Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all 1191 articles
Browse latest View live

Xukuumadda Istanbul iyo Maamulka Xamar oo Maleegaya Shirqool ka dhan ah Qadiyadda Somaliland

$
0
0

… Suldaan nin sheegtay ka qayb-galo Shir-qoolka Somaliland”. Karaamo xumo ayey u tahay ,  inay kala garan waayaan shaqadoodii iyo cidda loo igmaday Masiirka umadda, ….. Xukuumadda Turkigu dhexdhexaad ka ahayn wada hadaladda iyo weliba shirqoolada la inoo  soo maleegaayo… balse arimaha siyaasada Dawlad iyo Xukuumad ayaa u qaabilsan”……..

Bismillaahi Raxmani Raxiim…….

Waxaa dhawanahan soo ifbaxaysay in dowladda Turkigu waday , wada hadalkii xidh-may ee Somaliland iyo  Somalia , in loo bedelo dhinaca dhaqanka, Iyadoo ay  sidaas tahay, ayaa  haddana Xukuumada taagta daran ee Soomaaliya oo kaashanaysa Turkiga  waxa ay keeneen qaab kale oo ay wada hadalka danahooda uga dhex arki karaan ama weji kale ugu sameyn karaan.

Waxa ay Turkiga ka dhaadhaciyeen in wada hadallada loo badalo “Odey dhaqameed oo madaxda dhaqanka oo qudha, Shirarka loo daayo” . isla markaana ay soo baxaan dhawaaqyo Suldaano taageersan “Wada hadalka dhaqanka ee shirqoolka ka dhana Qadiyada JSL” ,oo ka soo jeeda S, land :-   Waxaan leeyahay Wada hadalladani cid bay u socdeen oo xukuumadda ayaa waday, xukuumaddiina markay (Somalia) ,  Quus ka gaadheen ayey damceen inay ku soo dhex noqdaan Madax dhaqameedka, madax dhaqameedkuna dhinaca Siyaasada iyo waxii qadiyadda Umadda ah shuqul kuma leh , waxaad tihiin dhaqan soo jireen ah, (Waxaan idin leeyahay waad deg-degteen xubnaha ka tirsan Madax-dhaqameedkow)!!!

Hogaamiye  dhaqameedyadaasi ku dhawaaqaya waanu la shiray-naa Soomaaliya iyo kooxda xamar joogta Way xidhiidhsan-yihiin, isla-markaana warbaahinta laga arkaayey labadiinuba waxaad noqonaysaan:- dad shaqo tegay oo aan dan ka lahayn Qadiyada Umadda.

xubno badan oo ka midda Salaadiinta Somaliland ,ayaa eedayn kulul dusha kaga tuuray iyaga iyo dawlada Turkiga daaha dabadiisa ka hagaysa; sheegayna in ayna wakiilan siiba  Suldaan Xiiray (oo isagu sheegta Wakiilka Madax-dhaqameedka) .

 Waxaan ognahay :- In Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland ay Ka Kooban Tahay 3 Gole Oo Kala ah Golaha Sharci Dejinta( ee Wakiilada iyo Guurtida) , Golaha Fulinta (Madaxweynaha iyo Cabinet-kiisa) iyo Golaha Garsoorka     ( Maxkamadaha),  Labo ka mid ah Golayaasha  aan sare ku Sheegnay Waxay Ku Lug Leeyihiin Siyaasada ( siiba Golaha Sharci Dejinta iyo Golaha Fulinta) Halka Golaha Garsoorku u Ka Madax Banaan Yahay Arimaha Siyaasadda! “Shacbiguna arrimahiisa Maamul iyo Siyaasadba, waxay u doorteen Gole-yashaasi Qaran oo ay kala xisaabtamayaan”.

 Dhaqanku maaha in loo fahmo in masiirka umadda tuurta laysaga qaato iyo dareys la xidho iyo Warbaahinta laysa soo taago.waa in qalbigu fahma,si uu u ilaaliyo anshaxa dhaqanka.waa in maskaxdu shaqaysaa,oo aan calooshu shaqayn, waxii khalad  ku ah.dhaqanku waxaa murayad u ah Bulshada, Haddii aad isu dhigto Hogaan Dhaqan,waxa ku muhiim ah in siyaasadi ku sharixin.

hogaamiye dhaqameedadu waxa ay masuul ka yihiin danaha beeshooda balse arimaha siyaasada Dawlad iyo Xukuumad ayaa u qaabilsan”

 Hadaba Marka Xaal Halkaa Marayo Suldaankii iyo M/Dhaqameedkii kale ee Umadu lahayd , halkay Xukuumada kaga Soo Biireen ! ileyn Dastuurka Meelna Kagama Yaaliine!

Hadaba  Miyaanay Haboobayn in Hogaamiya Dhaqameedyadu Ay Siyaasada Faraha Kala Baxaan, Hogaamiye Dhaqameedka Xiisaynaya Siyaasadna in Uu Iska Dhigo Cumaaada Oo uu Isu Caleemo Saaro Siyaaasi, Maadama u Garan Waayay Sharafta iyo Milgaha Ay Mudan Tahay Saldanada ama Boqornimada Loo Cimaamaday

Ninka Madaxdhaqameed waxaa ka reeban: , wax kasta oo meel ka- dhac amase gef ku ah sharaftiisa iyo tan Beesha uu Cumaamada U sido ka odhaah ahaan iyo dhaqdhaqaaq ahaan.

 Arinkasi waxay u taalla Xukuumada,waa in laga xishoodo dhaqanka iyo Bulshada S/land, “Suura-galna maaha in Suldaan nin sheegtay ka qayb-galo Shir-qoolka Somaliland”.

 !!Waxaa jira Madaxdhaqameed badan oo ku amaanan Hawshii loo igmay kuna kooban isla markaana Bulshadooda dhexdiisa ku leh karaamo iyo sharaf badan, lakiin waxay ku socotaa Qormadeenu Madaxdhaqameedka ka Baxay xayndaabkii uu lahaa kuna dhex-milmay Siyaasada shirqooladda cadowga u soo maleegayo Somaliland.

 Hogaamiye dhaqameedyada iyo kooxda xamar joogta waxaa iska cad,  inay nimaankaas si ayey iskugu xidhan yihiin, hunguri baana labadoodaba ku jira, waxaan leeyahay arintaasi ha-laga taxa-diro, waxaana aan leeyahay Somaliland waa dal iyo dawlad madax banaan, sharciga dalkuna waxa ay arimahaasi wadahadalka u xilsaartay Xukuumadda jirta, haddii ay socdaan iyo haddii ay socon waayaanba , markasta Xukuumadda ayaa umadda uga wakiil ah, Barlamaanku sidaas ayuu ugu ogolaaday fasaxna ugu siiyey, awoodna way u leedahay ,iyada oo keliya.

Xubnahaa ka midda Madax-dhaqameed-kana :- “Karaamo xumo ayey u tahay ,  inay kala garan waayaan shaqadoodii iyo cidda loo igmaday Masiirka umadda,  iyagoo u muuqda inay luntay kala danbayntii iyo nidaamkii sharciga ee ahaa wax kala xakamaynaayey, Wasaaradda Arimaha Gudaha  ayeyna u taalaa inay talaabo rasmiya ka qaado :- oo sharciga mariso wixii ka gudbay Xayndaabkooda sharciga.

Ugu danbeyn;- Shacabkeenu in badan waxay wariyeen Xukumadeenu inay mawqif cad ka qaadato: , in aan Xukuumadda Turkigu dhex-dhexaad ka ahayn wada hadaladda iyo weliba shirqoolada la inoo maleegaayo,oo aynu ku dheehan karno, waxyaalaha daaha dabadiisa ugu qarsoon Dawlada Turkiga, ayna haboon tahay in mawqif ay ka qaadato Xukumadda JSL, balse aragti-yahaasi Dawladeenu ma dhegaysato.

 

     Wa Bilaahi Tawfiiq.

  -ALLAA   MAHAD LEH-

    W/Q: Adan Yusuf Elmi./UK


“Amal Baa Jira: In Uu Jiro Weriye Xor Ahi” Muj. Cabdisalaam Yaasiin

$
0
0

Hargeysa (Berberanews) Waxay aynu u dagaalanay ee aynu naf iyo maal ba u horay, waxa ugu weyn xoryidda. Qofna in xoriyaddiisa laga qaado ma aha haddii aanu xeer jebin ama cid ku xad gudbin.

Hayadaha amniga iyo xeer ilaalintu waxay xalaashadeen in xubnaha bulshada, siiba xubnaha bahda warbaahinta, iska xidhaan iyaga oo aan dambe lagu soo oogin oo aan maxkamadi waaran u soo goyn.index

Sida Xaruunta Xuuquqal Insaanku war murtiyeed ku sheegeen weriye yaasha hoos ku xusan ayaa layska xidhay iyada oo aan sifo sharci ah loo marin xadhigood.

Ø 30 Noofambar 2015 waxa Hargeysa lagu xidhay Cabdirashiid Nuur Waxays iyo Saciid Khadar Cabdillaahi oo ka tirsan wargeysaka Hubsad. Welina waa xidhanyihiin.

Ø 29 Noofambar 2015 waxa Ceerigaabo lagu xidhay Barkhad Maxamuud Geedi oo ka tirsan Somalinews. Waxa la sii daayay 30 Noofambar.

Ø 28 Noofambar 2015 waxa Burco lagu xidhay Khafdar Cabdirasaaq oo ka tirsan Hadhwanaagnews. Waxa la sii daayay isla maalintaasi

Ø Sandkan 2015, Xaruunta Xuuquuqal Insaanku waxay diiwaangelisay xadhiga 20 weriye.

Ø Sandankii 2014, bishii Abriil, waxay la xayiray wargeyska Haatuf; sidii baanu u xayiran yahay.

Hadaba, haddii hayadaha amniga iyo Xeer Ilaalinta Qaranku: xeerka ilaalin, xoriyadda bulshada, wadar iyo waaxid, ilaalin, xuquuqda bulshada ilaalin, yaa ilaalinaya?????

Waxa ilaalinya maxkamadaha dalka.

Hadaba, waxan ka codsanayaa Qaadi Sare Aadan Xaaji Cali, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, in maxkamadaha uu madaxada ka yahay bulshada ka ilaaliyaan xadgudubka iyo xadhiga sharci darada ah ee ay hayadaha amniga iyo Xeer Ilaalintu kula kacada gaar ahaan bahda warbaahinta guud ahaan bulshada.

Xayow! Aadnow!!!!!

Xaakinkii Sarow!!!!!

Weriye xor ahi

Xeer haddaanu jebin

Siddee loo xidhaa?

Xaq haddaanu dhicin

Sidee loo xidhaa ?????

Weriyuhu Xayow!!!!!

Xirfadiisu waa

In uu sugo Xoriyad.

In uu sugo Xayaat

Oo xidhan xariir

Xaaladday tahayna

Xoolahoo dhaniyo

Aan xamaro goyn.

Sidee loo xidhaa?????

Xeer haddaanu jebin

Sidee loo xidhaa?????

Xaq haddanu dhicin

Weriyuhu Xayow!!!!!

Xarfadiisu waa

 In uu sugo Xoriyad

In uu sugo Xayaat

In uu sugo xurmiyo

Xawlay nafiyo

Bulsho xaaladeed.

Ee sidee loo xidhaa?????

Xeer haddaanu jebin

Xaq haddaanu dhicin.

Muj. Cabdisalaam Yaasiin Maxamed

SIYAASIYIINTA ISBAHAYSIGU WAA HOGAAMIYAAL HAN IYO HIIGSI MUUQDA LEH

$
0
0

Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato.

Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda saxaafadda Caalamiga ee Somaliland , Marka xigta waxaan salaan gobannimo u diraynaa guud ahaan Bulsha-dayada qaaliga ah ee aan jecelnahay ee u dhalatay Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ugu horreeyaan Madaxda Qaranku Mucaarid iyo Muxaafid`ba gaar ahaan Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenka qaaliga ah ee Sharafta iyo Qadarinta mudan.

 Intaa ka dib siyaasiyiinta Isbahaysigu; waxa ay ka kasbadeen umadoodda Sumcad iyo Siyaasadd ku dhisan Cadaalad iyo Sinaan, iyadoo ay  Somaliland siyaasadeedu  ay marayso maxaladdii ugu liidatay , gaar ahaana haddi ay noqoto xaga khilaafaadka haysata Xisbiyada  oo maanta ay kala daadiyeen dad aan siyaasada ehel u ahayn .isbahaysiga kulmiye waxay hanteen quluubta umadda 2015

Waxaana Isbahaysiga Kulmiye  kasbaday taageero balaadhan markay ka dhiibteen fikirkooda waddaniyadu ku dheehan-tahay arimaha dalka haysta iyo mashaakilka dhinaca siyaasadda , waana Siyaasiyiinta keliya ee maanta xidhiidho fiican ku leh dadweynaha Somaliland una soo bandhiga siyaasadda dhabta ah ee wadanku marayo ,isla-markaana Gudaha  iyo jaaliyaddaha dibadaba runti taageero baaxad leh ay siiyeen.

Qof walba oo leh han iyo damac siyaasadeed waxaa mararka qaarkood soo food saarta arrimo adag oo u baahan in uu gaadho go’aan uu og yahay in aanay mar-mar ka wada farxinayn dadkoo dhan una soo jiidi kara eedaymo iyo far ku fiiq inta badan aan lahayn sal iyo raad. Waxay reer galbeedku yidhaahdaan “Politics makes strange bedfellows” oo si fiican u qeexaysa sida siyaasadu isu bedeli karto.

Isbahaysiga Kulmiye kama suurtawdo inay ku kacaan talaabooyin lid ku ah geedi socodka dimuqraaddiyadan curdinka ah ee ka hana qaaday wadankan yar ee ka ifaya Geeska Africa, waana masuuliyiin ku abtirsada Wadanimo , Horumar, Maamul- Wanaag, Aqoon,  Akhlaaq, Sinaan, Sifoyinkaasi waa taa keentay inay  taageero buuxdda ka helaan dhanka shacabka, dhalinyaradda , Haweenka, Odayaashaa  iyo Aqoonyahanadda cilmiga la saaxiibka ah iyo dhamaan qaybaha Bulshadda..

Waxaan odhan karaa Siyaasiyiinta kala gedisan ee Isbahaysigu waxay Iftiimiyeen ama Mideeyeen , “isla-markaana isu geeyeen dadweynaha S/land,  intii doorashaddii Kulmiye ka dib, kuna ururiyeen Magaca tageerayaasha Isbahaysiga , Balan weyn ayey kala qateen, taladoodii iyo siyaasadoodiiba lagu mideeyey sidii ay mar labaad tageeradoodii ugu muujin lahayeen Isbahaysiga Kulmiye”.

Waxaana loo baahan-yahay in maanta hurdada laga kaco oo qof waliba waajibka ka saaran dadkiisa iyo dalkiisa uu u gutto , si hagar la` aan isla markaana aynu dib u jelleecno mustaqbalka siyasadeed ee S/land , habka keliya umadda ay guul-ku gaadhi kartaana ay tahay , inay midoobaan , meelna u wada jeestaan , taasi waxa ina baraysa habkii uu Mandela ku mideeyey Qarankiisii iyo Dadkiisii qaybsanaa ee taladiisa uu qabtay.

Dadweynihii ay la kulmeen  Isbahaysigu : dhamaantood waxay hoosta ka xariiqeen in Isbahaysigu  u iftiimiyey tageerayaasha in ay yihiin kuwa ugu haboon ee xaalad kasta inaga saari kara , una baahan in la’garab istaago laguna biiriyo maskax iyo maalba, ayna yihiin Isbahaysi loo siman yahay ama aan qofna qofka kale ka sheegin karin , taasina ay muujinayso taageerada ay ku leeyihiin  Guud ahaanba Dalka .

Waxaana aan ku soo khatimayaa maqaalkaygan Siyaasiyiinta Isbahaysigu :- “Waa geesiyaal  hantay tageeradda shicib-weynaha Somaliland, waa niman leh fikir side ay shacabka Somaliland ku horumarin karaan, waa isbahaysi ka kooban goboladda Somaliland oo dhan , oo ka mideysan fikirka siyaasiga” . haddii illaahay nafta u daayana, Xilka Madaxtinamadda Ka Soo bixi kara  , haday isu-soo tagaan Inshalaah 2017, waxaana ku bararujinayaa shacabweynaha hogaamiyaashiina dhabta ah taageeradiina u muujiya , waana soo dhowdahay wakhtiga isbedelku dhici lahaa inshalaah, codkiina wax ku bedala.

Ugu danabeyn; Isbaysiga Kulmiye waxay hanteen quluubta ummadda ugu danbeyntiina waxay heleen kalsoonida shacabka , dadwaynaha waxaan ugu mahad celinayaa soo dhawaynta iyo taageeerada ay la garab taagan yihiin markasta Isbahaysiga Xisbiga Kulmiye .

           -Allaa Mahad Leh –

W/Q: Ismaciil Wersame Cali

           Burco/S/land.

Maxaa kamida inta fahanka lagu garto?

$
0
0

Maaha su’aal aan adiga imika ku waydiinayo, jawaabteedana aan kaa rabo. Laakiin waa su’aal innoo wada wanaagsan in midkasta oo inagga mid ahi gaar ahaantiisa isku waydiiyo. Mid kastoo inaga mid ah markaan leeyahay waxaan u jeedaa dadka inta si sababaysan iila qatba weedhan oo ah (qofna dhamays maaha).

timthumb8

timthumb
Adoo xisaabta boqolayda qiyaas ahaan ku xisaabinaya, xaqiiqadana aan is diidsiinayn, dadka kuwo aad istaqaannaan iyo kuwo dushaa kaa yaqaanaba isku daroo bulshada intee ayay ka yihiin inta si kal iyo lab ah kaaga raalliya ee guushaada jecel guuldarradaadana neced, agtoodana aan lagugu xaman? Waayo?

Bulshada intee ayay ka yihiin dadka saaxiibtinnimada idinka dhaxaysaa ay dano ku salaysan tahay, balse aanay jirin lexojeclo intaa uga danbaysa oo ay kuu qabaan? Waayo?

Bulshada intee ayay ka yihiin dadka guuldaradaada, gumaradaada, gubashadaada, goohaaga, ganistaada, jabkaaga, ceebtaada, ciilkaaga, cambaarayntaada, dhibtaada, dhaliishaada, dhaawacaaga, xumaantaada, iyo xantaada ku diirsada kuna doogsada? Waayo?

Bulshada intee ayaa xanta ayku xantaan ee warkeedu kusoo gaadho aad ku ogaataa nacaybka ay kuu hayaan balse aan toos kuugu muujin? Waayo?

Bulshada intee ayaa si badheedha qowl iyo ficilba kuugu muujisa nacaybka ay kuu hayaan ama adigu aad u muujisaa? Waayo?

Bulshada muddo intee leeg ayaad cecelis ahaan isku dhacdaan marka laga soo bilaabo xilliga aad is barateen? Ma marka aad sidaa isku barataanba, ma maalmo ka dib, ma bilo ka dib mise markaad muddo dheer isku xidhnaataan? Waayo?

Bulshada intee ayaad isku dhacdaan maalintiiba, toddobaadkiiba, bishiiba ama sanadkiiiba.? Waayo?

Dadka inta ugu badan muxuu yahay waxaad isku qabataan, iskugu dhacdaan ama ku collowdaan? Waayo?

Dadka kuwo aad is disheen iyo kuwo collaadi ama nacayb idinka dhexeeyso dhamaantood markaad dib u eegto wixii aad isku qabateen, ma waxaad aaminsan tahay inaad ka wada saxsanayd oo mid waliba kaa gardarnaa? Waayo?

Bulshada dad intee leeg ayaa idinkoo waxyar isku jiidhay colaadiinnu maalinkasta sii tarantaa oo ay noqotaa mid ka ballaadhan halkii ay ka bilaabantay iyo wixii ay ka bilaabantay? Waayo?

Horta qofka geesiga ah ka astaamehee leh ayaad u taqaannaa? Waayo?

Horta qofka jilicda san qofka astaamehee leh ayaad u taqaanaa? Waayo?

Su’aalahan jawaabahooda adoo kaligaa ah naftaada si sugan ma ugu sheegi kartaa mise way kugu adag yihiin jawaabaha qaarkood? Waayo?

Abuurka dadka waa mid kamida mucjisooyinka alle.kala duwanaanshaha abuurka dadku waa in muuqata ama la dareemo iyo in la fahmo. Inta muuqata way fududahay in aynu isla garanno, oo waxa tusaale kuugu filan in hadii aniga oo siddiiq burmad ah aad iragtay aad ogaato inaan gaabanahay ama dheerahay, inaan dhuubanahay ama buuranahay, inaan casahay ama madoobahay, inaan afgaabanahay ama hadal badanahay, inaan foolxumahay ama quruxbadanahay. Waxase laga yaabaa inay kugu adkaato inaad garato abuurka qof aad aragtay intiisa qarsoon ee aan aragga iyo maqalka lagu qiimayn Karin balse fahanka u baahan. dhibtuna taas ayay ka joogtaa.

Hadii dadka marka la qiimaynayo lagu kala jeclaysto intooda la arko ama la maqlo, oo foolxumadu ay foolxumo ku tahay , quruxina qurux ku tahay, waxaa iyana ka mihiimad ballaadhan kala duwanaansha aadmiga intooda aan la arkin lana maqlin ee fahanka u baahan in lagu kala qiimeeyo laguna kala jeclaysto.

Maxaa kamida inta fahanka lagu garto?

Mararbadan waxaad tidhaahdaa hebel waa fariid, hebel kale waa nacas, heblaayo dulqaad badanaa, kaasi waa mid dabeecad xun, qof wanaagsan ma tihid, anigu waan calool adagahay, ninkaasi waa car itaabo, waa qof iska xidhxidhan, waxkastoo dhaca isagu kaa cadhoon maayo, kalmadda uu qoonsado waligii ma illoobo, dadkoo dhanbaa wada jecel, fartaa gaadha, waa jacjacoor, waa nasab, dadkoo dhanbay iswada haystaan. Waa mid bilaa macni ah, saaxibul caqli ayaad tahay, waa gabadh aad u daggan, dabeecadda ayaan ku jeclaaday, waa bilaa dhiig, ma diiro, waad indho adagtahay, waa bulshaawi, waad gocasho badan tahay, intaasaad ku xumaatay, soo anaani maaha, aduunbaa isla saxsan, waa qof qalbi xaadhan, qof kasta wuu ka cabanayaa, waa qoys fiican.

Hadaladaas marka aad leedahay waxaad qiimaysay abuurka qofka ama dadka aad wax ka sheegayso intooda aan la arkayn ama aan la maqlayn. Markaas waxaa mihiima uun in aad iska hubiso in qiimayntaadaasi xaqiiqada ku salaysantahay. Qiimayntaadu way sugantahay hadii aad si dhaba u fahantay abuurka qofkaas ama dadkaas inta fahanka lagu garto. Hadii qiimayntaadu aanay sababayn lagu qanco lahayn ma sugna. Hadii qiimayntaadu noqoto midaan sugnayn adaa qiimayn u baahan inaad isku samayso ee maxaa kaa khaldan?

Maskaxdeena laba dareen oo ay leedahay ayaa midi yahay ka aad ku garato inaad u baahan tahay hurdo, inaan sidiiq ahay, inaan saaxiibkaa ahay, inaad shaqo tagto, in dagaalku xun yahay, in sinnadu xaarraan tahay, inaad hebel booqato, inaad dabka ka baqto iwm. Dareenkaasi maskaxeed ee aad intaas ku garataa waa mid xaqiiqada ku salaysan, waana ka inta badan inna shaqeeya ee inaan wax kala fahanno inoo suura galiya.

Dareenka labaad ee maskaxdeennu leehay waa caadifad ama kacsanaan. Dareenkani waxa uu aad inoo shaqeeyaa mararka qaar oo ay xaalado gaar ahi inala soo gudboonaadaan.

Labadan dareen ee midna caadifada yahay midna yahay kan aynu wax ku fahanno go’aanada aad arrin kaga falcelinayso ma wada gooyaan ee mid uunbaa falcelinta go’aankeeda yeesha. Ka markaas go’aamadaadu kazoo fulayaan markaa waaka kolba ku shaqaynaya ee awoodda badan.

Dareenka maskaxda ee caadifadda ahi haduu inna kaco dareenkii caadiga ahaa ee aynu wax ku kala garanaynay ma shaqeeyo oo kanaa meesha ka saaraya. Hadii dareenka kacsan ee maskaxdaadu ka awood bato dareenkaaga caadiga ahna waxaad ku hadasho iyo waxaad samaysaaba maaha mid xaqiiqada ku salaysan.

Inaanay hadalka iyo ficilka aad samaysay wakhti dareenkaaga kacsani shaqaynayay aanay saxnayn, oonay sugnayn, xaqiiqada aanay ku salaysnayn waxaad ogaataa marka uu dareenkaasi dago ee uu dareenkaaga maskaxeed qaybta dagani shaqada kusoo noqoto.

Tusaaleyaal kooban oo innoo iftiiminkara in marka dareenka caadifadu inna shaqaynayo waxa aynu samayno iyo waxa aynu ku hadalnaaba aanay ahayn wax sugan oo xaqiida ku salaysan aynu wada eegno.

Qof qofkale si badheedha u dilay ma aragtay ama ma maqashay?

Marka uu usii socdo qofka uu soo dilayo aad ayuu u dhiirran yahay, waxaanu u dagdagayaa inuu hore usoo qaato hubkii uu qudha kaga jari lahaa. is hubayn ka dib waxa uu usoo tallaabeeyaa haddaanu usoo ordinba dhanka qofkii uu rabay inuu dillo. siduu ugu soo degdegayo waxaad mooddaa inuu ka baqayo inuu fursad qaaliya lumiyo. Hadii cidi istidhaa ka baajiya falka uu rabo inuu sameeyo ma yeelo mana fahmo waxa ay u sheegayaan. Muxuu cid fahmaa illeen kaliya waxa uu maqlayaa oo uu dareemayaa kaliya waxa maskaxdiisa ka dhex guuxaya. Qofkaasi markuu soo dilo qofkii uu rabay inuu soo dilo ka waran xaaladiisa? Maxaa iska badalay? Muxuu u naxaa? Muxuu u baqaa? Muxuu u warwaraa? Muxuu u qoomameeyaa falkii uu samayntiisa aadka iyo aadka ugu qanacsanaa?

Wax kale maaha ee markan dareenka maskaxda qaybtii kacsanayd ma mashaqaynayso oo waxa dib usoo noqotay dareenkii maanka ee markii hore la afganbiyay. Imika wuxuu fahmayaa ugu yaraan in dilka uu gaystay dhibta isaga kaga imanaysaa ay ka wayntahay wixii qofkaas ay isku hayeen, imika wuxuu garanayaa in loo dilayo ama aakhiro la cadaabayo, imika wuxuu garanayaa inuu ajasha ka jaray nin toban caruura aabe u ahaa oo uu agoon ka dhigay, imika wuxuu garanayaa inuu ninka walaaladii iyo tolkii joogaan oo uu godobaysan yahay. Intaaba markii dareenka shucuurtu shaqaynayay muu garanayn.

Wali isaga ma aragtay qof jecel qof kaloo isaga neceb. hadii la diiday muxuu uga hadhi waayaa?

Si kastoo loo qanciyo, loogu dhaga hadlo, dhabada looga leexdo, tilifoonkiisa looga dhaco, kulankiisa loo dhibsadooo warkiisa loo dhigdhigo uma dhaadhacsana qofka wax jecel waxaasi.bahdilaada haysata kumabaraarugsana, baryootanka qof aan rabina maalin kama baaqdo. waa qof ay meel kaga dhagtay oo maskaxdiisa wax kale kuma soo dhacaan, waxba kama dhiidhiyo, oo dhiig iyo uus toona maleh ayaa layidhaahdaa. isna waa dhibbane, qofka uu jecelyahayna waa dhibbane oo waxaa dhib ugu filan qofkan ku dhaggan ee dhanna uga leexanla. Dhibta uu qabo iyo ta uu gaysanayo qalbiga wax jeceli midna awood uu ku baajiyo malaha,tagna kuma tago. Hadda garo oo qofkaasi ka hor intii aan jacaylku ku dhicin sidan muu ahaan jirin, dabeecadanna ma lahaan jirin, fiicilada noocan ahna dadka kama yeeli jirin. Isbadalkan ku yimi waxa u sababa dareenka maskaxda ee shaqaynaya ayaa ah ka caadifada, inaad qof jeceshahay dareenka kuu sheegayaa waaka caadifada een xaqiiqada waxba ku salayn. Taas macneheedu waa in jacaylka laftiisu caadifad yahay ee aanu ahayn wax rasmiya oo xaqiiqada ku salaysan.

Marar badan oo qofka wax jeceli ka fikiro inuu iskaga hadho qofkan uu jecel yahay ee kasii jeeda ayaa jira. waliba markaas waxa hor yimaada inta hadal xumo, dhaga hadal iyo naxariis darro uu kala kulmay qofkan uu ku dabo daalay, markaasuu isku boorriyaa inaanu dib ugu noqon una wicin tilifoonkiisa ama tilifoonkeeda. Arimahaas marka uu ka fikirayo waxa muuqata in qaybtii maskaxda ee macquuliyada wax ku qiimanaysay si suganna wax loogu kala garanayay ay shaqaynayso, qaybtii caadifaduna hoos u dagtay. waayo labadaas dareen ee maskaxdu mar wada shaqayn karaan ee miduunbaa hogaanka maankaaga hagaya. Dhibtuse waxay ka joogtaa caaddifada jacaylku way ka wakhti dheertay kana badan tahay caaddifadaha kale ee aadmiga lasoo gudboonaada. kuwa kale waa muddo gaaban sida cadhada, farxadda, hammada iwm. Fikirkaa sugan falanqayntiisa inyar ka dib kiiba maaha qofka wax jeceli oo dareenkii caaddifaddaa shaqada maskaxdiisa la wareegaya, markaasuu is arkayaa isagii oo heblaayo ama hebelkii imika uun uu ka tashanayay ku mashquulsan ka fikirkiisa amaba nambaarkiisa ama namberkeeda garaacaya. Hadaba mushkillada haysata qofka wax jecel markaad dhanwalba ka eegto waa qof aanay garaadkii fahanku shaqaynayn ee caadifadi hagayso.

Dareenada caadifadu ficillada ay qofka galiyaan ama dabeecadaha ay u yeelaan oo badan koodu aanay wanaagsanayn masoo koobi karno oo waxa kaloo kamida xaalladaha ay ku sugan yihiin laba qof oo wada hadalkoodu aanu dood iyo falanqayn ahayn ee uu muran yahay. Mar hadii sheekadoodu muran tahay waxa xaqiiqa ah in midkood ama labadooduba isdiidsiinayaan xaqiiqooyin ku saabsan arrinka ay ka hadlayaan.

Waxaa kaloo kamida gacan ka hadalka ama dagaalka laba qof ama in kabadan dhexmara.

Waxaa kaloo kamida faqa xanta iyo ka sheekaynta xumaanta qof kale ama dadka ku saabsan.

Waxaa kaloo kamida gocashada iyo caloolxumada maankaaga kusoo noqnoqota eed ka seexan waydo.

Waxaa kaloo kamida gardiidnimada kaa muuqata marka adiga iyo qof kale arrintiina cid kale waddo

Waxaa kaloo kamida hanjabaadda, hatigaadda, galiilyada, dareenka galmada, iyo qiirada waxaad dhagaysato ama aragto ay kugu abuuraan.

Mararkooban ayuu mihiim yahay dareenka caadifaddu inuu ku shaqeeyo sida qushuucda looga baahan yahay inaad dareento markaad dikriyayso, quraan akhris ama salad ku jirto, markaad galmo xalaala ku jirto, marka aad aragto dhib ama xaalad laga damqado oo cid haysata oo mudan in aad halkiisa is gaysto si ay u timaado inaad u naxariisayo iwm.

Hadaba ta mihiimka ahi waa in marka xaaladaha qaar ay innala soo gudboonaadaan aynu maskaxdeena ku ilaalino in dareenka qiimaynta sugani hogaamiyo oo caadifadu aanay hoggaanka maanka la wareegin.

Awoodda dadku u leeyihiin inay maskaxdooda ka ilaalilyaan inay qaybta caadifadu shaqayso way kala duwantahay, oo taas lafteedu waa abuur alle. Dad aad iyo aad u tiro yar ayaa awood badan u leh inay xamaha u hayaan isbadbadalka dareenada maskaxda ku yimaad. Dadkaasi waxay awood u leeyihiin in xaallad kasta oo caadifada kicin lahayd kala garashadana meesha ka saari lahayd marka ay lasoo gudboonaato dareenka caadifada ee maskaxda ay kala dagaalamaan inuu hogaanka u qabto. Taasina waxay u suura galisaa inay xaaladahaa adag si sugan u qiimeeyaan oo aanay xaqiiqo ku salaynta arrintaasi seejin.

Dadka intooda u badan marka xaaladaha caadifada maskaxda kiciyaa lasoo gudboonaadaan awoodda ay u leeyihiin waa mid iska dhexdhexaad ah oo inay xakameeyaan iyo inay xakamayn kari waayaanba way dhacdaa.

Halka ay jiraan iyaguna dad badan oo marka xaaladaha dareenka caadifada maskaxda kiciya dareenka macquulka ahna meesha ka saara ay yar tahay awooda ay u leeyihiin inay hogaaminta maskaxdooda kala dagaalamaan dareenka caadifadda ee xaaladahani dhalinayaan.

Qofka markaas awoodda uu u leeyahay inuu xakamaha u hayo is badbadala dareenada maskaxdu ay yar tahay, waxa ku imanaysa in waxkasta oo dad ay isku qabtaan markaba caadifadiisu kacdo oo uu cadhoodo. Mar haduu cadhoodo oo caadifaduna hagayso arinkaasi xal mayeesho waayo kuna dhagaysan maayo, kuna maqli maayo, waxa uu ku doodayana sababayn maayo ileen garashadii sugnayd maba shaqaynayso oo hogaanka maskaxsiida caadifadii ayaa la wareegataye. Markaas waa muranku ha dheerado, nacaybkuna ha bato, ilaa ay gacan ka hadal gaadhayso.

Dadka awoodda ay u leeyihin inay hoggaaminta maankooda ka ilaaliyaan dareenka caadifadu yartay, way cabasho badan yihiin, way colaad badan yihiin, way cadho badan yihiin, way camalxunyihiin, mararna way calmasho badan yihiin oo qofay iska caashaqeen ayay maanta kuu ammaanaan barrina kula caayaan, waana car itaabo.

Dadka caynkani way muran badan yihiin, way male badan yihiin, way maagis badan yihiin, mar walbana cid ayay is haytaan, dadka caynkan ahi way godob badan yihiin, way gef badan yihiin, way guux badan yihiin, way gocasho badan yihiin, way gardarro badan yihiin oo waxna kama garaabaan.

Dadka noocan ah qiimayntoodu wax sugan maaha ee waa mid ku salaysan marba arinka dhexmara wuxuu ku saabsan yahay uun mid ka dhalata. Waa qof wanaagsan hebel ayuu ku odhanayaa manta oo dhanna amaantiisa ayuu kaaga sheekaynayaa waayo wax raalli galiyay ayuu manta kala kulmay. Barri ayuu isla hebelkii uu shalay uun uu kuu ammaanayay ku odhanayaa hebelkaasi waa qof xun caydiisana saacado dhagaha kaaga qaadayaa. Hadaad ka dhagaysan waydo ma ogtahay in adiguna qof xuntahay aad u qorantayay, oo inyar ka dibba uu ku neceb yahay dadka kalena u bilaabayo inuu uga sheekeeyo qofka xun ee uu kii horaba uu ku illoobay oo adiga ah.

Waa kuma qofka xumi? Waa kuma qofka wanaagsani?.

Inuu qofku xun yahay ma waxa muujinaysa inaad fikir ama dan isku diideen?

Inuu qofku wanaagsan yahay ma waxa cadaynaysa danta ama fikirka aad wada qabtaan?

Hadii aad dadka intan ku qiimayso oo aad ku nacdo ama ku jeclaato, qiimaytaadu sax miyaa?

Adoon xaqiiqada is diidsanayn markaad isku noqoto hab dhaqanadan ma isku aragtay?

Hadaad isku aragtay mar kale aan ku waydiiyee imika fahmi kartaa waxa kaa khaldan?

Haddii aad ila fahantay waxa kaa khaldan ma awooddaa inaad caadifadaada xakamayso?.

Sirta noloshu waa inaad fahanto mihiimada ay leedahay inaad maskaxdaada ka ilaaliso in dareenka caadifaddu hoggaamiyo. Haddii aad fahanto waxaad ku dadaalaysaa inaad kordhiso awooddaada aad ku xakamayn karto is badbadalada dareenadan maskaxda oo aanad caadifadu taladaada goyn.

Laba nin ayaa arrin kawada hadlay. Labadii nin waxay ku kala aragti duwanaadeen arrinta ay ka wada hadlayeen, taasi waxay keentay in falanqaynta arrintaasi muran ka noqoto. Labada mid kamida ayay dhankiisa ka timi sababta sheekadu u xumaatay marankana u noqotay.Marbamarka ka danbaysa wadahadalku wuu kasii leexanayay waxa laga wada hadlyo, waxaanu isku rogayay is eedayn, is weerar iyo is difaac ay dhalinayeen hadalada guracan iyo garowshiiyo la’aanta mid kamida labadan nin oo xaqiiqada is diidsiinayay. Afxumada uu adeegsanayay kolba waxuu sii kordhiyo waxay gaadhay in isagoo cadho ka bilaabantay sheeko aan buurnayn jiq la ah uu ninkii kale candhuuf wajiga kaga tufo. Dadkii isku dhagaysanayay waxa ay wada arkayeen arrinta laga hadlayay inuu dhamaan kaga wada saxnaa ninka candhuufta lagu tufay. Labada ninba laxaadkoodu wuu u dhammaa oo may kala xubno badnayn. hadii ay xoog noqoto ka candhuufta lagu tufay ayaaba ka tun iyo taagba roonaa inanka candhuufta ku tufay. oo hadii ay dagaal noqoto si alle mooyee itaalkiisa umuu baqayne wuu hubay inuu afka boodhka u dari karo. may jirin sabab kale oo uu uga cabsado madaxna uma ahayn waalidna uma ahayn oo maalintaas ayaaba iskugu horaysay. Labada nin ka dagaallansani marba marka ka danbaysa halka uu hadalka kasii badinayay kana kululaynayay kan isagu wuu sii dabcinayay siina yaraynayay hadalka. Waxaabuse hadalkii jaray markii wajigiisii uu jeclaa inanyari candhuuf kaga tufay. Bal is qiyaas aduu halkaa markay marayso waxaad yeelli lahayd, dabeetona barbar dhig ninkaasi waxa uu yeellay. Wallow wajigiisu aad isku badalay hadana intuu maro agtaallay gacanta kusoo qaaday oo uu candhuuftii iskaga masaxay ayuu meesha iskaga dhaqaaqay.

Dadkii meesha joogay oo buuq bilaabay ayaa labadiiba qabsaday. fikirro iyo talooyin iyo falanqayn bandanna arintaas dadkii way kaga falceliyeen. Inanka candhuufta ninka ku tufay cid waliba way cannaanatay wuuse isla saxsanaa oo caydii uu sii waday ee candhuufaynta ka danbaysay ayaaba wixii hore ka xumayd. ninkase taas ka yeelay ee iska aamusay dad badani waxay ku cannaanteen inuu waxaasoo kale aqbalo. Hadalladii dadku la boobeen ayay ka mid ahaayeen “ kanaaba neef ah, alla miskiinsanaa, waar qofku halkuu u dhimanayaa, waa billaa damiir, fulaynimadu cid walba way kuu jabainaysaa, waar waxaasi wax la yeelo maaha, waar ma waxbaad isku tihiin, waa bilaa kalyo, tanoo kale waa doqoniimo” intaas oo eray oo mar lalasoo wada garab istaagay oo ku wada dhiirigalinayay inuu ninka iska celiyo wuu wada maqlayay waxse saamayn ah go’aankiisii kamay badalin.

Hadii meeshaas aad adigu maalintaas joogto maxaad samayn lahayd?

Ma laga yaaba marka ninkaasi ninka la dagaalami waayo kii kala kasii badbadiyo inaad adigu la dagaalntaba?

Ninka la candhuufeeyay hadii dadkii kale sidaas ula hadleen aduu maxaad ku odhan lahayd?

Qofka waxaas qayrkii ka yeelay ee iskaga tagay waa qof caynkee ah?

Ka waxaas isagu sameeyay walina sii wada waa qof cankee ah?

Labada ninba ma waxbaa ka qaldan mise midbaa qaldan?

Ninka la can dhuufeeyay waa maxay waxa ka qaldan ee dadkaasi oo dhami hadalaas ugu yidhaahdeen?.

Maxaad kula talin lahayd labadaas nin midba gaarkiisa?

Bal adigu kalidaa ka dood, jawaabaha su’aalahaa aad ka bixiso ka dibna ila eeg sababta ninkani ninka candhuufeeyay ula dagaalami waayay isagoo ka xoogroon waliba.

Marka aynu dagaalamayno waxa maskaxdeena taladeeda gooya dareenka kacsan ee caadifadda. Cadhadu waa nooc kamida dareennada caaddifadda. Marhadii aad cadhooto waxa kaliya ee aad samaynaysaa waa inaad dagdag uga falceliso waxaa kaa cadhaysiiyay. mana jiro wax kale oo aad ka fikiri karto, oo dareenkii kala kuma shaqaynayo xilligaas.

Hadaba ninkani sababta uu sidaas u yeelay may ahayn fulaynimo, oo fulaynimada lafteedu waa caadifad ee caqli maaha. hadii sababta qofku cid weerarka iskaga celinwaayaa fulaynimo tahay wuu naxaa, wuu gariiraa, wadnahaa xoog u garaaca, ama maskaxdaa amar dagdag ah oo aanu xukumin isagu lugihiisa farta inay cararaan oo sidaas ayuu ku baxsadaa. Hadaba ninkani fulayga noocaas ahna muu ahayn, ee wuxuu sidan u sameeyay waxay ahay awoodda uu u leeyahay inuu isbadbadalada dareenada maskaxdiisa ayaa ahayd mid xoogan oo u saamaxday in iyada oo falka intaa leegi lasoo gudboonaaday uu hadana ka horjoogsaday indareenkiisa caadifadeedmeesha ka saaro dareenkiisa sida sugan u shaqeeya. Taas macneheedu waa inuu wali si sababaysan oo xaqiiqo ku salayn ah u fikiri karo.

Waxa uu fahmay ileen qaybtii wax fahmaysay way u shaqaynaysaaye in ninkani candhuufta ku tufay nin caqli liita yahay, inuu ninkani isaga laftiisu nin dhibaataysan yahay mar hadii habdhaqankiisu sidan yahay, in hadii siduu rabo ee ah inay dagaalamaan uu yeelo uu dili doono ama isaga la dili doono, inay labadaas kay noqotaaba khasaare u dhali doonto, in khasaarahaas ka dhalandoona dagaalka iyo candhuufta ku taalla aanay isku mid ahay, in candhuuftu maro lagu masaxo uun u baahantahay, khasaaraha uu gaysan lahaase ama isaga soo gaadhi lahaase aanu noqondoonin mid maro lagu maso.

Waxyaabaha kale ee uu ka fikirayay waxa kamida in ninkan candhuufeeyay yahay nin dhibaataysan laftiisu oo kalley dadka uu sidan ku wada ah, cid walba ay isku dilaan kalmado, waagii baryaba dagaalama, ku dhinta waxaan jirin, wax u dila waxaan jirin.

Waxyaabaha uu fahmay waxaa ka mida in ninkani inuu sidan u dhaqmaa aanay ahayn mid uu doortay ee ay tahay awoodda cadhadiisa oo aanu maamuli Karin.In isaguna inuu sidan dagan u fikiro ilaahay karsiisay. Sidaas ay tahay ilaahaybaabu u mahad naqayay aan ka dhigin maskaxdiisa sida ta ninkaas candhuufeeyay.

Hadii aynu isla fahannay ilaa imika labadaas nin keebaad u malaynaysaa inuu yahay geesiga dhabta ah? Waayo?.

Waxyaabaha aad danayso ee aad markasta iyo meelkasta oo aad joogtaba u baahantahay maka mid yihiin qodobadani:- shaqo, hiil, wehel, xog, talo, taakulo, lacag, maamuus, iwm.?

Haa waad u baahaan tahay lkn mataqaanaa cida aad ka hesho ama intaas iyo inka badaniba kaaga xidhan tahay?

Qofkastaa waxa uu xidhiidh joogta ah la leeyahay kooxo dad ah oo uu qoloba danno gaara ula wadaago.

Waxaad isku xidhantihiin dadka aad wada shaqaysaan, marna waxaad isku xidhan tihiin dadka aad wax wada barataan, marna waxaad isku xidhan tihiin dadka aad wada cawaysaan, marna waxaad isku xidhan tihiin dadka aad arringaara wada waddaan, marna waxaad isku xidhan tihiin tolkaaga, marna waxaad isku xidhan tihiin ehelkaaga, marwalba waxaad isku xidhantihiin qoyskaaga.

Qofkasta oo kamida kooxahan aad xidhiidhka wada leedihiin waa inta aad ka hesho waxyaabihii aad u baahnayd ee kor aynu kusoo sheegnay. Sida aanad waxyaabahaas marna uga maarmin ayaanad qofkaskastoo dadkan kamidana aanad uga maarmin waayo iyaga ayay waxyaabahaas aad u baahnayd ku xidhnaayeen.

Waxa laga yaabaa kooxahan inaad qaarkood maalinkasta aad wakhti wada qaadataan, qaarkood cisho dhaaf, qaarkood todobaadkii mar, iwm.

Midkasta oo dadkan aad ku xidhan tahay waa aadame oo maaha dhamays. Waxyaabo uu ku wanaagsan yahay iyo waxyaabo uu ku xun yahayba wuu u dhashay. Qaarkood awood badan uma laha inay dareenkooda caadifadeed ka ilaaliyaan go’aamada talada maskaxdooda.

Dadkaas shaqo ama sheeko arrin ka dhalatay marar badan waad ku kala aragti duwanaanaysaan ama waad isku khilaafaysaan. Hadii markaa xamilkaagu yar yahay ama caadifadaada aanad laftaadu xakamayn Karin halkaas ayaad ku kala dhaqaaqaysaan. Dadka cadhada caadifadu qaaddo marka ay gef tirsanayaan ama cid ka cadhoodaan qowlka ama ficilka ayay kaga jawaabaan waa mid aad u qadhaadh. Haku dhinto ayay hadalka qofka ugu yidhaahdaan, ama siro iyo ceebo waawayn oo hore kalsooni jirtay loogu sheegay ayuu soo ban dhigaa kuna aarsadaa. Taasina waxay keenaysaa in xitaa hadii khilaafkani iska dhamaado cadhaduna labada dhinacba ka dagto aanu jirin waji danbe oo la isku sii ag joogo.Ma ogtahayhadii aanad taas fahansanayn in dadka aad isku xidhan tihiin manta mid aad sidaas u kala dhimanaysaan, barri mid kale, sahandanbe midkale, hadana midkale, midkale, mid kale…….

Natiijadu waxay noqonaysaa in markaa kooxdii asxaabta aad ahaydeen dhamaan aad salaanta lakala baydhaan. Waxaad markaa ku qasbantahay in meeshii idin kulmin jirtay aanad foodda soo galin. Waxa kuu xigaaba waa inaad asxaab kale oo meel iyo sheeko kulmiso aad u guurto oo aad ku waa ku xidhanto. Asxaabtan cusubi maaha malaa’igee iyaguna qofkasta oo kamida wax uu ku wanaagsan yahay iyo wax uu ku xun yahayba wuu leeyahay, wax ku raalli galiya iyo wax aad dhibsato labadaba waad kala kulmaysaa, waxbaad isku aragti ka noqonaysaan waxna waad ku kala duwanaanaysaan. Sidaas markay tahay adoo dabeecadaadii lasoo guuray markaad u timaado ayaamaha hore way ku ixtiraami lkn lagu waari maayo. Oo markaad sheeko wadaag noqotaan ee wax la isku diido ama lagu doodo hadii sidaadii aad u dhalatay aad cadhada xamili waydo iyagana midmid ayaad u kala dhiman doontaan. Waxaad sidaas ku socotaba ee kolba aaad asxaab soo kala dhimmataan adiga ayaa isku soo hadhaya. Dabeecadda noocan ahi macal reerkaaga way kaa duminaysaa.

Dadka markaad mid walba ka cabato, midmidna aad u kala dhimataan waxaad halkaas ku waayaysaa danihii mihiimka kuu ahaa ee bulshada kaaga xidhnaa. Shaqo, sheeko, garab, guubaabo, waano, war , lacag, iyo bariidaba adoo u baahan ayaad ka go’day bulshadii iyo asxaabtii ay qoraalka eebe ka sokow kaaga xidhnayd. Markaa dabeecaddaada ayaad ku wax la’dahay. Markaad ugu yartahay tilifoon nambarka qof aad si wayn ugu baahantahay ayaa lagu odhanayaa hebel waydii habel ayaa hayee,Hebelkuna waa mid aad bari hore waxaan sakaaro ka biirsan ku kala dhimateen. Ogow dadku waa hantiye.

Qalinkii Sidiiq M. Burmad.

Yaa Kugu Soo-daray Cidi ku Odhan Maysee Ha Isku Hawlin Saxaafadda – Faallo: Faysal Axmed Kaarshe

$
0
0

Ogow Saxaafada Ama Mihnada Baahinta Haddii Qalinkaaga Aad Meel Walba Ku Dayday Uu Sababo Inuu Kula Galo Kama Duwanid Qof Aan Dabaal Aqoon Oo Damcan U Muraaday Inuu Bad Kacsan Ka Kalluumaysato.

Sharax Baa Odhanaya Lagala Yimid Gargaarada Ama Sablaale Iyo Kuntuwaaray, Kaasi Oo Ahaa Qeexidiisu ”Aqoontu Waa Inta Aan Ka Aqaan.” Hase Ahaatee Hiigsiga Nololeed Ee Hadba Hir Hor Leh Ka Gudbaya Markuu Jiidhay Halkuu TaagnaaAyuu Ogaaday.

SUXIFI FAYSAL AXMED KAARSHE

SUXIFI FAYSAL AXMED KAARSHE

Saxaafada Sharcigeedu Waa Malyuumaad Oo Qoom Waliba Qawaaniin Buu U Dhigtay,Hadana Sadexda Qaybood Ee Dunida Loo Kala Hoosaysiiyo Hadaad Fahmayso Ee Mid Waliba Ay Sida/nooca Ay Door Moodo Kaga Dhaqanto, Waxaa Ka Daba Yimid Oo Ka Awood Batay Saxaafada Xadantada Loo Yaqaan. “Waxay Ku Shaqaysaa Nafaqo, Malaha Xayndaab Iyo Dabar Waabiya Waxay Ka Duushaa Kana Shiidaal Qaadataa Xanta, Ku Tiri Kuteenka , Sharafdilka, Waxay Bidhaansataa Hadba Qofkii Muuqda, Muraadkeeda Lama Qeexi Karo, Hase Ahaaatee Waxay Ka Beerantaa Amaba Beerantaa Xiliyada Burburka Kana Beerantaa Wadamada Uu Saameeyo Burburkaasi Ee Aynu Ka Mid Ka Nahay..

Ma Yeelato Macaln Hadii Ay Yeelatana Ma Qirato,, Waxaa Xiligan Xageena Sii Sahlay Aaladan Fududaysay Fogaynteeda Xadantadaa,Ma Taqaan Cid Dhaliil, Qalin , Cinwaan, Iyo Sifo Safaaxadeed Kula Yaabaysa Feedpacg Ahaan Oo Ah Taakuleeyaha Shaqsiga Mihnada Madaxa Soo Geliyey, Iyadoo waxa Uu Ku Saxan Yahay Iyo Waxa Uu Ku Khaldan Yahay Feedpacgu Yahay Ka Ka Caawiya.

Ku Darsoo Suxufigaa Xadantada Xiligeeda Yimaadaa Wuxuu Ku Dadaalaa Keliya Degdega Iyo War Badnaanta Waayo Wixii Hakin Ama Dhiiragelin Siin Lahaa Waxaa Ugu Jira Meeshiisii Degdega’e, Anshax Iyo Asluub Baad Moodaa In Kuwa Ugu La Yaabka Badani Ay Badbaado U Haystaan Una Sitaan Sahay Salaamadeeda Sare Ay Ku Korayaan Laakiin Ma Aha..

DABCAN ; Tan Maaha Tii La Iska Waanin Jiray La Iskula Yaabi Jiray Shuruudaheedu Xukumi Jireene plz Qarankiina ,Qabiilkiina,Iyo Qoyskiina Waardiye Kaga Hay Intuu Haleelayo Xukun Aad Ugu Ciil Qabto Inay Mar Hanato,Iyo Weliba Sidoo Kle Dhaqaalo Aad Waardye Kaga Hayso Inaan Lagula Yaabin.

NB; Website Tooshnews Qormo Aan Ka Halacsaday, Kaasoo Weliba Aan Xusee Ka Mid Ah Kuwa Aan Booqdo Ayaa Iga Keentay Qormadan waqtiga Aan Badnayn Aan Siiyey.

Faysal Axmed Kaarshe

kaarshe2010@gmail.com

Yaa ka Masuula Sixir-Bararka (Inflation)

$
0
0

Bulshooy adigay boqrday

Adaa bili igu shakalay

Baruudka adaygu xidhay

Haddaan ahay wiil bir kulul

Burjiga adigaa iska leh

  Badheedhka adaa i faray.

Nolol darada iyo Duruufaha Qalafsan ee ay ku sugan yihiin Dadkayga Somaliland maaha wax Samada uga soo Degay mana ah wax ay Qof Qof u galeen oo ay wada leyihii Masuuliyadeeda balse waxa sobobay Dawlad xumada iyo Naxariis darada Ganacsatadooda Doolarka la Garaadka ah,waayadan waxa taagnaa Taws iyo Diif Xaga Nolosha ah kaas oo uu ugu biiray Sixir-barar lagu daray Boob. Walina aan Shacabku si dhaba uga Dareen celin maxaa yeelay waxay la qabsadeen Dactarada iyo Duliga waxayna Qabatimeen Nolol Xumada ogaalkayna waxay u qabaan wax ay Dunidu la wadaagto waxa xusid mudan waxa toosiyaa inuu yahay wax wayn oo laga dhaqaaqi waayo  Toosidaasina ma dhaafto ilaa inay noqoto mid ku Qabawda Ficilada laab qaboojinta ah ee kasoo Burqada Qasrigii ka masuulka ahaa Danta Umadan kuwaas oo ah Gudi baan u saaray Deedna ay ku ilaabaan Tabashadii ay Qabeen hab dhaqanka noocan ahna waxa Cabiray Abwaan Hadraawi Gabaygiisa Gudgude.Maxamed-Abiib (1)

Weligeed fal baa loo guntaa, lagu guhaamaaye
Mar uun bay gadooddaa siday, gees lo’aad tahaye
Galab xiisaheedaa wakhtigu, kaga gaboobaaye
Ninuun baa ku guuree iyada, geeddi waw weliye
Marka wiil ku guro Naarta iyo, godadka Yaahuuda
Ayay kii Jannada geyn lahaa, dayasho goobtaaye
Marka uu galaa buu iyaga, guba yidhaahdaaye.

Nasiib daro waxay iloobeen inay tani tahay wixii ay u igmadeen kuna doorteen oo waxabad moodaa kaliya inay u Gol lahaayeen Gaadhsiinta Gurigaa Midnimada iyo Sharafta Rabigeen ku Galaday Balse ay Gumeeyeen Madaxda inoo gashaa, sidoo kale waxay Dad kaygu iska indho saabeen inay Dawladooda waydiistaan Waxa dad yowga kale ka doonaan Dawladahooda iyagoon fogaan ayay arkayaan Dad raba wixii Dawladooda ay u Igmadeen. Miyaydaan ogayn waxa Itoobiya ka socdaa Maalmahan ee Sobobay Qulqulatooyinku  inay tahay Dood ku saabsan korodh ku yimid Nolosha Maciishada, hada ogaadoo Dadka Banaan baxayaa Waa Oromo Dawlada ay ku Banaan baxayaana waa Dawladii Gacanta Adkayd maaha Dawlad ku timid habka teenu ku timid Oromaduna maaha Dad sideena oo kale Xoriyad u Dhacsaday inta la ogyahay  balse  waxa Kalifay ee Xanuunkaa oo dhan ku iloobeen kana Badheedheen waxa la iskugu yimid Noloshii Aas aasiga ahayd hadee Xasuus naadoo Itoobiya Xaga baahiyaha Aas aasiga ah waxay ku jirtaa kuwa ugu Fiican Africa Cajiib Hargaysa oo Caasimadeenii ahna Haraad ayaa ka jira Mararka qaar ayaad Lacag taada Biyo ku waayayso sidoo kale ma jirto Dawlad isku Sar-jarta Qiimaha Maciishada iyo Haynta Shacabka. Sidaa darteed ana waxan goostay inaan ka hadlo Aragtidayda Sixir-bararka oo waayadan hadal haynteedu taagnayd Siilaanyana Sidiisii inoo tumay Juguc jugucdii oo uu ina yiri waxan usaaray Guuuudi ilayn Gudi caadi ah laguma sheegi karee Somaliduna waata tidhaa ADHI JUGUC JUGUC KAMA WAYNAADO.

Sixir-barar: waxa lagu Qeexaa koror joogto ah oo ku yimaada Heerka Qiimaha Alaabta iyo Adeegyada kaasoo taabta Nolosha Shacabka wuxuna u daran yahay Danyarta.

Sobobaha Sixir-bararka

Sida ay qabaan Dhaqaala-yahanadu Majirto sobob la isku waafaqsan yahay Caalamiyan oo kicisa Sixir-bararka balse Laba Aragtiyood ayaa guud ahaan laga soo Reebaa kuwaas oo kala ah

1: Baahida oo ka  badata Alaabta (Demand-Pull Inflation) Aragtida sidan ahna waxa lagu soo koobi karaa ( Lacag aad ubadan oo Cayrsanaysa Alaab tiro yar) Tusaale ahaan tani waxa xageena loo yaqaan Alaab daba qabsi ah baahina loo qabo isla markaana Dadkii uwada dagdagaan waayo waxay rabaan inay ka gaadhaan intaan laga dhamayn taasina waxay sobobtaa in Ganacsatadii haysay ay is yidhaahdaan ka faaidaysta deedna kor u qaadaan Qiimaheeda iyagoo ka Faaidaysanaaya Yaraanta iyoBaahida Dadka.

 Waxayna u dhacdaa laba sobobood oo kala ah mar waxaba yaraaday soo bixidii Alaabta Cilad xaga farsamada ah ama xaga Ilaahay katimid waayo waxaba laga yaaba inay si fiican u bixi waayaan Midhihii loogu talo galay Sanadkan inay  inay soo baxaan base Dawladaha Masuulka ah ee Dadkooda jeceli waxay sameeyaan  Kayd lagu Qaboojiyo ama lagu Daboolo baahidaa timid. Talabaad ee keenta waa in ay tahay Alaab Dibada katimaada oo ay si badheedha Cida ka Ganacsataa usoo yarayso soona dajiso Alaab ka yar Dalabka ama baahida Dadka iyagoo raba inay Qiimo fiican siiyaan ilayn waa Macaash done. Tanina waxay dhacdaa marka ay dawladu ka baaqsato inay lasocoto Ganacsatada iyo Suuqa Caalamiga ah kulana Xisaabtami waydo si ay iskugu Sar-goyso Qiimaha,Baahida iyo Macaashka Ganacsatada si ay u ilaaliso Dadkeeda.

2:  Qiima korodh ku yimaada Alaabta  (Cost-Push Inflation) Aragtidanina waxa iyadna lagu soo koobi karaa( waxay kordhiyaan Qiimaha si ay u ilaaliyaan Xadiga Macaash ) Kor uqaadistaa waxa kale oo keena Alaabta(things) oo iskeed u qaaliyawda, Mishaharka(wages,) oo kordha,Cashuurta(taxes) oo Korodha ama Qiimaha Alaabta soo Degaysa(imports) oo Kordha, waana Mushkilada ugu wayn ee maanta Shacabkeena haysata maxaa yeelay Sixir-bararka Somaliland kajira waxa ka Masuula Dawlada iyo Ganacsatada si aan tan u iftiimino aan laba ukala qaadno Qaabka ay Labadani Masuulka uga yihiin:

Qalinkii Maxamed Abiib yusuf   Qaybtii 1aad

Bulaawecade98@hotmail.com

Lasoco qaybo kale.

“Gorfeynta buugga 100 tallaabo hore u qaad.”

$
0
0

Qalin maal Cabdinaasir Axmed Ibraahim;

 Buuggan oo uu qoray aqoon-yahan Maxamed Cali Bile, magaciisuna yahay 100 tallaabo hore u qaad,  ayaan jeclaystay inaan intii RABBi iga waafajiyo ka tilmaamo guud ahaan wanaagga iyo dhalliilaha iiga muuqda labadaba.    Buug yarehanni waa buug noociisu ku cusub yahay guud ahaan dalka, waa buug dhiiri-galinneed aad iyo aad u soo jiidasho badan, muuqaalka jaldiga iyo magaca buugga marka aad isha ku dhufato, waxa aad dareemaysaa in awood qarsooni kuu jiidayso gudaha buugga.Haddaad gudaha buugga gasho tallaabooyin wax ku ool ah ayuu qoruhu buugga ku soo ururiyay. Waxa aan filayaa in dad badan ka faa’iidaysteen, waana tallaabooyin qofkii sidooda u raaca noloshiisa wax badan ka beddelaya.nnnn

Shakhsiyadda qoraa Maxamed Cali Bile; inkastoo aqoon-qofeed aanan u lahayn, waxa aan asaxaab ka nahay bar kulanka (facebook) inta badan waxa aan arkaa wacyi galin iyo waanooyin wax  ku ool ah isagoo la wadaagaya dhallinyarta.Waxaa qoraalkiisa iiga baxay laba shay oo kala ah 1. inuu yahay qof xidhiidhka ku wanaagsan oo dad badan ku xidhan 2. Inuu yahay qof hurumarka jecel isla-markaa da’yarta hurumarkooda jecel. Xaasha, lagama yaabo inaan asaraar galiyo, Inuu waayo arag aqoon yahan ah yahay oo meelo badanna ka soo shaqeeyay.

Gefefka buuggan ku jira: Dhowr jaad gef qoraal ayaa ku jira buugga waxay se u badan yihiin qaar dhinaca higgaadda ah, haba ugu badnaato xarfaha labinlaabma’e. way jiraan gefef kale oo dhinaca Naxwaha ah,hasa yeeshee, sidaa uma sii badna. Buuggan haddaad haysato lambarka khaladka aan tilmaamay, bogga,tallaabada iyo meeriska si toos ah haddaad u tagto waxaa kuu muuqanaya gefka aan tilmaamay.

  1. FG. Maxamed Cali Bile oo kaliya si gaar ah uma bartilmaameedsan, qoraalkaygu waa u dhex qofkasta oo wax qora, buuggan kii iiga horreeyayna wuxuu ahaa ‘Hagar laawe,’ sidoo kale xafiiska af-hayeenka madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland 28 warqadood oo gef qoraalkooda aan ku tilmaamayo ayaan qoray, meelaha kale ee aan gef qoraalkooda wax ka sheegay waxaa ka mid ah; Telesom, Dahabshiil, Somcable iyo meelo kale oo badan. Ujeedada ugu weyn ee aan ka leeyahayna waa in dadku xil iska saaraan qoraalka Soomaliga sida ay qoraallada afafka kale’ba xilka iskaga saarayaan.

 

  1. Casharro aan lagu baran jaamacadda; jaldiga buugga ayuu qoruhu ku qoray, waxaa’se iga la habboonnayd inuu ka dhigo “Casharro aan lagu baran jaamacaddaha,” sababtuna waxa weeyaan dadka uu qoruhu buuggan ugu talo galay waa dad jaamacado kala geddisan ka soo baxay, wuxuuna qoraalka Maxamed Cali Bile u muuqdaa in uu tilmaamayo jaamacad la isla yaqaan.
  2. Buuggani ma leh tusmo: Buugta la qoro tusmadu waa u laf-dhabar waana fallaadhaha haga akhristaha una fududeeya in uu si sahlan u tago akhristuhu qodobka uu jeclaysto.
  3. Buuggani ma leh xigasho: Qoruhu waxa xigasho ah oo uu buuggiisa ku bixiyay ma jirto, haba-yaraatee, taa macneheeduna waa in qoruhu hal erayna ha ahaadee aanu meel kale ka helin, xataa buug uu akhriyay. Haddii dhammaan tallaabooyinkan uu qoruhu buugga ku soo ururiyay ay yihiin waayo aragnimo uu isagu soo tijaabiyay, taa lafteeda ma caddayn!
  4. Buuggani ma leh mahadnaq: Hal qofna ha ahaadee qoruhu cidna kuma mahaddin buuggan, waxaanay marag u noqonaysaa in aanu cidna ka talo galin buugga.
  5. Buuggani wuxuu ku bilaabayaa bogga 2aad : boggii 1aad mooyi meel uu maray.
  6. Iminka: Hordhac, bogga 2aad, meeriska 10 aad
  7. Koobanyahay: Hordhac, bogga 2aad, meeriska 12 aad
  8. Koobanyahay: Hordhac, bogga 2aad, meeriska 13 aad
  9. Xirfad-nololeed: Hordhac, bogga 2aad, meeriska 14 aad
  10. Xirfad-nololeed: Hordhac, bogga 2aad, meeriska 15 aad
  11. Cusubyihiin: Hordhac, bogga 3aad, meeriska 7 aad
  12. Wareysta: Hordhac, bogga 3aad, meeriska 14 aad
  13. kaMaqnow:Tallaabada 1aad bogga 4aad meeriska 2aad
  14. isbitaalada: Tallaabada 1aad bogga 5aad meeriska 6aad
  15. xanuunsanaya: Tallaabada 1aad bogga 5aad meeriska 11aad
  16. inad: Tallaabada 2aad bogga 6aad meeriska 2aad
  17. maqantihiin: Tallaabada 3aad bogga 7aad meeriska 19aad
  18. Qumanaan: Tallaabada 4aad bogga 8aad meeriska 10aad
  19. Ixtiraamaan; Tallaabada 5aad bogga 9aad meeriska 14aad
  20. Duwantihiin: Tallaabada 5aad bogga 9aad meeriska 15aad
  21. Guracan: Tallaabada 6aad bogga 10aad meeriska 7aad
  22. Badanyahay: Tallaabada 6aad bogga 10aad meeriska 8aad
  23. Adagtahay: Tallaabada 7aad bogga 11aad meeriska 3aad
  24. Falantahay: Tallaabada 7aad bogga 11aad meeriska 9aad
  25. Illaahayna: Tallaabada 7aad bogga 11aad meeriska 20aad
  26. Awoowadaa: Tallaabada 8aad bogga 12aad meeriska 14aad
  27. Aabahaa: Tallaabada 9aad bogga 13aad meeriska 3aad
  28. Walaaladaa: Tallaabada 9aad bogga 13aad meeriska 4aad
  29. Adeerada: Tallaabada 9aad bogga 13aad meeriska 15aad
  30. Arin: Tallaabada 10aad bogga 14aad meeriska 9aad
  31. Arinkuba: Tallaabada 10aad bogga 14aad meeriska 16aad
  32. Wadareed: Tallaabada 11aad bogga 16aad meeriska 2aad
  33. Qumantahay: Tallaabada 11aad bogga 16aad meeriska 13aad
  34. Arintaas: Tallaabada 12aad bogga 17aad meeriska 4aad
  35. Haboon: Tallaabada 12aad bogga 17aad meeriska 9aad
  36. Hadaladaada: Tallaabada 1aad bogga 4aad meeriska 13aad
  37. Degantahay: Tallaabada 13aad bogga 18aad meeriska 7aad
  38. Xoogagaasi: Tallaabada 14aad bogga 19aad meeriska 3aad
  39. Xoreeyey: Tallaabada 14aad bogga 19aad meeriska 16aad
  40. Hadalada: Tallaabada 15aad bogga 20aad meeriska 11aad
  41. Niyadjabinaya: Tallaabada 15aad bogga 20aad meeriska 15aad
  42. Doqonimadu: Tallaabada 17aad bogga 22aad meeriska 2aad
  43. Awoodaadii: Tallaabada 19aad bogga 24aad meeriska 9aad
  44. Bedeli: Tallaabada 20aad bogga 25aad meeriska 2aad
  45. Arimahan: Tallaabada 25aad bogga 31aad meeriska 9aad
  46. Bedesho: Tallaabada 27aad bogga 33aad meeriska 4aad
  47. Haboon: Tallaabada 28aad bogga 34aad meeriska 1aad
  48. Arkaainuuwanaagsanyahay: Tallaabada 29aad bogga 35aad meeriska 4aad
  49. Labisto: Tallaabada 29aad bogga 4aad meeriska 2aad
  50. Kartidaadadadladalkaiyohadalka: Tallaabada 35aad bogga 42aad meeriska 2aad
  51. Aftahanimo: Tallaabada 35aad bogga 42aad meeriska 5aad
  52. Wajigaagaiyoindhahaaga: Tallaabada 37aad bogga 44aad meeriska 6aad
  53. Dhameeyo: Tallaabada 37aad bogga 44aad meeriska 12aad
  54. Talaabada: Tallaabada 41aad bogga 49aad meeriska 2aad
  55. Dhamayso: Tallaabada 41aad bogga 49aad meeriska 4aad
  56. ingiriisiga: Tallaabada 42aad bogga 50aad meeriska 1aad
  57. yaqaanaan: Tallaabada 42aad bogga 50aad meeriska 12aad
  58. Aduunku: Tallaabada 42aad bogga 50aad meeriska 13aad
  59. Joornaalo: Tallaabada 43aad bogga 51aad meeriska 8aad
  60. Xirfadaada: Tallaabada 43aad bogga 51aad meeriska 12aad
  61. Cinwaanada: Tallaabada 43aad bogga 51aad meeriska 16aad
  62. Amaaradeysto: Tallaabada 44aad bogga 52aad meeriska 3aad
  63. Fariimo: Tallaabada 44aad bogga 52aad meeriska 14aad
  64. Qoraaladaada: Tallaabada 45aad bogga 53aad meeriska 11aad
  65. Tababarada: Tallaabada 46aad bogga 54aad meeriska 2aad
  66. Shirarka: Tallaabada 46aad bogga 54aad meeriska 1aad
  67. Siminaarada: Tallaabada 49aad bogga 57aad meeriska 8aad
  68. Kumanaan: Tallaabada 49aad bogga 57aad meeriska11aad
  69. Badani: Tallaabada 50aad bogga 58aad meeriska 12aad
  70. Hab nololeedkooda: Tallaabada 50aad bogga 58aad meeriska 14aad
  71. Nolosho: Tallaabada 51aad bogga 60aad meeriska 1aad
  72. Isbedel: Tallaabada 51aad bogga 60aad meeriska 12aad
  73. Sahlanaanaysa: Tallaabada 53aad bogga 62aad meeriska 7aad

Abwaan Weedhsame oo maanso qiime badan ka jeediyay Xuska dhalashada Nebigeenna Suuban


Sababaha keenay sixir bararka waxa lagaga gudbi karaa isbedel maamul oo wata siyaasad dhaqaale oo cusub “new fiscal & monetary policy “‏

$
0
0
HORDHAC.
Waxaan dhegaystay danyarta  “WADHATADA  BURCO  oo ka qaylinayaa Sicir-bararka ku habsaday iyo saamaynta noloshooda. Qaar way kaceen (bankrupt), qaarna dabka  dheri ma saaraan. Waxa la mid ah  WADHATADA  Gobanimo & Waaheen. Waxa ka sii liita  danyarta, saboolka , xoolo dhaqatada iyo beeralayda . Sicir-bararku maaha aafo-qaran  “ natural disaster”  iyo masiibo samada kaso dhacday.Waxa keena  maalmul-xumo dhaqaaale. Xalka u raadinta sicir bararka waxay ahayd in loo xil-saaro guddi madax-banaan oo ka kooban aqoonyahano ku xeel dheer  arrimaha dhaqaalaha.  Sida aan hoos ku sharxi doono, Mudane Cabdirahmaan Saylici , wuxuu ka mid yahay sababaha keenay sicir-bararka, mana  haboona in asaga loo xilsaaro, mushkilad uu  kow ka yahay.Sicir-bararka waxa abuuray siyaasadda dhaqaale ee Madaxwayne Siilaanyo &  Mudane Saylici.
Cudurka kaa gala fardaha;
Haddii laga gubo dameer;
Dawada lama gaadhayee.
Hadaba,waxaan  bulsho-waynta Somaliland ugu  soo bandhigi doona  Saddex  qormo oo  ku saabsan sababaha keenay sicir-bararka iyo talooyin ku saabsan sidii  loo xakamayn lahaa “ solutions”.  Mudane Saylici & Guddigiisa  waxaan kula talinyaa inay la sodcaan qormooyinka  soo socota :
CABIRKA  SICIR BARARKA “ CPI “
Sicir Baraku  waa korodhka  qiimaha alaabta &  khadamaadka “ Goods & services” .  Waxa lagu cibraa  “CPI-Consumer Price Index “ ”, sida xaraarada loogo  cabiro “Centigrade” . Somaliland  ma laha nidaam lagu cabiro  sicir bararka.  Sida la ii sheegay, waxa qiyaasta sicir-bararka  ugu danbaysay  sanadkii  1968, waqtigaas oo  Mijir Qaadi  ka sheegi jiray Radio Hargeisa korodhka qiimaha khudaarta, timirta, hilibka ,bariiska, hadhuudhka iwm .Madaxwayne Siilaanyo , wuxuu   kasoo qaatay  Manchester University,  MA Economics ,1963. Wuxuu leeyahay La-taliyaal dhaqaale oo fara badan.  Weli kamay fekerin in Somaliland loo dejiyo nidaamkii lagu qiyaasi lahaa sicir-bararka . Dakhtarku intaa aanu cudurkaaga baadhin,  wuxuu eegaa  “xaraarada”  ku haysa. Xakamaynta sicir-bararka, waxa ka horeeya in la ogaado halka u maraayo iyo inta u bil-walba kaco i.e rate of  inflation  2% ;5% ;10%; 20% etc.. Markaa cabirkaas lo ogaado, ayaa la samayn kara daraasad ,dabagal iyo daawayn.
Qormooyinka soo socda, waxaan Ku soo qaadi doona  sababaha curiyay sicir bararka. Waxa ka mid ah 1. Daabacaada xad-dhaafka ee lacagta loo yaqaan “Filipino ama Indhoyar” ee dawladdu suuqa soo gelisay  “ Money supply”  2.  Kooto-xidhka koox yar oo ganacsato ah  “Oligopoly” 3. Kordhinta joogtada ah ee Cashuurta dadban  Indirect Tax 4. Uruursiga & Sicirgoynta Doolarka “ Dollarised Economy ” iyo amuuro kale.
 
 
Drs.Hoodo Yusuf,UK
 
yhoodo@yahoo.com


 



Maxaa Mudan In Wax Lagu Xusho?

$
0
0

Xulasho ama doorasho waa  erey micno ahaan sheegaya hal shay amase walax  la gala  soo dhex baxaayo waxyaabo kala duwan , taas oo aad ka door bidayso inta  kale ee aad ka tagaysid. Adigoo ku salaynaaya wixii meesha yaalay. Qasab maaha ka aad xulatay inuu yahay shaygii aad ugu jeclayd laakiin waxa uu noqon karaa inaad ka dhex xulatay inta walxood ee hortaada yaalay ama markaas kuu muuqday oo kaliya.

Xulashadu waa waxa kala saraysiin kara ama kala horomarinka bulshooyinka ama ashqaas noloshooda meel sare ka gaadhay ka dib markay ka ku kala wanaagsanaadeen miisaan ay wax ku xusheen.Taas oo midna kor u qaada mid hoos u dhigi karta.me

Waxaan qormadan ku iftiimin doonaa waxa ay mudan tahay in wax lagu kala xusho anigoo ka eegaya dhinacyadan:

  • Ku dayashada qof kaa mudan
  • Saaxiibka
  • Hogaanka
  • Nolosha

Nicmooyinka illahay ina siiyay waxa ugu wayn waa nicmada islaamnida iyo iimaanka, taas oo muddan in illahay loogu mahad celiyo, waana ta keenaysa in nolosha adduunyo aynu ku barwaaqawno oo  nolol fiican ku noolaano, aakhirana aynu helno barwaaqada dhabta ah.

Haddaba si aynu nimcooyinkaas dhabta ah aynnu u gaadho mid adduunyo iyo mid aakhira ba cidda mudan in aynnu ku dayano waa nabigeenii Muxamed (صلي الله عليه و سلم)

Innagoo u marayna kitaabka quraankaa iyo sunadiisii nabigeena,

Sida uu illaahay (SWT) tikaabkiisa quraankaa innoogu sheegay.

)لَقَدْ كَانَ لَكُمْ فِي رَسُولِ اللَّهِ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِمَنْ كَانَ يَرْجُو اللَّهَ وَالْيَوْمَ الْآخِرَ وَذَكَرَ اللَّهَ كَثِيرًا[21] ‘ (سورة الأحزاب

Taas oo ay mudan  tahay in aynnu kaga dayano dhammaan nolosheena dhinac kasta ooy noqotaba sida

  • Barashada cilmiga
  • Akhlaaq wanaaga
  • Sugitaanka shaqada
  • Ka fogaanta wixii xaaraana
  • Ku dhegenaanta iyo ku adkaanta diinta allah
  • Geesinimada
  • Waxbixinta

Iyo dhan kasta oo noloshaa.

Nibigeenii Muxamed( (صلي الله عليه و سلم ka sakow waxa kale oo ku dayasho mudan cidda ku sifowday jeclaanta sunnaha nabigeenii iyo raacida tolmoonaa ee uu innoo jideeyay.

Sidaas darteed waxa mudan inaad ku xulato qofka ku dayashada mudan qodobada kor ku xusan.

  1. Saaxiibtinimadda waxa lagu tiriyaa mid ka mida xidhiidhada ugu saamaynta wayn ee laba qof dhex mari kara, sidaa darteed saaxiibku kuu jiidi karaa dhanka wanaagsan iyo dhanka xun ee nolosha labada ba.

Sida uu Nabigeenii Muxamed( (صلي الله عليه و سلم  uu yidhi

(المرء على دين خليله)

Waxa waajib ah in qofka wax garadka  ahi  inuu aad isaga fiiriyo cidda uu saaxiibka ka dhiganayo si aanu maalinka xisaabta ee illlaahay hortiisa la taagan yay uga calaalin saaxiibkiisii adduunyada uu wehelka  ka dhigtay ee haleeyay.

ليتني لم أتخذ فلانا خليلا” (الفرقان28 :

Saaxiibku maaha mid saamayn ku leh aakhiradaada oo kaliya ee waa mid saamayn ku leh adduunka inta aad joogto horumarka aad ka  gaadhi karto, sidoo kale waa mid laga cabir qaadan karo shaqsiyadaada oo lagugu qiimayn karo cida aad tahay ,waa mid kuu rumayn kara riyooyinka aad ku riyooto intaad nooshay,sidaa darteed waa inaad ku doorataa qofka saaxiibkaa noqonaya qodobadan.

  1. Diin jacaylkiisa
  2. Inuu yahay qof dhanka wanaagsan wax eega (optimistic)
  3. Mid cafis badan
  4. Mid dadka samaha fara
  5. Mid ku garab istaaagi kara xiliyada adag

Qalinkii :-Axmed Baashe Aadan

axmedbashe14@gmail.com

Taariikhda Tirsiga sanadka milaadiga (Gregorian), W/Q Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Yoonis

$
0
0
Taariikhda miilaadiga ama Gregorian-ka loo yaqaana ee aan hada galnay sanadkiisi 2016aad waa tirsiga taariikheed ee dunida loogu isticmaal badan yahay waxaana dunida carabta iyo islaamkaba looga yaqaana taariikhda miilaadiga madama oo ay ku arooorto ama ku tacaluqdo oo laga soo tiriyo xilligi uu dhashay nabi ciise (CS)
Waxa sidoo kale loogu yeedha tirsiga Gregorian-ka (Gregorian calendar) ooloogu magac daray pope-kii ama baadirigii la odhan jiray Gregory-gii 13aad (Pope Gregory XIII) oo ugu sareeyay kaniisadi Rome qarnigii 16aad baadarigaasi oo ahaa ninkii suragaliyay in wax ka badal lagu sameeyo tirsigii hore ee la odhan jiray (Julian calendar)12467835_1008983779161294_1449473740_n
Tirsiga taariikhada miilaadigu waa mid ku salaysan tirsiga qoraxda waxana uu ka kooban yahay (365.2425) maalmood sanadlaha caadiga ah,halka celcelis ahaana sanadka (leap year) la idhaa oo is bad-badalana uu ka kooban yahay 366 malmood,waxaana sanadka miilaadiga ahi uu ka koban yahay 12 bilood
Marxaladihi kala duwana ee u soo maray sanadka miiladigu
A) Tirsi romanigii qadimka ahaa(Roman Calendar)
Boqortooyadii Roman-ku waxay bilawgii hore adeegsan jirtay tirsi sanadle ka kooban 10 bilood waxana markii danbe ay adeegsan jireen tirsi sanadle isku dhaf ahaan ku salaysnaa qorax-dayaxeed ka kooban 355 iyo 12 bilood,maalmaha bishuna waxay ka koobnayeen 29 iyo 30 maalmood, waxaana wakhtigaasi u dajisnaa boqortoyadIi Roman-ka in sanadka xiga sanadka lagu jiro lagu daro 22 ama 23 malmood si (leap year-ku) u noqdo 377 ama 378 maalmood celcelis ahaan
Waxa fikradan wakhtigaas iska lahaa oo hirgaliyay imbaradoorkii/boqorkii (Noma) la odhan jiray ee reer Rome,waxa se tirsigaas boqor noma hirgaliyay wax ka badal ku sameeyay baadariyadii iyo hogaamiyayaashi diinta ee xilliigii danbe, iyagoo ku jaangooyay maalmaha bisha 31 maalmood iyagoo kasoo tiriyay wakhtigii la aasaasay Rome oo ahayd caasimadii imbaradoriyada/boqortooyada sanadkii 753C.H
B) Tirisigii Julian-ka
Wakhtigii ay boqortooyadii Roman-ku ay guumaysteen dalka Masar waxay Roman-kii si wayn uga faaidaysteen dadkii aqoonta lahaa ee reer masar ee sida wayn wax uga yaqaanay cilmiga xiddigiska waxaana Imbiradoorkii /boqorkii la odhan jiray (Julius Caesar) isaga oo kaashanaya caalim sare oo cilmiga xiddigiska yaqaana oo reer masar ahaa kuna noola maagalada Alexandria oo la odhan jiray (susegnio) waxa uu is badal ku sameeyay tirsigii ay hore u  isticmaali jireen, waxaana tirsigiisa cusub ee sanadlaha ah uu ka dhigay 365 maalmood halka sanadka (leap year-ka) la idhaana ee is badalayana uu ka dhigay 366 maalmood, waxaana uu qorsheeyay in 4tii sanaba uu mar is badalo halka maalmahana uu ku saleeyay 30 iyo 31 maalmood marka laga reebo bisha February oo sanadka caadiga ah noqonaysa 29 sanadka (leap year-kana) isku badalaysa 30 maalmood
Waxa sidoo kale Caesar (Qaysar) uu bilaha qaar u bixiyay magaciisa julius caesar bisha 7aad ee( July ) halka bisha siddedaad uu ugu magac daray wiilkiisi ka danbeeyay xukunka ee la odhan jiray augusstus Caesar oo uu ka dhigay bisha 8aad (august)
c) Tirsiga Gregorian-ka ama miilaadiga ee xilligan
tirsiyadii hore ee julianka iyo romanku waxay ku salaysnaayeen oo laga soo tirinayay xilligi la aasaasay caasimadii imbaradooriyada/boqortooyadii Roman-ka ee Rome oo ahayd sanadkii 753kii, laakiin markii lasoo gaadhay qarnigii 6aad baadarigi la odhan jiray Dionysius Aksijunos ayaa wuxu soo bandhigay in taariikhada miilaadiga lagu saleeyo xilligi uu dhashay nabi ciise sanadkaas oo ku beegnayd sanadkii 532kii
Macnaha iyo asalkii hore ee bilaha sanadka miladiga
1. january: waxa asaal ahaan kasoo jeeda magaca ’’ janus’’ oo macne ahaan ah ilaahyadii ay caabudi jireen  romankii hore 
2. February: waxa uu asal ahaan erayga ‘’febra’’ oo macne ahaan ku noqonaya latinka is nadiifin waxana xilligan oo kale roman-kii wakhtiyadii hore ay qabsan jireen xaflado baladhan oo ay isku imadan si ay u nadiifiyaan deeganka ay dagan yihin iyo nafahoodaba
3. March: waxa uu kamid ahaa ilaahyadii ay caabudi jireen roman-ku waxana ay u yaqaanen ilahi dagaalka xilligan oo kalana waxay gali jireen dagaalada
4. April: waxay asal ahaan kasoo jeeda erayga ‘’avril’’ oo macnihiisu yahay Gu’ga ama xilliga barwaaqada xilligan oo kale waxa uu ku beegna xilliga barwaaqada ee roobabku curtaan
5. May: waxa uu asal ahaan kasoo jeeda ereyga’’Maya’’ oo ah ilaahyadi ay caabudi jireen,waxaana xilligan oo kale khubaradoodi xiddigisku ay cirka ka saadaalin jireen khuraafad ah inay arkayaan ilaha ay caabudaan
6.june: waxa uu asal ahaan kasoo jeeda erayga”jonious’’ oo macnihiisu yahay latin ahaan dhalinyarnimo, waxaana xilligan oo kale ay qabsan jireen xaflado waawayn oo ay dhalinyarta ugu talo galaan 
7. Julay: waxa loogu magac  daray imbaradoorkii/boqorkii reer roman-ka ee la odhan jiray “julius caesar”
8. Augst: waxa loogu magaca daray imbaradoorkii/boqorkii labaad ee reer roman-ka oo ahaa wiilkii uu dhalay Julius ee la odhan jiray “augustus’’
9: Sebtember: waxa uu kasoo jeeda asal ahaan erayga “septa’’oo looga jeedo macne ahaan number 7 (magacyada numbaradii ee ay isticmaali jireen roman-ki hore)
10: Octobar: waxa uu kasoo jeeda asal ahaan erayga “octa’’ oo looga jeedo macno ahaan number 8 (magacayada numbaradii ee ay isticmaali jireen roman-kii hore)
11: November: waxa uu asal ahaan kasoo jeeda erayga ‘’nova’’ oo macne ahaan noqonaya number 9 (magacayada numaradii hore ee ay isticmaali jireen roman-kii hore)
11: December: waxa uu asal ahaan kasoo jeeda erayga”deca’’oo macne ahaan u dhigma number 10 (magacyada numbaradii hore ee ay isticmaali jireen roman-kii hore)
Gabagabo
tirsiga sanadlaha ah ee miilaadiga ee taariikhdiisa aan kor kusoo xusnay waxa si wayn looga isticmaala dunida oo dhan waxaana kamida meelaha hada sida xooga ah looga isticmaalo wadamada islaamka iyo carabta marka laga reebo tiro yar oo kooban oo isticmaasha tirsiga islaamiga ah ee Hijri-ga loo yaqaan 
wadamada carabta badankoodu waxay isticmaalan tirsigan sanadka miilaadiga ah waxa se qaarkood ay badaleen magacyada uu ka kooban yahay sanadku ee iyagana aan kor kusoo sheegnay oo ay ku badasheen magacyo bileed iyagu ay leeyihiin oo macne ahaana ka duwan kuwa aan kor kusoo xusay

Maxaa Mudan In Wax Lagu Xusho (qaybtii 2’aad)

$
0
0

Qormadeenii hore waxa aynnu ku soo qaadanay cidda mudan ku dayashada iyo saaxiibka  sifooyinka loogu xulanayo, Sidaa darteed qormadeennana waxaynu ka sii qaadaynaa cidda saddexaad ee tahay in laga dhimbiil qaato maadaama aynu qormada hore ku soo qaadanay suubanoow rasuulkeenii (N.N.K.H) iyo saaxiibka, qormadana waxaynu si kooban u dhugan doonaa hogaamiyaha.

HOGAAMIYE: – Waa erey macno ahaan balaadhan oo loo adeegsan karo meello badan oo nolosha se waxa aynnu ka eegi doonaa hoomiyaha ummadda iyo waxa ay mudan tahay in lagu xusho. Hogaaminta waaxa bud dhig u ah qorshayn iyo fulin,taas oo uu ku aas’aasayo dhisida shakhsiyadiisa iyo bulshadabba.Hogaamiye waa shakhsi ka soo dhex baxa bulshada uu la nool yahay oo uu kaga soo dhex baxo sifooyin u gaara oo aanay bulshada inteed kale la wadaagin ama uu dheer yahay.

Hogaamiyaha la  xulanayo waxa muhiima u ah in lagu xusho qodabadan

  1. Hal adayg:- Hogaamiyuhu waa in uu noqdaa qof hal adag oon iska badalin hadafkiisa oo aanay saamayn ku yeelan wax yaalaha dibada kaga imanaya.
  2. indheer garad waa in uu ka aragti iyo aqoon ba dheer yahay bulshada inteeda kale ,sida marka uu   qaadanayo  go’aanada masiiriga ah, isla markaan u sharaxi karaa  ahdaaftiisa iyo waxa isaga u muuqda.
  3. Isku xidhka bulshada: – Waa in uu noqdaaa mid isku xidha bulshada qof- qof , koox –kooxba iyo guud ahaan ba, isaga oo fahmaaya baahiyahooda midayn kara .

Waa inuu isu soo jiidi karaa inta la shaqaysa marka ay is qabtaan isla markaana mid kastaa noqdaa saaxiibka ugu dhaw ee la shaqeeya.

  1. Isbedel:- Waa in uu noqdaa mid keeni kara isbedel la jaan qaadaya wakhtiga iyo bulshada oo hilaadin kara mustqabalkana
  2. La Tashi: – Waa in uu yahay mid talada la wadaaga bulshada oo aanu noqon kaligii taliye ama talada ka qaata koox gaara oo ka mida dadka inta la shaqaysa, isla sidoo kalena haadiya oo hufa tashiyada guud ahaan.
  3. Hawl kar:- Waa in uu hayay qof hawl kar ah oo shaqada ka horeysiiya hadalka, tusaale marka uu hogaamiyuhu doonayo inuu bulshadiisa wax ku soo kordhiyo waa inuu isagu ugu horayn ficil ahan u sameeyaa si ay bulshadu ugu dayan karto.
  4. Dhiiri-galin: – Waa in uu noqdaa mid dhiiri galin kara bulshada xiliyada adag isla markaana soo celin kara yididiiladaiyo rajadda bulshada xiliyada ay quustaan.
  5. Geesimo:- Waa in uu noqdaa geesi aan kayr -kayrin xilliga cadawga la is hayo oo qaatadan  go’aamo iska hor imanaya.
  6. Odoraska Waxa soo socda :- Hogaamiyaha waa in uu leeyahay saadaalin ku dhisan mustaqbalka halka uu u socda iyo sida lagu gaadhayo, isla jeerkaasna waa in uu wixii tagay leeyahay waayo aragnimadii uu ka dhaxlay oo weelaysan si aanay berri ugu noqon wax cusub.

isku soo wada xooriyoo qodobadan iyo kuwa la hal-maala’a waa kuwo u baahan in loogu hilaad bixiyo cidda la xulanayo iyadoo lagu jaan go’aynayo hirarka mawjadeed ee looga baahan yahay. Balse haddii meelo kale iyo sifooyin kale oo aan ku dhisnayn xulasho dhab ah lagu eego waxa hubanti ah in la hareer maray xulashadii la rabay.

                                  Dhamaad

Qalinkii Axmed Baashe Aadan

Email: – axmedbashe14@gmail.com

Guddoomiyaha Kulmiye oo Tacsi u diray Abwaankii caanka ahaa Marxuum Cali Sugule

$
0
0

INNAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda fanka, guud ahaan dadka Af-Soomaaliga ku hadla, gaar ahaana shacabka reer Somaliland geerida ku timi Abwaankii caanka ahaa Marxuum Cali Sugule Cigaal (Dun-carbeed) oo ku geeriyooday magaalada Shaariqa ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) (11/01/2016).

Marxuum Cali Sugule Cigaal (Dun-carbeed) waxa uu xaalad caafimaad u yaallay cusbitaal ku yaalla magaalada Sharjah ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta muddooyinkii u dembeeyey, halkaas oo ugu dembeyntiina ajasha Alleh (SWT) ku heshay.

Mudane Muuse Biixi waxa uu ku tilmaamay Marxuum Cali Sugule Cigaal (Dun-carbeed) inuu Abwaanku ka mid ahaa rukunnadii waa weynaa ee horumarka gaadhsiiyey Fanka Bulshada Soomaalida, kaasoo curiyey ruwaayado iyo sugaan badan, kuwaasoo intooda badani ahaayeen wacyigelin uu kaga qeybqaatay halgannadii kala duwanaa, laga soo bilaabo halgankii xorunimo-doonka, wixii ka horreeyey sannadkii 1960-kii iyo halgannadii kala dembeeyey.

Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, inuu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda fanka, guud ahaan dadka Af-Soomaaliga ku hadla, gaar ahaana shacabka reer Somaliland. Aamiin…. Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

Guddoomiye Cirro oo Tacsi u diray Marxuum Abwaan Cali Sugul (Dun-carbeed)

$
0
0

Hargeysa(Berberanews)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, isagoo ku haddlaya magiciisa, ka shir-Guddoonka golaha Wakiilada Somaliland,ka Xisbiga WADDANI iyo Taageerayaasha Xisbiga WADDANI, waxa uu dhambaal Tacsi ah u dirayaa shacab weynaha reer Somaliland , gaar ahaan Abwaannada, Fannaaniinta , Qoyskii ,Eheladii Qaraabadii,iyo asxaabtii uu ka baxay, isagoo ka tacsiyadeynaya Geeridii naxdinta lahayd ee ku Timi Marxuum Abwaan Cali Sugul (Dun-carbeed) oo ku geeriyooday maanta dalka isu-taga Imaaraadka Carabta taariikhda 11.1.2016 

 Guddoomiyu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey tiir dhexeed ka baxay bahda Fanka Iyo suugaanta,isagoo xusay guddoomiye Cirro inuu Marxuum Cali Sugule ka mid ahaa raggii dhidibada u taagay Fanka Soomaaliyeed, Waxaana uu ka mid ahaa raggii la dagaalamay gumeysigii Ingiriiska. 
 Guddoomiye Cirro waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatul-Fardawza uu ka waraabiyo,Abwaanada, Fanaaniinta, Qoyskii ,Eheladii ,Qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Aaamiin….Aaamiin…Aaamiin IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Saddex-geesoodka Jacaylka

$
0
0

Jacaylku waxa sida shaxda saddex xagalka ah (saddex-geesood). Gees (Angle) kasta waxa uu u taagantahay hal qodob oo muhiim ah – oo ay micnaheedu tahay saddex qodob oo muhiim ah. Waxa ay kala yihiin: masuuliyad dareensanaan, ku xidhnaanshiyo qofeed iyo joogtaynta xidhiidhka sariirta. Qof walba waxa uu dareenkiisa jacayl ee caadifadeed ku cabbiraa hadba geeska uu ka taaganyahay saddexda geesood ee jacaylka. Bal aynu mid mid u soo qaadanno:

12301567_929961880407979_6908741150075571115_n

  1. Masuuliyad dareensanaan

Waxa laga yaabaa in ay Lammaanaha mid ka mid ah ama labadoodu ba ay had iyo goor is weydiiyaan shaqada guriga ka dhex dhacda, wax soosaarka guriga iwm. Tusaale ahaan, gabadha ayaa marka uu ninkeedu guriga yimaaddo waxa ay had iyo goor ka waraysanaysaa shaqadiisii iyo sida ay ahayd, wuxu maanta soo qabtay iwm. Ragga qaar ayaa diiqad ka dareema gabadha iyo suaalaha ay waydiinayso isaga oo leh “Horta shaqo uun mooyaan’e miyaanay wax kale ba aqoon?!” laakiin aqoon yari uu ninku jacaylka kaga sugan yahay awgeed ayaa waxa ay ku kaliftay in uu garan waayo in ay gabadhu dareenkeeda jacayl ku cabbirayso iyada oo dareensan masuuliyad.

Sidaa caskigeeda, ragga qaarkood ay shaqada ka yimaaadaan ee albaabka guriga laga furo, suaalo tiro badan ayay xaafadda weydiiyaan sida “Caruurtii ka warama, biilkii ma idin soo gaadhay, laydhkii mala bixiyay iwm” gabadha ayaa laga yaaba in ay dhahdo “caruurtiisa iyo gurigan ayuun bu dan ka leeyahay balse adiga dan kaama laha!” Laakiin gabadhu wey khaldantay waayo ninku waxa uu jacaylkiisa ku cabbirayaa dareensanaanta u dareensanyahay in ay guriga masuuliyad ka saarantahay.

  1. Ku xidhnaanshiyaha qofeed (gaar ahaan xagga caadifadda)

Mid ka mid ah lammaanaha is qaba ayaa waxa uu saddex geesoodka jacaylka kaga suganyahay tan aynu hadda ku guda jirno (waa geeska labaad’e). Had iyo goor waxa uu is weydiinayaa qofka kale xaalada uu ku sugan yahay, waxa uu ka helayaa in looga warramo, in looga sheekeyo iwm.

  1. Joogtaynta xidhiidhka sariirta

Lammaanaha mid ka mid ah ayaa waxa laga yaabaa in uu jacyalkiisa ku cabbiro sariirta iyo shaqooyinka ka dhex dhaca, amaba in uu mar kasta ka ag dhawaado qofka.

Haddaba, Si uu jacaylkoodu iskula jaan-qaado, maxaa la gudboon lammaanaha is qaba:

Inta badan, qofka oo garan waaya nooca jacayl ee uu ku suganyahay lammaanihiisa ayaa waxa ay sababtaa khilaaf qoys oo ku danbeeya furrin. Sidaa daraadeed, si ay taas uga hor tagaan waxa la gudboon lammaanaha:

  1. In ay lammaanuhu, uu mid walba gaarkiisa u ogaado geeska (tiirka) uu kaga suganyahay saddexdan geesood ee jacaylka.

  1. In ay lammaanuhu uu mid walba kan kale ogaado tiirka uu kan kale kaga suganyahay jacaylka, dabadeedna uu kula dhaqmo/ugu dul qaato nooca jacayl ee lammaanihiisa. (Haddii uu ninka tiirkiisa jacaylku yahay “dareensanaanta masuuliyadda” gabadhiisuna ay tahay “Isku xidhnaanshiyaha qofeed” Yaanu ninku kala xisaabtamin gabadha masuuliyadda guriga, sidaa caksigeeda yaanay gabadhu kala xisaabtamin ninkan in uu ka soo war dooni waayay).

  1. Waa in ay labadoodu ba kala bartaan nooca jacayl ee ay ku kala suganyihiin, dabadeed na uu midba kan kale kula dhaqmo noociisa jacayl. (Haddi uu ninku tiirarka jacaylka kaga suganyahay “xidhiidhka sariirta” waa in ay gabadhu ugu dul qaadata ku soo noqnoqoshada badan ee sariirta oo ay ku raalli galisaa waayo waxa uu ku cabbirayaa jacaylkiisa. Sidaa caksigeeda, haddii ay gabadhu su’aalo badan ka weydiiso shaqadiisa, ha ugu dul qaato waayo waxa ay ku cabbiraysaa dareenkeeda jacayl.)

Ahmed Ali Diriye

Facebook: Ahmed Ali Diriye

E-mail: axmadiya@gmail.com/info@hagahaguurka.com

Website: www.hagahaguurka.com


Anshax-Xumooyin Ugub ah!

$
0
0

Gu’yaashii u dambeeyay nolosha ummadda soomaliyeed guud ahaanba waxa lasoo darsay is bedello waaweyn oo kala dambeeyay, waayahooduna kala gadisnaayeen. Waxa lagu tilmaamaa qaar kamid ah inay ahaayeen amase yihiin kuwo lagu hirto halka in kalana aan la mahadin. Wax khasaare ahi majirto wax wal oo dhacaaba waa gallad Eebe oo faa’iido door ah ayuun bay xanbaarsan yihiin.

GetAttachmentgg

Kasoo bilaw waagii guumeysigu uu yimi qaaradda Afrika oo ay ku yaalaan dhulalka ay soomaalidu dagto idilkoodba, gaar ahaan geeska Afrika. waxa soo kala guumeystey guumeystayaal kala gadisan oo qoloba dhaqan iyo caadooyin u gaar ah ay la guurayaan. waagaa Soomalidu waxay u badnayd reer miyi oo magaalooyinku sidan imika u cammiran yihiin uma camirnayn haddana dadaal adag oo muruq iyo maskaxba leh ayaa lagu bixiyey sidii looga takhalusi lahaa gumeysigaa hadheeyay, ILLAAHAY mahadi ha uga sugnaatee lagu guulaysay in aragoodii la iska fogeeyo laakiin waxa ilaa hadda aan ka suulin ruuxdoodii oo ay innagaga dhex tageen. Intii ka dambaysay waxa bilaabmay is bahaysiyo hor leh oo lagu midaynayo magaca soomaalinimo balse raadadkii ay reer galbeedku innagaga tageen awgood waxa dhacday in aynnu innagii isku uur samaan wayno oo la is dulmo, taasi oo ina dhaxal siisey inuu dab ka aloosmo hadba dhinac oo cid sii babbisa mooyee cid damisa lawaayey. Ummadduna iyadoo
wada soomaali ah haddana majirto cid u diideysa inay wadamo kala duwan yeeshaan bil masal carabi ciidaasay ka badan tahay magacuna waa kulmiyaa haddana inta waddan ee ay ka kooban yihiin lagaaga warami maayo.

Haddaba dagaaladaa soo wajahay waxay saamayn weyn ku yeesheen hab nololeedkii guud ahaanba bulshada oo waxa loo qaxay dhulal shisheeye ha uguba dhawaato Itoobiya, Kiiniya; ilaa Yurub, Mareykan iyo Ustareeliya cagaha lasaarey.

Barakacyadaa kadib waxa soo food saaray ummadda soomaliyeed idil ahaanba is bedel dhaqan oo hor leh, ilbaxnimo iyo jahlinimoba jaad kasta ha noqdeene, balse waxaan qalinka la dul istaagaya maanta ujeedada iyo nuxurka qormadan oo ah inay aad iyo aad bulshada waayadan danbe ugu soo badanyaan dumarka balwada leh

amaba aynu shaaca ka qaadnee (Dumarka cuna Qaadka, caba sigaarka, nuugana badeecada amaba shiishada).

Sidaynu laabta iyo hiyigaba ku hayno hooyadu waa tiirarka u waaweyn ee ay bulshadu ka dhisanto waa meesha kaliya ee illaahey sokadii barbaarta gacanta ku haysa. Haa, cidina ma diidi karto in aabuhu quutal daruuriga u keeno ubadkiisa iyo reerkiisaba, balse akhlaaqdooda, nadaafadooda, kobcintooda iyo korintooda toona wax badan kama oga qaarna maba ogaba, iyadoo ay aad ugu mashquulsanyihiin waayaha shaqooyin iyo hawl maalmeedyo ee ku gadaaman.

Haddaba markaynu u kuurgalno xaaladda ay ku sugan yihiin qoysaska ay hooyadu u beeni-baxday cunista maandooriyahaa iyo sidoo kaleba balwadahaa kale ee cibaarada leh. Waxa aan la dafiri karin inbadan oo kamid ah guryahaasi inay gun iyo baar isku dunsan yihiin, ubadkiina ay baaba’ iyo balanbal ku sugan yihiin oo masaariiftii loogu talagalay in lagu quudiyo caruurta yar yar gurigana lagu dayac tiro waxa loo leexiyey dhinac kale oo aan dhib mooye dheefiba kasoo naaso cadeyn.

Iyana waxaan meesha ka maqnayn halista caafimaad ee ay keeni karto, oo dhaawac weyn u gaysanaysa hooyada iyo haddii ay ilmo qaadaba, sida ay cadeeyeen cilmi baadhisyo caafimaad oo tiro badan, nuugista sigaarka iyo shiishadu waxay saamayn weyn ku yeeshaan ilmaha ku jira uurka hooyada oo ay badiyaaba sababaan inay u keenaan dhimasho amaba naafo halis ku keenta cunugaa iyo mustaqbalkiisaba. Xaaladaha u badan ee dhicisku (waa ilmaha oo soo dhaca iyadoon shinkiisii gaadhin) waxay lasoo darsaan hooyooyinka qabatimay isticmaalka maandooriyayaasha, sidoo kalena waxey hooyooyinkaasi la kulmaan halis dhimasho, xaalada dhalmada oo uu ku dhufto xanuunka loo yaqaano dhiig-karku oo la ogaaday in uu salka ku hayo sababo badan, hawguba badnaato qabatinka maandooriyayaashaasi.

Dhanka kale waxaa nabaad guurta oo meesha ka baxda naxariistii, beer-jileecii, damqashadii iyo kalgacalkii hooyo lagu garan ogaa, oo waxaad arkeysa ilmo yar oo gaajo la il-daran oo hooyadii oo labiska kii u danbeeyay xidhan ay sii dhaafayso.

Naxariis darro dheh! Waa hooyo beerkii, wadnihii iyo maskaxdiiba laga badashay. Alle ha soo hadeeyee.

Taasina waxa ka dhalatay in ilmihii uu ku koro nacayb iyo daryeel la’aan isna aannu hadhaw waxbaba shu,asysan oo nolosha meel khaldan iyo wado xun ka abaaro, layaab ma leh oo kalgacal iyo wax toosiyaba muu helin, amaba uu nolashaba uu naco falalka ay hooyadii ku kacayso awgeed oo uu markasta isku dayo inuu bulshada ka dhuunto kana dheeraado goobaha bulsho isku aragto, oo caaqiibadeedu noqoto inuu ku danbeeyo waali.

Waxbaba may ahaateen hadday intaasuun hawshu ku eegtahaye waxa kaaga daran xishoodkii iyo xayadii sideedaba waa laga xayuubiyey haweenkaa oo rag, dumar, caruur, ciroole iyo cidnaba kay lahadlayso maba kala garanaysid. Waa u qaylo iyo qawdhan uun, waxey dhibco badan ka sitaan xaga shaxaadka oo ay qof walba waydiinayaan waxoogaagii maanta lagu fadhiisan lahaa, iyo qaar kamidoo foolxumo kasta ku dhacaya si ay u helaan waxoogaa yar oo lacag ah.

Waxaasoo dhanba waxa meel iska dhigay anshax-xumooyinka kale ee aan tirade lahayn ee soo wajahay bulshada iyo iyadoo mararka qaar ay kuguba noqoneyso u qaadan waa, af-kala-qaad, amakaag iyo dhabano-hays, oo waa xaajo inagu uguba oo aynaan dhaqan iyo caado toona u lehayn ceebna ka aheyd agteena in la arko dumar tuugsanaya amaba dawarsi usoo tafaxaytey oo kadin walba tuman, laga yaaba inaad arki jirtey lakiin waxey ahaayeen dadka inooga yimaada wadamada jaarka sida itoobiya oo kale.

Waxa iyana aan marnaba maskaxdeyda ka bixin falalka foolxumada leh ee ay qaarkood ku sameeyaan gawaadhida ay siiqaadista(Lift) waydiistaan oo sharaftii iyo maamuuskii ka xayuubisay haweenkii lagu ogaa dhawrsoonida iyo xishoodka aan xadka lahayn ee aan marnaba loo ogoleyn iney lugeeyaan amaba haddii la arko hooyo jidka banaanka ah lugeynaysa aanay marnaba dhici jirin in ay baabuurtu ku dhaafdhaafto halkaas. Se imika ay bac ka qaadeen dadkii iney cid ba u gargaaraan oo ay sababteeda leedahay dhacdooyinka ciida iyo camaarka ka badan ee ay kala kulmeen dumarka qaar oo ah

kuwa caadeysta balwadahaa kala duwan ee aynu kor kusoo xusnay, kuwaasoo qofka ku dirqiya inuu siiyo amaba bixiyo lacag haddii kale ay masiibo meesha ka dhici doonto diidana iney kaba degto baabuurkaa.

Yeelkeedee tani dhacdaye masiirka umadda falalkaasi ay muquuniyeen ee ay waliba xawliga balaadhan ku soconayaan maxaa ay ku danbeyn tolow, Mooji! Se maxaa gundhig u ah oo sababaya iney heer intaa leeg kor ugu kacaan sanadahii udanbeyey?

ALLAA-MAHAD-LEH

Mahad Gaara

Cabdishakuur Axmed Cabdi (Raage)

Asma Cabdi Jaamac

W/Q: Hibo Ciise Maxamed (Basbaaso)

Halqabsiyada Magaalooyinka Iyo Degaannada (Qaybtii 2aad) – Qalinka: Maxamed Baashe X. Xasan.

$
0
0

• Beeni maxay tari Booramaan ka imide!
Muxumed Faarax Jiir runlow aan weligii been sheegin buu ahaa oo reer Boorame ah. 1940-addi xilligii Talyaaniga Itoobiya qabsaday ayaa waxa la qaban jirey oo xabsiga la dhigi jirey ciddii ka tallowda dhinaca Somaliland oo Ingiriisku haystey.

 

Muxumed iyo saaxiibkii ayaa Boorame ka tegey, una tallaabay dhinaca Aw Barre oo Talyaanigu haysto oo u laydhsi tegey. Waa la qabtay. Saaxiibkii baa yidhi Muxumed iminkaba Boorame ha sheegan in aad ka timiday. Waa loo yeedhay, Xaggeed ka timid? Runtii baa lagu sii daayey oo waxa uu yidhi

“Beeni maxay tari Boorama ayaan ka imide”

• Maax Dugsiiyow Dila yaa mari:

Dila waxa ay ka tirsan tahay gobolka Awdal. Nin wadaag ahaa oo reer Dila ahaa ayaa qolo kale oo Dila safarradeedu soo mari jireeni waxyeeleeyn. Godob ayaa gashay qoladaas wadaadka wax u gaysatey. Maax Dugsiiye waxa uu ka mid ahaa cuqaasha Dila. Islaan Cirro-tidic la odhan jirey oo reer Dila ahayd ayaa caaqilkaas ku soo goosatay oo halqabsigan laga dhaxlay, iyada oo godobtaas shaaca ka qaadaysa, una digaysa kuwii wax gaystey: Maax Dugsiiyow Dila yaa mari!

Axmedweli Goth ayaa labadan halqabsi ila soo wadaagey.

 

• Wixii wacan baan wed daynayn ee Wajaale wanaagsanaydaa!
Wajaale waxa ay ahayd magaalo ganacsi oo cammirnaayd. Waxa ay magaalagu burburtay 1964 dagaalkii Xabashida iyo Soomaalida. waxa is taagay dhaqdhaqaaqii ganacsigii xamaamiga. Waxa dhacday busaarad. Halkaas ayuu halqabsigu ku biyo shubayaa. Khadra Kaahin ayaa halqabsigan ila soo wadaagtey.

• Wajaale ama siigo kugu qaadday ama simbiriirixo!

 

Wajaale waxa ay ku taallaa degaan carro madow ah oo marka uu roobku da’o ay adag tahay sida loogu socdaa. Si dhib yar ayaa loogu simbiririxoodaa.

Ciidda ayaa dhoobo noqota oo sibiibix noqota, waxana ku yaraada cufis-jiidadkii ka cagta iyo dhuka u dhexeeyey. Xilligaas roobabku da’ayaan waxa dhoobada ku silitaysa baabuurta oo aan la xakamayn karin shookaantooda..
Dhinaca kale, Wajaale xagaagii waxa ka dhaca dabaylo siigo wata oo xawligoodu aad u korreeyo. Dabayshaas iyo siigada ay kicisaa indhaha ayey dadka ka tuurtaa. Waa khatar haddaanad ka digtoonaannin, oo waxa dhici karta in ay macawista iyo dirica dadka ka fayddo oo aad ku sigato in ay ku qaawiso.

 

 

• Ilaahi Wanlaweyn webiga ku darow Wajaalenena waayirka u goo!

Koox fannaaniin ah ayaa Wajaale riwaayad u qaadday. Riwaayadaha waxa lagu jili jirey marka la soo bandhigayp meelo dusha ka furan. Roob aan kala qaadayn ayay kooxdii la kulmeen. Faysal Cumar Musteeg (AHUN) oo kooxda la sicdey ayaa soo xusuustay berigaas sidii Daadadku u qaadeen Wanlaweyn (Daafeed) oo ka mid ah gobolka Shabeellada Hoose, dabadeedna waxa uu halkaas ka baxshey halqabsigan awaadhka ah ee uu labada magaalo ku mataanaynayo. Labadan halqabsi ee kore waxa aan ka qoray Cali Cumar.

• Jabkaaguba waa Jabuuti tag oo adoon joogsan jeelka ha lagu dhigo!
Xilligii Faransiisku Jabuuti haystey waxa soodinaha Jabuuti ilaalin jirey askar qaqabata dadka doonaya in ay sharci la’aan ku soo galaan. Magaalada gudaheedana waxa ay ka baadhi jireen cid xadka soo jiidhay oo ku dhuumanaysa o oaf Soomaali ku hadlaysa. Qolo la qabtay markii ay magaalada soo galeen ayaa halqabsigan bixisay.
• Ama afgooye aad, ama Afweyne raac, ama afkaaga hayso!
Afgooye waxa ay ku taallaa gobolka Shabeellada Hoose oo uu ku oolli jirey xabsi dadka siyaasadda loo haysto lagu xidhixidhi jirey. Xilligii kelitalisnimada iyo car juuq dhehdu xadhkaha goosatay ayaa halqabsigani soo baxay oo dadka lagu kala doorsansiiyey in ay ama aamusaan oo wixii ay qabaanba qarsadaan, ama taliska raacaan ama ciddii labadaas laga waayaa in ay Afgooye xabsiga ku yaalla joodariga iyo bustaha u sii qaataan.

 

“Shimbirtii Oodweynaay Hodhodho”!

 

 

Waagii jaadku (qaadku) dhulkeenna soo gelayey ee dadka sahiisu qabtaa ama u xaraaradooda cunitaankiisu dhif iyo naadirka ahaayeen ayaa nin jaadka ka ganacsada oo gaadhi wataa galbeed ka yimi oo u soo kicitimay magaalada Oodweyne, si uu qaad uga iibiyo, si uu dadka uga iibiyo. Waxa ay ku beegnayd baa la yidhi 1950-naadkii dabayaaqadoodii. Waagaas dadka belwedaha lihi dhulka way ku yaraayeen, dadkana way ka faquuqnaayeen oo ma aanay la soo dhex gelin jirin caadadoodaas oo way la dhuuman jireen inta badan. Ninka sigaarka qiijiya ama dhuuqaa waxa loo yaannay “af-ku-dable”.
Ninkaas qaadwalaha ahi oo magaciisa la odhan Maxamuud Dhegoole, waxa uu ahaa reer Hargeysa. Maxamed Cali Haybe oo ay isku xaafad ahaayeen, waxa uu ii sheegay in ay Maxamuud wada degganaan jireen xaafadda Oktoober ee Dunbuluq, Hargeysa. Dhowaan ayuu Maxamuud geeriyooday, sida uu ii xaqiijiyey Maxamed Cali Haybe oo ay jiiraan in badan ahaayeen.
Xilligaas uu dhallinyarada ahaa ee qaadka ka ganacsan jirey, markii uu Maxamuud Oodweyne u soo dhowaaday, ayaa baabuurkii ka caddilmay.

Qaadkii ayuu gaadhigii ka soo rogey oo magaaladii

Suuqii magaalada ayuu kolba maqaaxi laga shaaheeyo jawaankii la tegey oo ka naadiyey in uu jaad iib ah hayo. La ye “cidiba kaam bay odhan waydey oo cid u soo heenta oo ka iibsatuu waayey”!

 

Magaalada Oodweyne waxa ku badnaa xilligaas shimbiro codad kala jaad ah ku heesa. La ye “jaadlihii oo dhabanka iyo dhoofka isku haya oo ka walbahaarsan suuq waaga jaadkiisa iyo baarixinnimada ku soo abbaaran, ayaa maqlay shimbiro geed saaran oo ka dul ciyaya. Codadkii shimbiraha ayuu dhegta u raariciyey oo dhex galay”.

 

Magaalada Oodweyne sooyaal ahaan waxa ay ku taal meel doox mareen ah, dhir sare na leh oo qudhac u bandanna leh. Geed magaalada ku yaal ayaa caanka ahaa dhirtaas qudhacda ah. Waxa geedkaas oo hadhaciisa lagu nasan jirey, garta lagu qaadi jirey, laguna hoos shaxi jirey, loo yaqaannay Doqon-ma-waaye. Sohda Shimbiraale ayaa magaalada u dhowayd. Ceelal biyood aanay guntoodu engegin ama qallalin roob-waa’ kasta ayay ku badan dooxaas. Togdheer oo la tibaaxo in waddanka ay ugu biyo badan ayay Oodweyne taas la wadaagtaa oo obocdeeda in biyo badani jiifaan ayaa laga tibaax bixiyaa, taas baa oggolaanaysa in shimbiro badani u soo hiloobaan, kuna noolaadaan gu’ iyo jiilaal dhirtaas hadhaca ah iyo biyaha ceelasha ama dixda Oodweyne.

Waxa haddaba codadkii kala duwanaa ee shimbiraha uu qaad-walihii ka dhex maqlay shimbir uu is moodsiiyey in ay isaga u gol leedahay oo shubaalinaysa, kuna celcelinaysa cod iyo luuq isku sidkan, wata naaxiyadd u eg “Yaa kaa iibsan, yaa kaa iibsan, yaa kaa iibsan”!
La ye “inta uu cadho iyo ciil buuxsamay, muraaradillaacayna oo wixii hore ba shimbirtani ugaga darraatay, ayuu jawaankii jaadka ahaa inta uu xidhxidhay oo degta u ritey oo cidhibta ku dhuftay ku tiraabay halqabsigan taariikhda galay ee nolosha maalin walba loo adeegsado kufaa-kaceeda”!
Dad baa sheekadan si kale uga warramay oo tilmaamay inuu sheekada keenay in hoos hurday qudhaca Doqon-ma-waaye. Shimbiro ay ka mid ahaayeen qoolley, qudunquuto, yaryaro iwm ayaa geedka ka dul washiirinayey oo hurdadii ninkaas kaga ciyaaray. Qoolley ayaa ugu ci’ badnay baa la yidhi. Kolkii uu heesaha shimbarahaas u adkaysan waayey ayaa inta uu kacay ku tiraabay sida la weriyey hal-qabsiga. Sheekada hore ayaa se loo badan yahay. Allaa se og xaqiiqada.

Iyaba waa tan oo kale ee bal ka sitee labadaas dhagax dhexdood iyo halkaas shareeran ee uu ninkaasi murtidaas kala soo baxay?! Wax la ina tus, waxna inoo laaban ee maxaynu maanta murtidaas ka baran karnaa?
Salaadiinteenna iyo qolyahan war-saxaafadeedka iyo haddii aannu “reer hebel” nahay ku dawakhay ee qolo kasta leh, ee baanidda iyo faanka ka dhiganaya qumbula-dariyaha ama nuclear-ka wax gumaada iyo in ay cirka iyo dhulka inoo kala hayaan ee handadaadda iyo dhaarta ku waashay, saw innagu ba kuma shimbiro-waaqlayn karno oo ma odhan karno: “SULDAANOW hodhodho; YAA KAA IIBSAN, YAA KAA IIBSAN, YAA KAA IIBSAN!”

 

Ma shimbirtaas reer Oodweyne ayaynu ka liidannaa?
Qalinkii Maxamed Baashe X Xasan
mohamedbashe@hotmail.com

Maxamed Bk iyo Oday Majaajilo Qosola-Daawo

Maalinta Jacaylka (WQ: Mustafe M. Khayre)

$
0
0

4-ka February waxay meelo badan oo dunida ah ugu suntan tahay Maalinta Jacaylka Adduunka ama “Maalinta Valentine.” Sannad kasta maalintan oo kale malaayiin dad ah oo kala deggan ama wada deggan ayaa isweydaarsada tiro lagu qiyaasay 192 milyan oo ah kaadhadhka ay ku xardhan yihiin “Valentine.” Waxa intaas dheer ubaxyo aan waxba ka tiro yarayn iyo buqshaqo xambaarsan hadiyado si gaar ah loo soo xulay. Boqolkiiba lixdan waxyaabahaas la iswaydaarsanayo waxa la sheegay in la sii iibsado ugu yaraan lix maalmood ka hor inta aanay maalintani soo gelin. Shariikadaha ubaxa iibiya, kuwa gaadiidka, isgaadhsiinta, dalxiiska, kuwa sameeya shakoolaha iyo waxyaabaha macaan ayaa hela faa’iido malaayiin Doollar ah.

Mustafe-M.-Khayre-photo-500x638Lammaaneyaasha is jecel ayaa soo bandhiga qaabab kala duwan oo ay ku muujinayaan heerka uu gaadhsiisan yahay kalgacalkoodu. Qaarkood waxay quusaan badaha waaweyn hoostooda oo ay isku dhunkadaan. Qaar kale waxay jeclaystaan in iyaga oo hawada sare duulaya ay jacaylkooda u dabaaldegaan. Qaarna waxabay isku dhunkadaan meelo fagaare ah oo kumannaan qof isugu yimaadaan.

Waa su’aale maalintani xaggee ayay ka timid?

Maaha maalin ay Qaramada Midoobay astaysay in la xuso sida Maalinta AIDS-ka ama Maalinta Haweenka. Mana aha maalin ku salaysan xus diineed, mid dhaqan iyo dhacdo waddaniyadeed. Ma jirto cid haysa taariikhdeeda dhabta ah. Waxase jira sheekooyin aan tixraac lahayn oo jiilba jiil ka soo dhaxlayey oo la mid ah sheekooyinka Soomaalida ee Cigaal Shiidaad iyo Araweelo, kuwaas oo ka warramaya maalintani sidii ay ku timid iyo cidda uu ahaa Valentine. Sheekadan soo socota ayaa ugu caansan dadka badankiisuna ay aaminsan yihiin in ay tahay ta dhabta ah:

Valentine wuxu ahaa baaderi magaalada Rooma dadka isugu meherin jiray qarnigii saddexaad. Wakhtigaas oo dagaalo ba’ani socdeen waxa Rooma u talinayey boqor arxan daran oo la odhan jiray Claduis II. Wuxu boqorku dareemay in raggii xaasaska lahaa ay aad uga cago-jiidayaan in ay ka qayb-galaan dagaalka oo ay ka jeclaysanayaan in ay xaasaskooda iskala joogaan. Sidoo kale wuxu Boqor Claduis is tusay in askarta aan xaasaska lahayn ay ka karti iyo firfircooni badan yihiin kuwa xaasaska leh. Sidaas daraadeed wuxu soo saaray go’aan mamnuucaya in la is guursado ilaa inta xaaladda adag ee dagaalka laga baxayo si loo bedbaadiyo dhulka iyo dadka Boqortooyada Rooma.

Valentine ayaa sida la weriyey go’aankaasi u cuntami waayey oo u arkay mid caddaalad-darro ah isla markaana ka soo hor jeeda dabeecadda asalka ah ee aadamaha. Sidaas awgeed dheg uma uu dhigin amarkii Boqorka ee hawshiisii ayuu si qarsoodi ah u sii watay isaga oo dadka isugu meherin jiray qol madow oo shamac yari ka iftiimayo oo ay joogaan labada is guursanaya oo kali ah. Markii uu Boqorkii maqlay in uu Valentine weli sii wado isku-meherintii dadka wuu gadooday waxanu amar ku bixiyey in la xidho kadibna loo dhammeeyo.

Valentine oo ahaa nin kalgacal badan ayaa intii uu jeelka ku jiray jeclaaday gabadh uu dhalay boqorkii isaga xabsiga dhigay oo intii uu xidhnaa dhawr jeer xabsiga ku soo booqatay. Waxa la sheegay in maalintii Valentine qudha laga jarayey oo ahayd 14-kii February 269 A.D. uu gabadhaas u soo diray warqad uu ugu muujinayey ilaa xadka uu gaadhsiisan yahay jacaylka uu u qabaa. Waxanu warqaddaas ku soo gabagabeeyey “Waa gacaliyehaagii Valentine oo ku leh nabadgelyo!”

Warqaddaasi waxay ahayd tii bilawday malaayiinta waraaqaha ah ee maalintan la isku diro. Dadkii Roomaaniyiinta ahaa oo ka xumaaday dilka baaderiguna waxay maalintan u aqoonsadeen in ay noqoto Maalinta Jacaylka Adduunka.

Innaga dhinaceena Cilmi Boodhari ayaa lagu tilmaamaa in uu ahaa qofkii ugu horreeyey uguna dambeeyey ee jacayl u god-galay. Haddii ay jirto cid garanaysa maalintii uu geeriyooday malaha way ku fiicnayd in loo aqoosnado Maalinta Jacaylka Soomaalida.

Maqaalkan waxan Wargeyska Jamhuuriya ku daabacay toban sanno ka hor maanta oo kale. Markii aan dib u akhriyey waxan jeclaystay in aan mar kale idinla wadaago.

Mustafe M. Khayre

mustafekhaire@gmail.com

Qoraa Maxed Baashe Xasan Oo Si Cilmiyasan Uga Hadalay Inaan Berbera Laba Dekedood Wada Qaadi Karin

$
0
0

Dekedaha, gegooyinka diyaaradaha, garoomada kubbadda iwm. waa hanti qaran oo uummada ka dhexeeya, reero iyo kooxahana aanay sinaba u sheegan karin, haddii ay sheegtaana in laga yeelo ma aha.

Haddii dekedo iyo gegooyin la samaynayo waxa ka talisa oo qorshaysa dawlad, iyada oo ku salaynaysa baahida loo qabo iyo awoodda loogu babac dhigi karo ee farsamo iyo dhaqaaleed.

Maanta gobolka Saaxil ma qaadi karo laba dekedood ama laba gegood oo uma hayno farsamo, dhaqaale iyo awood midna. Baylahda kale ayaa ka badan.

Berbera iyo Ceel-garde waxa ay isu jiraan 25km – 30km. Waxa loo baahnaa in laga fekero waddo wanaagsan oo isku xidha iyo goobo waxbarasho iyo caafimaad iwm. oo laga sameeyo Ceel-gardaha la leeyahay deked ayaa laga dhisayaa, saw ma aha?

“Waa maan gurracan iyo garasho jaan” ayay aniga ila tahay. Qoraa

Bal adba!

Qoraagu Waxa u Sidan Ku Baahiyay Bart uu ku lee yahay Page  Uu ku lee yahay Face Book

https://www.facebook.com/mohamedbashe.hassan?fref=ts

Viewing all 1191 articles
Browse latest View live