyo Meherka: Engineer Mohamed Osman Ahmed iyo Marwadiisa Fatima Osman Farah

$
0
0
Dhammaan akhyaarta magacyadoodu hoose ku hussanyihiin waxay hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u dirayaan:
 
Engineer Mohamed Osman Ahmed iyo Marwadiisa Fatima Osman Farah 
 
oo Meherkoodu ka dhacay magaalada Copenhagen ee Dalka Demark bisha August 10, 2013.Gacal iyo sokeeyaba waxanu idin waxaanu idin leenahay gurigiinu kii noqoy lagu nastee lagu negaado.
 
  1. Ahmed Ali Ibrahim
  2. Hassan Osman Guleed
  3. Awil Adam Mohamed
  4. Ahmed Ali Hassan
  5. Hassan Abdi Mah
  6. Aden Abdillahi Hanfi
  7. Mahdi Muhumad Nour
  8. Idris Egal Nour
  9. Mohamed Abdillahi “Casuuro”
  10. Abdillahi Hassan Ahmed
  11. Abdirashid Hassan Ahmed
  12. Abdirezaq Ismail Adam
  13. Adam Mohamed Egeh
  14. Hassan Osman Abdi
  15. Omar Mohamed
  16. Ali Haji Yussuf
  17. Abdi Ibrahim Adam
  18. Adam Mohamed Egeh
  19. Abdi Ismail (Dhamac)
  20. Abdi Kayd Sahardid
  21. Abokor Ibrahim Mohamed
  22. Ahmed Mohamed Suleiman
  23. Ahmed Nasir Mohamed
  24. Ahmed Yassin Mohamed
  25. Eric Raymond
  26. Hassan Osman Guleed
  27. Ismail Hersi
  28. Osman Hashi Awad
  29. Hassan Adami(Cadami
  30. Awale Abdirahman Mohamed
  31. Abdirahman Batun
  32. Ahmed Abdi Guleed
  33. Yousuf Ahmed Absiye
  34. Yousuf Jabouti
  35. Dahir Mohamed Rageh
  36. Mohamed Osman Ahmed
  37. Ismail Yamakama
  38. Mursal Odowa
  39. Hussein Garage
  40. Mohamed Ahmed H. Elmi
  41. Abdirahman Kuwaiti
  42. Mohamed Ali Hersi(Deeq)
  43. Mohamed Osman Hashi
  44. Mohamed Ali Egeh
  45. Warsame Ali Egeh
  46. Abdirahman Yousuf Osman
  47. Ali Yousuf Osman
  48. Ali Hassan Awale
  49. Nasir Hassan Awale
  50. Jamal Abdirisak (Jayna’ade
  51. Abdirizak H. Ibrahim Jayna’ade
  52. Mohamed Ibrahim Gamoute
  53. Anwar Omar Kujoog
  54. Jama Awl
  55. Mohamed Ali Kostin
  56. Abdiqani Hussein Egal
  57. Ahmed Mahdi Nour
  58. Liban Ali Yussuf
  59. Ismail Sheikh Omar Muhumed
  60. Omar Mohamed
  61. Abdirashid Hassan Ahmed
  62. AbdiHakim Mohamed Abdillahi
  63. Mousa Nour Duale
  64. Ahmed H. Mohomed
  65. Ahmed Ismail Meygag
  66. Abdirezaq Hassan Adam
  67. Abdi Ibrahim
  68. Abdi Mohamed
  69. Saeed Adan Mousa
  70. Abdi Ismail (Dhamac)
  71. Abdi Kayd Sahardid
  72. Abokor Ibrahim Mohamed
  73. Ahmed Mohamed Suleiman
  74. Ahmed Nasir Mohamed
  75. Ahmed Yassin Mohamed
  76. Eric Raymond
  77. Hassan Guleed
  78. Ismail Hersi
  79. Osman Hashi Awad
  80. Hassan Adami(Cadami
  81. Awale Abdirahman Mohamed
  82. Abdirahman Batun
  83. Ahmed Abdi Guleed
  84. Yousuf Ahmed Absiye
  85. Yousuf Jabouti
  86. Dahir Mohamed Rageh
  87. Mohamed Osman Ahmed
  88. Ismail Yamakama
  89. Mursal Odowa
  90. Hussein Garage
  91. Mohamed Ahmed H. Elmi
  92. Abdirahman Kuwaiti
  93. Mohamed Ali Hersi(Deeq)
  94. Mohamed Osman Hashi
  95. Mohamed Ali Egeh
  96. Warsame Ali Egeh
  97. Abdirahman Yousuf Osman
  98. Ali Yousuf Osman
  99. Ali Hassan Awale
  100. Nasir Hassan Awale
  101. Jamal Abdirisak (Jayna’ade
  102. Abdirizak H. Ibrahim Jayna’ade
  103. Mohamed Ibrahim Gamoute
  104. Anwar Omar Kujoog
  105. Jama Awl
  106. Mohamed Ali Kostin
  107. Ali Ibrahim Awale

Hambalyo Meher: C/Risaaq Xuseen Axmed (Askar) iyo Samiira Maxamed Cumar-Yey

$
0
0

Ayeeyo Hodan Cabdi Cilmi, Ayeeyo Aamina Axmed Weris, Abtiyo Siciid Maxamuud Gahayr (Kabadheere), Abtiyo Mahad Kabadheere, Abtiyo Eng Khadar Kabadheere, Abtiyo C/Qani Kabadheere, Abtiyo C/Shakuur Kabadheere, Abtiyo Abuubakar Kabadheere, Abtiyo Cumar Kabadheere, Abtiyo Cismaan Kabadheere, Habaryaro Saado Kabadheere, Habaryaro Khadra Kabadheere iyo dhammaan reer Maxamuud Gahayr (Kabadheere). Dhammaan dadkaasi Waxay hambalyo Meher u dirayaan:

 

C/Risaaq Xuseen Axmed (Askar) iyo Samiira Maxamed Cumar-Yey

 

Oo uu 10/Ogos/2013-ka meherkoodu ka dhacay Scandinavian Hotel ee magaalada Hargeysa, Waxa ay leeyihiin  Raxmaanku idinku  reerkii aqal-galkooda ku gaadha guul iyo barwaaqo…  Duco-walaaid ayaannu idiin diraynaa Aammiin…… Aammiin………Aammiin.

                                                       

Viewing all 1191 articles
Browse latest View live