

KHAYRKA ALLE U DOONTA SHARKANA ISAGA KA MAGAN GALA DADNA HA KU LUG GO’INA
Waxaa la moodaa in markii dadku culumo iyo caamaba ay ka hadlayaan arrimaha adduunka ay u hadlaan sidii ay iyagu amarka tasarufka adduunka wax ku lee yihiin. Qof ama koox ama qabiil ama dawlad ayaa dejinaysa qorsheeda wax qabadka aanay Alle la kaashanayn. Waxaan uga jeedaa aanay Alle la kaashanayn waxay qorshaha meel marintiisa ka dhigayaan in uu yahay mid iyaga keliya gacanta ugu jira oo ay iyagu meel marin karaan. Waxaana suurto gal ah in uu yahay qorshe Alle laftiisa lagula dagaalamayo sida qorshayaal badan oo shisheeyey gaalo ahi ku fushada dawladaha dalka soo maray.
Waxaa ka mid ah Federaalnimada, maamul goboleedyada wejiga dawliga ah leh, dagaalada iska socda ee aan xal nabadeed lahayn oo aan diinta Islaamka meel uga soo aroorin. Meel marinta go’aamadaas diinta ka fog Alle ayaa looga doonayaa in uu dadka wata u fuliyo taasina sida ay meel marin Alle ayaa garan kara.
Wuxuu Alle noogu sheegay aayadda 47 ee Ar-Ruum
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مِنْ قَبْلِكَ رُسُلًا إِلَى قَوْمِهِمْ فَجَاءُوهُمْ بِالْبَيِّنَاتِ فَانْتَقَمْنَا مِنَ الَّذِينَ أَجْرَمُوا وَكَانَ حَقًّا عَلَيْنَا نَصْرُ الْمُؤْمِنِينَ(الروم 47).
Runtii waxaanu ummadihii hore u soo wada dirnay rusul iyaga ka mid ah markaas ayay tuseen caddaymo sugan oo lagu shaki bixi karo, markaas ayay u kala baxeen kuwa qaata iyo kuwa diida markaas ayaanu cadaabnay kuwii diiday ee dembiyada galay wayna naga go’an tahay hiilada mu’miniintu.
Dulucda dhow ee aayaddu waa in uusan Alle sinnaba ku guulaynayn kuwa xaqa ka soo hor jeeda ee aan ku dhaqmin waana ka go’an tahay in uu u hiiliyo oo uu guusha siinayo mu’miniinta. Waxaan halkaas ka garan karnaa in haddii ay ummaddu tahay mid xaq ku dirir ah doonaya in ay diinta Alle kor ahaato waxa ciidamo, hub iyo dhaqaale uu shisheeyuhu haysto dhinaca dhulka uma dhigi karaan dad mu’miniiin ah.
Wuxuu kale oo Alle aayadda 56 Ad-Daariyaat
وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنْسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ(الداريات56).
Waxaan jinka iyo dadka u abuurtay in ay caabudaan oo keliya,
Si Alle loo caabudo waxaa loo baahan yahay in qofku helo cimri uu jirayo si uu Alle u caabudo. Markaas ayuu Alle noo sheegay in uu noo sameeyey labo cimri mid qofku cibaadadu uga eg tahay iyo mid uunka dhan ay cibaadadu ku eg tahay oo ah midka qiyaame.
Wuxuu si cad Alle noogu sheegayaa aayaddan 10 Al-Mujaadilah
إِنَّمَا النَّجْوَى مِنَ الشَّيْطَانِ لِيَحْزُنَ الَّذِينَ ءَامَنُوا وَلَيْسَ بِضَارِّهِمْ شَيْئًا إِلَّا بِإِذْنِ اللَّهِ وَعَلَى اللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ الْمُؤْمِنُونَ(المجادلة 10).
Waa hadal ama qorshe ay degeen kuwa shaydaanka ah si ay u dhibaateeyaan dadka mu’miniinta ah wax ay yeeli karaanna ma jirto Alle la’aantiis sidaas darteed dadka mu’miniinta ahi Alle ha talo saarteen hana ku kalsoonaadeen.
Haddii aad dib u milicsataan dadkii Soomaaliyeed ee isku sheegayey siyaasiyiinta una kala sharraxnaa maskabyada kala duwan, waxay ku hadaaqayeen eryo ay ka mid ahaayeen waxaan ballan qaadaynaa sidaas iyo sidaas iyaga oo aan marna ballan qaadkooda ku xidhayn Alle oo lahayn INSHA ALLAAH. Waxaa kuwaas ka muuqata in ay rumaysan yihiin in wixii ay doonayaan ay iyaga gacanta ugu jirto ayna meel marsanayaan, iyaga oo ku tuntay oo waxba kama jiraan ka dhigay aayadihii Alle ee cad caddaa oo ay ka mid tahay aayadda 23-24 Alkahaf.
وَلَا تَقُولَنَّ لِشَيْءٍ إِنِّي فَاعِلٌ ذَلِكَ غَدًا(23)إِلَّا أَنْ يَشَاءَ اللَّهُ وَاذْكُرْ رَبَّكَ إِذَا نَسِيتَ وَقُلْ عَسَى أَنْ يَهْدِيَنِ رَبِّي لِأَقْرَبَ مِنْ هَذَا رَشَدًا(الكهف 24).
Ha dhihina berri ayaan waxaas samaynayaa idinka oo aan dhihin haddii Alle idmo.
Bal abuurka oo dhan ka soo hela wax amarka aadamiga ku socda ma jirto wax waliba waxay ku socdaan amarka Alle, marka sidee ruux aadami ahi u dooni karaa in isaga amarkiisa lagu socdo.
Wuxuu kale oo Alle si cad noogu sheegayaa aayaddan 36 Al-Axzaab in:
وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ وَلَا مُؤْمِنَةٍ إِذَا قَضَى اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَمْرًا أَنْ يَكُونَ لَهُمُ الْخِيَرَةُ مِنْ أَمْرِهِمْ وَمَنْ يَعْصِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ ضَلَّ ضَلَالًا مُبِينًا(الأحزاب 36).
Haddii Alle iyo rasuulkiisu ay amar bixiyaan in ay iyagu sidii ay doonaan ka yeelaan oo haddii ay la noqotana fuliyaan haddii la noqotana diidaan fulintiisa iyaguna qayaar uma laha amarkooda, haddaba ruuxii amar diiddo ku sameeya Alle iyo rasuulkiisa, si cad ayuu u lunsan yahay.
Ma caamada keliya ayaa diiddan ku dhaqanka ama qaadashada amarada Alle iyo rasuulkiisa? Waa maya waxaa diiddan culumadii waxaan u arkaa haddii ay culumadu xaqa sida uu yahay ugu dhaqmi lahaayeen dadka kale ma baadiyoobeen.
Marka culumada maanta jirtaa ee Soomaaliyeed ma aha kuwii dhaxlay ambiyadii. Waad og tihiin in rasuulku scw u sheegay in culumadu hayaan dhaxalkii ambiyada, taas oo loola jeedo in ay dadka faraan ku wanaagga, xumahana ka reebaan.
Waxaadna mooddaa iyada oo ay culumada ka tahay aqoon yari in ay dadkii si qaldan wax ugu sheegayaan.
Matal:
Shiikh ayaa dadka ku boorriyey in ubadka si wanaagsan oo waafaqsan diinta iyo manhajka Alle lagu barbaariyo, khayr badan Alle ha siiyo shiikhaas, hase yeeshee waxaa la moodaa in uusan shiikhaasi ogayn in uusan ruuxna wax awood ah u lahayn in uu isagu ubadkiisa siiyo barbaarin wanaagsan oo waafaqsan diinta Islaamka, in uu isagu marka hore yahay mid ku socda manhajka Alle mooyee oo markaasna uu Alle toosinayo mooyee uusan isagu toosin karin.
Shiikh kale wuxuu si cad dadka ugu bal ballaadhiyey xumaanta qabiilka iyo qabyaaladda wuxuuna ku booriyey in ay iska qabtaan midka xun ee dhibaatada ka dhex wada. Waa runtii shiikhu khayr badan Alle ha siiyo laakiin waxaa muuqata in uusan ruux isaga laftiisu shaydaan u faruur xidhani uusan cid toosin karin. Alle ayaana u xaq leh in uu qofkii uu doono toosiyo kii uu doonana baadiyeeyo ee annaga aynu taanna ka soo baxno oo ah in aynu jidkii Alle ee toosna qabsanno sidaas ayuu noo abuurtay eh.
Waxay ummadda Soomaaliyeed wiil iyo waalid rag iyo dumar maanta u wada taagan yihiin in ay helaan nabad iyo dawladnimo iyo nolol. Loomana abuuran ee waxaa Alle u bauurtay in ay isaga caabudaan, taas oo loola jeedo in ay isaga amarkiisa ku socdaan oo wixii uu ka reebayna dhaafaan wixii uu farayna fuliyaan.
Suuradda Huud aayadda 52 wuxuu Alle si cad noogu soo sheegayaa:
وَيَا قَوْمِ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ ثُمَّ تُوبُوا إِلَيْهِ يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُمْ مِدْرَارًا وَيَزِدْكُمْ قُوَّةً إِلَى قُوَّتِكُمْ وَلَا تَتَوَلَّوْا مُجْرِمِينَ(هود 52).
Nebi Huud ayaa leh dadkaygiiyaw Alle dembi dhaaf weydiista, ka dibna inta aad xumaha dhaaftaan isaga u soo laabta oo si buuxda ugu dhaqma manhajkiisa, wuxuu cirka idiinka soo da’siinayaa roob xoog weyn oo khayr badan idiin leh, awooddiinana wuxuu idiinku kordhinayaa awood kale hana daba gelina dembiilayaasha ama madax ha ka dhiganina.
Sida aad wada og tihiin maanta Soomaaliya iyo caalamul Islaam oo dhan waxaa ka taliya dadka dad ugu khayrka daran, sidaas ayaynuna raalli ku wada nahay. Waxaad arkaysaan qabiil shiikhoodii iyo shariifkoodii leh dawladda waxba nalagama siinin waa nala qadiyey sidaas darteed ma ogolin. Waxaan halkaas ka fahmay in qabiil ku sheegaasi uu haddii wiil iyaga sheeganayaa laga dhigo wasiir uu qabiilkaasi shiikhooda iyo caamadooduba isku si ugu taageerayaan dawladda si kasta oo u gabood falayso.
Ma dadka noocaas ah ayaa xumaan iyo cadaab iyagu is badeen ka cabanaya. Somaliland, Puntland iyo Jubbaland waxay dhammaan ku goodinaysaa in ay goosaayaan, waxayna danta qabiilka ku dhisan la hoos gelayaan gaalo, waxaan lee idin lee yahay ha ka daahina magan gelidda gaalada bal in ay Alle wax idiinka gooyaan. Gaaladaasi waxay shuraka’ u yihiin kuwa isu dhiibay ee ay la tahay in wax Alle mooyee cid kale gacantiisa ku jirin ayay idin siinayaan. Kuwaasi waxay u eg yihiin in ay gaalada u magan galeen sidii ay Alle agtiisa wax ugu qaban karaan ay ka waayeen walaalahooda islaamka ah.
GUNAANAD.
Culumadu dadka si cilmiyeysan wax ha ugu sheegeen. Haddii aad rabtaan in dadku xaqa qaato kuna dhaqmo ayna noqodaan kuwo xumaanta reeba wanaagana is fara waa in hadal ka hor la helo ficil waafaqsan diinta Islaamka, ka dibna dadka afka looga sheego waxa xaqa ah.
Culumadu dadka ha dareen siiso in khayr oo dhammi Alle gacanta ugu jiro ninkii ka goostaana uu siinayo, qofkuna awood lahayn uu wax toosiyo ama wax ku hagaajiyo ee uu u abuuran yahay oo keliya in uu Alle caabudo ee xilkiisa ha guto Allena ha u dhaafo wixii kale.
Alle isaga ayaa noo ballan qaaday in haddii aynu xilka uu ina saaray ka soo baxno uu na siinayo wax kasta oo khayr ah if iyo aakhirba.
Bal dadku ha soo helo wax adduunka oo dhan isaga amarkooda ku socda. Qofkii doonaya in uu ubadku u hagaago, qabiilkii doonaya in uu tanaado, ummaddii doonaysa in dhibaato is daayaan oo nabad iyo nolol helaan Alle ha u doontaan.
OMER SULEIMAN ALI 25/12/12
Jaaliyadda Somaliland ee magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga, waxay hambalyo iyo bogaadin ay ku la dhantahay taageero u dirayaan. maayarka cusub ee golaha deegaanka Hargeysa doorteen 23rd Dec, 2012 Eng. Yuusuf Warsame Siciid iyo badhasaabka gobolka Maroodijeex ee Mudane Axmed X. Cabdillaahi (Xamarji).
Waxannu ilaahay uga baryaynaa labadan masuul ee duqa caasimadda dalka iyo guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ilaahay inuu u fududeeyo waajibaadka iyo masuuliyadda qaranka ee la saaray.
Hambalyo! Hambalyo! Hambalyo!
10. Mustafa Noor Ahmed
11. Roda kamadare
12. Aamina Haji Mahamoud (qoorgaab)
13. Jamiila Haji Mahamood (qoorgaab)
14. Hodan Abdi Rahman
15. Roda kamadare
16. Aamina Haji Mahamoud (qoorgaab)
17. Jamiila Haji Mahamood (qoorgaab)
18. Hodan Abdi Rahman
26th Dec, 2012
By: Cabdirashiid Cali Sheekh, Jamhuuriya Copy Editor, Hargeysa, Somaliland.
Guud ahaan caalamku waxa uu ka siman yahay in dhammaadka sannad kasta la soo bandhigo shaqsiyaad si gaar ah loogu maamuuso waxqabadyada danta guud ugu waaweyn ee ay dalalkooda iyo dadkooda ku soo kordhiyeen sannadka 2012.
Haddaba, Jamhuuriyadda Somaliland oo dalalka adduunka la wadaagta qiimaynta shaqsiyaadka waxtarka muuqda ku soo kordhiyey waddamadooda, waxa aan cidna dafiri Karin in muwaaddin Rashiid Sulub Caalin mutaystay shaqsiyadda Somaliland ee sannadka 2012-ka sababahan dartood:
Asbaabaha muwaaddin Rashiid Sulub ku mutaystay inuu noqdo shaqsiga ugu mudan sannadkan sii galbanaya ee Somaliland waxa xuddun u ah abuurista iyo hirgelinta barnaamijkii ugu ballaadhnaa dalka ee arrimaha danta danta guud oo lagu qiimaynayo 100 qof oo dadkooda iyo dalkooda wax weyn ku soo kordhiyey 21-kii sannadkood ee Jamhuuriyadda Somaliland xorriyadda haysatay, kuwaas oo munaasibad heer qaran ah lagu abaalmarin doono horraanta sannadka cusub ee 2013.
Sidoo kale, muwaaddin Rashiid Sulub Caalin waxa uu sidiiba hore ugu caan-baxay ka shaqaynta arrimaha danta guud ee bulshada Somaliland, isagoo maalkiisa iyo waqtigiisa qaaliga ah u hura sidii uu wax ugu qaban lahaa dadka tabaalaysan, waxaannu si joogto ah u caawiyaa meelaha dhibaatooyinka ugu badan jiraan ee aanay dadweynaha badankoodu dareensanayn, gaar ahaan maxaabiista ku jira xabsiga dhexe ee Hargeysa, Cusbitaalka Qaaxada iyo Cusbitaalka Dhimirka ee caasimadda iyo weliba inuu sannad kasta bisha barakaysan ee Ramadaan maalin kasta afarta kontorool ee Hargeysa afur ugu diyaariyo ilaa 200 qof.
Haseyeeshee, hawlahaas samafalka ee Ilaahay ku ilhaamiyey oo uu naftiisa uun ku raalligeliyo, balse aannu magac iyo manfac midna ka doonayn, waxa uu sannadkan ku sii daray abuurista barnaamij qaran aad iyo aad u baaxad weyn oo loogu magac-daray ‘Qiimee Qofkaaga Qiimaha Leh si aad Qiimo u Yeelato,’ k aas oo uu hirgelintiisa gelisay juhdi xooggan iyo hanti gaadhaysa boqollaal kun oo dollar oo aanay jirin cid ka caawisay, isagoo ujeeddada ugu weyn ee uu ka leeyahay tahay inuu dalkiisa iyo dadkiisa uga tago dhaxal-reeb jiilba jiilka kale ka sii dhaxlo oo lagu qiimaynayo, laguna abaalmarinyo qof kastoo wax muuqda ka qabtay danta caamka ah ee la wada leeyahay, si ummaddu ugu tartanto wanaaga iyo horumarka.
Barnaamijka Qiimee Qofkaaga oo uu maalgelintiisa iyo hirgelintiisaba ku keliyeystay muwaaddin Rashiid, isla markaana ah kii ugu horreeyey noociisa ee dalka laga fuliyo oo ay codbixin guud dadweynaha reer Somaliland ku soo dooranayaan 100-ka shaqsi ee ay u arkaan inay yihiin qaar dalkooda iyo dadkoodaba wax weyn ku soo kordhiyey 21-kii sannadkood ee la soo dhaafay, kaas oo haatan maraya gebagebo, iyadoo sida qorshaha barnaamijku yahay guulaystayaasha doorashadaas oo ay in ka badan 10 kun qof si xor ah codkooda uga dhiibteen lagu abaalmarin doono munaasibad heer qaran ah oo badhtamaha bisha February ee sannadka 2013-ka loogu qabanayo caasimadda Hargeysa.
Barnaamijkan oo ah mid aad u culus oo ay adagtay in qof keliya amma kooxo u babac-dhigaan hirgelintiisa, ayaa muwaaddin Rashiid Sulub kelidii u birdhigay, iyadoo xataa uu qiimayntan ku mutaysan lahaa tamartii la yaabka lahayd iyo dhaqaale xad-dhaafa jeebkiisa ah oo u adeegsaday sidii uu bulshada reer Somaliland uga dhaadhiciyey qiimaha iyo muhiimadda barnaamijkani xambaarsan yahay, isagoo hawshaas aadka u weyn u isticmaalay dhammaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalka.
Sidaa darteed, marka la qiimeeyo dhammaan dhacdooyinka dhinaca arrimaha danta guud ee Somaliland ka hirgalay sannadkan 2012-ka ma jirto, mana muuqato tallaabo ka muhiimsan amma ka miisaan weyn oo hal muwaaddin kelidii sida Rashiid Sulub Caalin juhdi iyo dedaal aan damac kale wehelin oo intaas le’eg geliyey hirgelinta barnaamij dhaxalgal ah oo weligii ku suntanaan doonaan taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland oo sannad kasta lagu abaalmarinayo xubno loo aqoonsan doono shaqsiyaad qaran oo ku dayasho mudan.
Si kastaba ha ahaatee, muwaaddin Rashiid Sulub oo marar badan caddeeyey in aannu haba yaraatee dan shaqsi iyo mid dhaqaale toona ka doonayn hirgelinta barnaamijka uu dalkiisa iyo dadkiisa wanaagga ugu daah-furay, sidoo kalena isaga iyo hawlwadeennada tirada badan ee kala shaqeeya hawshaas aadka u ballaadhan aanay ka mid ahayn 100-ka qof ee dadweynuhu codkooda ku soo dooranayaan ma jirto cid ka mudan amma kaga masuugi karta in loo aqoonsado shaqsiyadda Somaliland ee sannadka sii dhammaanaya.
Geesta kale, anigoo ah qoraaga maqaalkan waxaan akhristayaasha u caddaynayaa in aannu Rashiid Sulub Caalin waxba ka ogayn, igana dalban qorista maqaalkan, balse ay ka suxufi ahaan iila muuqatay in aan qormadan kooban qallinkayga ku dhiirrigeliyo muwaaddinkaas oo aan aaminsanahay in aannu jirin shaqsi kale oo ka mudan amma uga dedaal badnaa arrimaha danta guud ee Somaliland oo hawl baaxaddaas le’eg qabtay sannadka 2012
Ninkan soo halaanhalay ee hantida Berbera hunguri ka hayoow, hal yar oo tusaalo ah an kuu yara horeysiiyo: Hantida magaalada Berbera waxa kaa xiga holac iyo dab naareed, halaag iyo wad baa ka sokeeya, seben horeyna nin reer Saaxil ahaa oo la odhan jirey Allah ha u naxariiste Cali Jaamac Habeel ayaa gabay ka tiriyey, oo wuxu yidhi:
Maantaan dhashee Maydaloow lay mashxaradaayey
Haweenkuna waxay moodayeen maahir soo kacaye
Magacay be’ marinkii wax furay dar anan moodayne
Marsadaa Berbera maalintuu Malagu soo jeexay
Midigtii Subeer buu ku dhacay malabki doocaane
Mataan adan lahayn lama qotoo rag isku maandhaafye
Kolka maaxdu kuu baylahdaa maalin la cabbaaye
Ogoobey maddada kii jabshaa midigta kaa yaalle
Waxaad mooya qooqaaratiyo malabe waa beene
Waxad mooddey mawdbaa sokada kaaga soo maraye
Gaalada Miskoo?
Awal aan la marin Saaxil oon meesha laga waayin
Nin madoobi xeebtii hadduu maro ka soo qaato
Abtirsiimaday muran gashiyo manidi Haabiile.
HAMBALYO DHALASHO FARAXAD
Ahmed Mohamed Mohamoud (Ahmediino) iyo Guleed Mohamed Da’uud (Guleed Jamiilo)iyo Mohamed Farah Hashi iyo xaaskiisa,iyo Hamse Abokor Mohamoud,iyo Mohamed Adab Dubad iyo Boqor Tuulo Ahmed Yasiin,iyo Hamse Ibrahim, iyo Saciid Yasiin Diiriye,iyo Hussein Raage Jaamac,iyo Cumar Mohamoud Noor, Yasiin Carab Cabdi Mataan, iyo Shucayb Macalin Qasim Mohumed,iyo Mukhtaar Abdullahi Ali, Mohamed Jaamac Liibaan, Ahmed Abdullahi Da’ud (Cabdoo)iyo Cawil Cartan Wersame, Mohamed Hassan Shinber iyo Jimcaale Adan Sahal,
Dhamaan dadkaasi waxay hanbalyo Dhalasho Farxad leh u dirayaan
AHMED ABDI MOHAMED
&
MUNA ISMAIL MOHAMOUD
Oo wiil ugu dhashay Taariikhdu markay ahayd 01/01/2013 Gobolka Minoseta ee Cariga markaykanka waxaan leeyihjin noqo kii dalkiisa iyo diintiisa anfaca Amiiin amiiin
Sida lawada ogyahey Waxa uu Dhawaan Wasiirka Wasaarada Maaliyadu dhawaan hor keenay Golaha Wakiilada ee uu kamid ahaan jirey Hogaankiisa Miisaaniyadii 2013ka arintan oo Bulshada inteeda badani ka dhursugayeen jidka uu Goluhu u maro ansixinteeda, iyadoo la filayay sida qaalibka ah in ay Goluhu falanqeyn doonaan dood adag waajihi doonaan islamarkaana, ay ku sameyn doonaan Kaabis iyo wax ka badelka lala kaashanayo Gudida Dhaqaalaha, haseyeeshee sidaa Bulshadu fileysay waxba umay dhicin ee waxaa lagu war helay in Goluhu Duuduub u ansixiyay arintan oo Guud ahaanba Bulshada Reer Somaliland yaab iyo afkala qaad ku noqotey.
Hadaba waxa iyaduna soo baxeysay tan iyo intii Miisaaniyadaa la ansixiyay in Wasiirka Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Samaale kaambeyn adag kasii galey ka hor intaanu Golaha hor keenin Miisaaniyada kana Mustafeeyay inta ugu badan ee Xildhibaanada Golaha isagoo la kaashanaya Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Ciro oo fahamkoodu ku xidhan yahey mudadii ay Xilka Shirgudoonka wada joogeen, waxa nin laga hayay Walee nin ay ku hadhey ayay howli u taalaaye waxa cad in aanu isagoo Afartan bixinin Wasiirka Maaliyada Ansixintii Miisaaniyada waxa uu markiiba isku qaadey Kordhinta Cashuuraha Qaadka, taas oo Xiligan ku noqotey Maskii Qoratada afka ku qaatey ee haduu tufana indha beelayay haduu liqana ku dhimanayay waa laba kala dooro, taas oo inta laga waraqabana ay talaabadan culus u hoos raaceen raga ay Xukuumada kawada tirsan yihiin ee Dagaalka Qabow ee halista ahi u dhexeeyo kuwaas, oo uu la haysto dhegta Odeyga iyo Takale oo iyaguna Geed dheer iyo mid gaabanba u fuushan sidii ay uga furfuri lahaayeen,hadeynu dhinac kale ka eegno wey fiicnaan laheyd in La Kordhiyo Cashuuruhu laakiin waxey belo ka joogtaa mala wargaliyay Ganacsatada Jaadlayaasha aheyd in lagu kordhiyay tacriifadii Cashuurta aheyd mise lama ogeysiin waxyaabaha faashilka Wasaarada ah ee Wasiirku ku ceebaysan yahey waxa kamid ah waxa mar kaliya Kordhintan Cashuurta wada ogaadey jaadlihii oo aanay Masuuliyiintu inta badan kaxeynin iyo Maamulkii iyo Howlwadeenadii Wasaarada Maaliyada Kastamka taas oo ay Codasadeen jaadluhu in caawa Sidii hore loogu cashuuro habeen dambena ay waragalinta iyo kutagalkeediiba yeeshaan balse, taasina waxa lagaga dhigey qaflad iyo mid ka cadheysiisaa kadib markii lagaga gubey Kastmaka Cashuuraha Qaadka Kalabeydh lix Baabuur oo qaad sida oo afar kamid ah ay laheyd Shirkada Dakhliga ugu badani kasoo Galo Dowlada Cashuuraha Qaadka ee 571 ee uu leeyahey Xaaji Maxamed Tarabi oo loo yaqaan (Ina-Afdiinle) ficilkaas oo ay ka muuqato fashilaada Aqoonta qabashada Cashuuraha iyo Dhaqaalaha ee ka Weyn heerka Wasiirku ka taagan yahey Wasaarada Maaliyada iyadoo ay aheyd in uu adeegsado khabiiradii Kastamka aqoonta iyo Waaya-aragnimada fog u lahaa ee tuulka-Wasaarada loo yaqaan Balse uu ka doorbidey inamo yaryar oo aan Waayo arag aheyn Sikastaba aha haatee waxa iyana Qalad labaad ah in Tacriifadii uu soo saarey aaney aheyn mid uu ka bixiyay Ogeysiis Kastamada ah iyo tashigii Wasiirkii ka horeeyay Sida ka dhacdey Kastamka Baligubadle oo Masuulkii kastamka Joogey Ku Cashuurey Qaadkii tii hore ee uu haystey isagoo Diidey amarkii Telefoonka ahaa oo uu ku kalsoonaan waayay balse lagu taxaabay Waxa hadaba Xusid mudan jidkee ayuu u marey Wasiirkii ka horeeyay ee isla Xukuumadan talada haysaa Eng Maxamed Xaashi Cilmi markii uu kordhinayay Tacriifada ,waxeynu ognahey in uu isugu yeedhay Ganacsatada Jaadka oo dhan wadatashi iyo Is qancin dabadeed waxa la isla qaatey in la ogolaado Kordhintii Cashuurta Qaadka ee Wasaarada Maaliyadu wakhtigaa jideysay iyadoo, aanay dhicin wax muran ah iyo Fowdada hada taagan midna talaabadaas oo la odhan karo Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu diirada ku saarey arimo badan oo ay kamid yihiin in Wadaniga Cashuurta soo galinya dalka doorkiisa la siiyo, in lala tashado in lagu wargaliyo Cashuur kordhinta iyo ujeedooyinka loogu baahan yahey, in uu la tashado waxna ka weydiiyo Khubarada Wasaarada Maaliyada ee aqoonta u leh xeerarka Cashuuraha kordhinta Tacriiifada iyo waliba miisaanka dakhli kordhinta ee Waayaha iyo Duruufaha kala duwan ee ay sida ugu fudud isula waafaqayaan Wasaarada iyo Ganacsatada ka mushtara Qaadku.
Guntii iyo Gagabagabadii waxey tani kamid athey arimo caado u noqdey Xukuumada maanta jirtya oo talaabada ay qaadaba dhex galeysa Beer Miino ah oo aan jid looga baxaa jirin iyadoo dad badani ay leeyihiin ilaahow yaa haragiisii neefka inagaga celiya, Waxaan kaga baxayaa in Wasaarada Maaliyada Barnaamijkeeda xiligan ay ku dhex Muuseysan yihiin Arimo oo ay kamid yihiin dagaal Xukuumada dhexdeeda ah waxaana aan isweydiin laheyn in (Cold-War) ugu weyni haynta dhagaha libaaxa ee hadey sidan kusii socoto waxa khalkhal gali doona bixinta Cashuura badan oo odoroska Miisaaniyada Sheekha kujirtey.
Wa Bilaahi Towfiiq……………….
Mustafe Sheekh Abokor Xuseen
Tog-Wajaale Somaliland
Hambalyo Meher Wacan
Hooyo Xaliima Daahir Meecaad Iyo Caruurteeda oo kala ah:
Sahra Cismaan Cumar-jeex, Saygeeda Iyo Caruurteeda
Khadan Cismaan Cumar-jeex
C/salaam Cismaan Cumar-jeex
Ifraax Cismaan Cumar-jeex Iyo Saygeeda
C/fataax Cismaan Cumar-jeex
C/kariim Cismaan Cumar-jeex
Samsam Cismaan Cumar-jeex
Maxamed-amin Cismaan Cumar-jeeex
Xamse Cismaan Cumar-jeex
Khaalid Cismaan Cumar-jeex
C/casiis Cismaan Cumar-jeex
Dhammaan dadkaasi oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba waxay Hambalyo u dirayaan
Cabdicasiis Yuusuf Cabdi
Iyo
Xamda Cismaan Cumar-jeex
Oo 03/01/2013 oo ahayd Khamiistii Meherkoodu ka qabsoomay hoteelka Imperial ee magaalada Hargeysa. Waxaanay leeyihiin aqal-kiina ku gaadha Bash-bash Iyo Barwaaqo. Aamiin Aamiin Amiin.
Hambalyo Meher Oo Taa La Mid Ah Waxa Kaloo Diraaya
Aabo Yuusuf Cabdi Madar Iyo Ubadkiisa oo kala ah:
C/laahi Yuusuf Cabdi
Daahir Yuusuf Cabdi Iyo Xaaskiisa
Deeq Yuusuf Cabdi
Nimcaan Yuusuf Cabdi Iyo Xaaskiisa
Xaali Yuusuf Cabdi Iyo Xaajigeeda
Saynab Yuusuf Cabdi, Odaygeeda Iyo Caruurtooda.
Ayaan Yuusuf Cabdi
Dhammaan dadkaasi oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisaba waxay Hambalyo u dirayaan
Cabdicasiis Yuusuf Cabdi
Iyo
Xamda Cismaan Cumar-jeex
Oo 03/01/2013 Meherkoodu ka qabsoomay hoteelka Imperial ee magaalada Hargeysa. Waxaanay leeyihiin aqal-kiina ku gaadha Bash-bash Iyo Barwaaqo. Aamiin Aamiin Aamiin.
Hambalyo Meher Wacan Waxaa Kaloo Diraaya
Axmed Saleebaan Iyo Xaaskiisa Hinda Xasan Axmed Iyo Caruurtooda Oo Kala Ah:
Maxamed Axmed Saleebaan
Mustafe Axmed Saleebaan
Hana Axmed Saleebaan
Mubaarik Axmed Saleebaan
Dhammaan qoyskaasi oo ku nool dalka Jarmalkuna waxay Hambalyo Meher Wacan u dirayaan
Cabdicasiis Yuusuf Cabdi
Iyo
Xamda Cismaan Cumar-jeex
Oo 03/01/2013 Meherkoodu ka qabsoomay hoteelka Imperial ee magaalada Hargeysa. Waxaanay leeyihiin aqal-kiina ku gaadha Bash-bash Iyo Barwaaqo. Aamiin Aamiin Aamiin.
Sidoo Kale Hambalyo Taa La Mid Ah Waxaa Diraaya:
Eeddo Cosob Axmed Ismaaciil
Ayeeyo Baado Cigaal
Asma Xassan
Dr Xasan Maxamuud Maxamuud Aaden
Axmed Xuseen Warsame Iyo Xaaskiisa
Yaasiin Xuseen Warsame Iyo Xaaskiisa
Reer Xuseen Warsame
Reer Maxamuud Aaden Guuleed
Reer Ibraahim Aaden Guuleed
Reer Xasan Axmed Ismaaciil
Reer Cabdi-siyaad Axmed Ismaaciil
Reer Cali-karaar Axmed Ismaaciil
Reer Maxamed Cumar-jeex
Reer Colaad Cumar-jeex
Reer Cismaan Cumar-jeex
Reer Carab Cumar-jeex
Eeddo Saynab Cumar-jeex Iyo Caruurteeda
Eeddo Aamina Cumar-jeex
Caasha Daahir Meecaad, Saygeeda Iyo Caruurteeda
Reer Daahir Meecaad Rooble
Reer Abiib Qodax Obsiiye
Dhammaan Dadkaasi oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dacalada dunidaba waxay Hambalyo Meher Wacan u dirayaan:
Cabdicasiis Yuusuf Cabdi
Iyo
Xamda Cismaan Cumar-jeex
Oo 03/01/2013 Meherkoodu ka qabsoomay hoteelka Imperial ee magaalada Hargeysa. Waxaanay leeyihiin aqal-kiina ku gaadha Bash-bash Iyo Barwaaqo. Aamiin Aamiin Aamiin.
Aroos wacan
Aabbo Sheekh Maxamuud Cabdillaahi, Xaasaskiisa iyo Carruurtiisa oo kala ah: Asma Sheekh Maxamuud, Saygeeda iyo Carruurteeda, Sucaad Sheekh Maxamuud, Seygeeda iyo Carruurteeda, Saynab Sheekh Maxamuud, Seygeeda iyo Carruurteeda, Cabdirisaaq Sheekh Maxamuud, Mukhtaar Sheekh Maxamuud, Cabdikariim, Hoodo Sheekh Maxamuud.
—————————————————————————————————————————————————————-
Aabbo Axmed Sheekh Cabdi iyo Hooyo Sahra Daa’uud Ismaaciil iyo Caruurtooda oo kala ah: Maxamed Axmed Sheekh iyo Xaaskiisa, Fadxiya Axmed Sheekh iyo Seygeeda, Cumar Axmed Sheekh iyo Xaaskiisa, Cabdiraxmaan Axmed Sheekh, Siciid Axmed Sheekh, Sucaad Axmed Sheekh iyo Seygeeda, Samiira Axmed Sheekh iyo Seygeeda, Suhuur Axmed Sheekh, Mustafe Axmed Sheekh, Yaxye Axmed Sheekh, Asma Axmed Sheekh. waxa ay Hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u dirayaan Arooska:
Ismaaciil Maxamed C/llaahi
Iyo
Hinda Maxamed Cumar
Oo 03/01/2013 Ku Aqal galay Magaaladda a Hargeysa, Waxaanay leeyihiin noqda reerkii lagu nastee lagu nagaado, wada jiree nabad gala, udubkiinu taagnaa, ilayskiinu dami waa, ubad khayr qabana kala hela. Aamiin…..Aamiin….Aamin
Hanbalyo hanbalyo dhalasho wiil u dhashay Ahmed Diriye Warsame iyo Qadan Aadan.
Berbera-Run ahaantii waxaa wax laga xishoodo ah in qof qalinka u qaato isagoo xaasidaayo qof ilaahay qoray irsiqiisa, Waxaan ula jeedaa qofka isku magacaabay Walaalaha Berber a ee adeegsanaya magaca beenta ah isla markaana maqaalka nacasnimada ah kusoo qoray Website ka xoriyonews.com kaasoo ay ka muuqato ama la odhan karo wuxuu ka daba Ooyayaa rag aanu magac ahaan iyo manfac ahaan midna gaadhayn isagoo maqaalkiisa Naxliyaysan uga dhigay ciwaan Dawladda hoose Ee Berber a waxay ubaahantahay isku shaandhayn degdeg ah hadaba sida ka muuqata qoraalka aan laga fiirsan ee curfiyaysan, waxaa si toosa loogu magacaabay rag & dumar ka hawl-gala D/hoose kusoo ah xubno firfircoon kana soo baxay waajibkoodii qaran, balse waxaanu qofkan ilaahay ka araday damiirku meesha sooba dhigan in cida wax bedeshaa tahay ILAAHAY iyadoo qof kastaa wakhtiga uu joogayo goobta uu kashaqeeyo ay tahay mid qoran (Smalidu waxay ku maahmaahdaa nin aad ufurtay Markhaati beenaale isna waxaad tahay ogaa ilaahay ka fogaatay) xigmadaas wuu garan karaa qof kastaa oo caqli fayow kujiraa.
Waxaa kaloo wax laga xishoodo ah Maayarka uu leeyahay samee isku shaandhayn, waa maayar doorasho kursiga ku yimi, isla markaana kuyimi kalsooni shacab meeshan uu jooga sidaas daraadeed maaha nin qof ku suntan naxli & xaasidnimo uu siin karo talo xanbaaran qof nacayb & uurxumo naxli huwan waxaanaanu xaal ka siinaynaa mayor Abdishakur hadaladaas meel kadhaca ah ee lagula ciiray
Sidoo kale Dawladda hoose laguma qaybsado Beelo iyo reero hadii aad leedahay dhanbay ka rarantahayna shaqaalaha ka hawlgala waa qaar xirfadooda lagu shaqaaleeyay mana jiro Mayor wax ku shaqaaleeya Saaxiibtinimo & reerkiisa kana daa af xumada Masuuliyiinta Umadooda igmatay D/hoose ee Berberina waa goob ka caagan Musuq & wax is daba marin layaabna maaha in bulshada uu ku jiro qof uur xun oo u Darban naxliga & xaasidnimada sidaada oo kale, waayo Rasuulkeenii Suubanaaba qaarbaa kadaba qaylinayay adna waxaad utahay tusaale dadka Xuma araga ah ee ilaahay ka deday wanaaga & sharafta
Sidoo kale waxaa wax laga xishoodo ah in la adeegsado magacan General secretary ____Ina daahir balse waxay kujiraa raganimadu hadii aad cid dhaliilayso inaad sheegato Magacaaga caadiga ah runtii waa cudur aan lahayn daawo Kalsooni daradu waxaana nasiib daro ugu filan cida qoraalkan samaysay inuu si cad usheegan kari waayo Magaciisa qofeed, waxaana haboon maadaama aad sheegatay inaad ku hadlayso afkii dhalinyarada inaad sheegto magacaaga, Ceebay Tacaal !!!! Waxaan xaal kasiinayaa & raalingelin dhalinyarada afkooda lagu hadlay ee reer Berbera kuwaasoo ka foyow Cudurka haya qofkan damiir laawaha ah ee ah Xisdiga & Buqdiga aanay ehel u ahayn reer Berbera waxaanan kusoo gabagebaynayaa (haysku toosin geed aan guudkaaga qarinayn garashada ilaahay kugaladay adoomaha hadii aad ka gudhan tahay cidna hayla garab dhigin gabashu marbay tahay xeelad lagu gurguurtee ma ogtahay gunuuskiyo laga fiican guuxee ama ama noqo nin geesiya ama gaabso nacasyohow) run ahaantii shikhsiyaadka aad cayday waa qaar karaamo & sharaf ka leh Umada dhexdeeda mana aha qaar qalin daraaluhu wax ka sheegi karee fekerkaaga gaaban malaa waxaa haboonayd adoo lataga goobaha dadka rayigoodu hooseeyaa ku doodaan, waxaanan kugula talin lahaa inaad xag xagashada kala hadho raga ehelu-sharafka ah ee aad ku hungaacday
Qalinkii Siciid Cumar Maxamed
Berbera Somaliland
Qormadda 1aad: Hay’add Laga Hoos Saaray Wasaaraddeedii, Haddana Miisaaniyaddeedu Ka Badan Tahay Wadarya Siddeed (8) Wasaaraddood.
Miisaaniyadda qaranka ee 2013 oo odoroskeeda uu daba yaaqadii bishii December wasiirka maalliyadu u gudbiyey golaha wakiillada isla markaana si kor ka xaadis ah ugu faahfaahiyey ayaa u muuqata mid dhaliilo badani ka buuxaan marka laga cabir qaato, Golaha sida degdegu ku jiro duuduubka ugu ansixiyey iyo Madaxweynaha oo 24 saacadood oo keliya qalinka ugu duugay dhaqan galkeeda.
Miisaaniyaddan oo run ahaan 17% ka badan tii kal hore, wadarteeduna tahay 1,043,127,269,668 Sl/shilling oo u dhiganta $ 173,854,545, waxa ay ka kooban tahay saddex farqadood o kala ah: Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Hay’addaha Madaxa bannaan iyo Dakhliga deeqaha Caalamiga waxay u muuqataa mid sed bursiimo gaar ah, si gaar ah loogu siiyey hay’addo gaar ah oo laga dan leeyahay.
Haddaba Waxa aan Jecelahay In Inta Ila Aragtida ahi ee dhinaca toosina igala taagan qaddiyaddani ay Ila Qiimeeyaan Buugga Odoroska miisaaniyadda 2013-ka, ee golaha loo qaybiyey oo ka kooban 54 bog kaasi oo ay ka dhex muuqdaan khaladaad amaba gal-daloolooyin loo badheedhay oo ku jira Madax-xiggeenada (Sub-heads) wasaaradaha iyo Hay’addo magac u yaal ah oo run ahaan ka miisaaniyad badan Wasaaraddo Laf dhabar u ah Qaranka. si taxane ah akhristayaasha ugu soo bandhigi doonaa miisaaniyadda Hay’addo aan meelna kaga jirin xukuumadda balse loo qorsheeyey meelo dano laga leeyahay, halka wasaarado kale aan lagu xusinba.
Qormada Maanta iyo Dhaliilaha Miisaaniyadda waxa aynu ku soo qaadan doona kuna lafo guraynaa mid kamid ah Hay’addaha Madaxa banana oo runtii Miisaaniyaddiisu ka badan tahay wadarta lacagta siddeed (8) wasaaradood oo ku jira miisaaniyadda. ……haa siddeed bay ka badan tahay weliban ah kuwo laf dhabar inoo ah.
Hay’addani waa SLNTV oo bilo ka hor uu laga hoos saaray Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi gelinta oo uu ka tirsanaan jiray. Tv-ga qaranka waxa Miisaaniyadda sanadkan loogu daray lacag qadarkeedu yahay 15,591,636,540 Slsh, (Shan iyo Toban Bilyan, Shan boqol iyo Kow iyo Sagaashan Milyan, Lix boqol iyo Lix iyo Soddon Kun, Shan boqol iyo Afartan Shilin. waxa ku laban-laabmaysaa Wasaaraddii laga madax bannaaneeyey ee warfaafinta oo iyadda miisaaniyadeedu tahay keliya 8,170,279,600 Slsh.
SLNTV waxa uu la miisaaniyad yahay wasaaraddaha:
1. Warshadaha oo loo qoondeeyey 1,419,670,000 Slsh
2. Dib-u-dejinta oo loo qoondeeyey 1, 890, 403,000 Slsh
3. Diinta iyo Awqaafta oo loo qoondeeyey 2, 217,810,000 Slsh
4. Qorsheynta Qaranka oo loo qoondeeyey 2, 253, 987, 000 Slsh
5. Gaashaandhigga oo loo qoondeeyey 1, 692, 133,000 Slsh
6. Beeraha oo loo qoondeeyey 2, 612, 324, 000 Slsh
7. Kalluumaysiga oo loo qoondeeyey 2,199, 128, 00 Slsh
8. Caddaaladda oo loo qoondeeyey 1, 784, 720, 000 Slsh.
Wasaaraddahaas oo aanu tusaale u soo qaadanay uun balse ay jiraan kuwo la mid ahi waxa isu geynta lacagta sannadkan loogu daray miisaaniyaddu noqonayaa 15, 78,060,175 Slsh Bilyan (Shan iyo Toban Bilyan, Toddoba Boqol iyo Sideetan Milyan, lixdan kun iyo boqol iyo Shan iyo toddobaatan shilin), lacagtaas marka laga gooyo Miisaaniyadda TV-ga dawladda waxa waliba uu dheeraanayaa oo uu ka badan yahay 531, 455 Slsh oo ah nus malyuun (shan boqol iyo kow iyo soddon shilin).
Arrimahaas oo dhan marka laga yimaado waxa Caqliga saliimka ahi is weydiinayaa sababaha amaba baahiyaha daruuriga ah ee uu daboolo TV-ga qaranku maxay yihiin, muxuu dheer yahay Warbaahinta kale ee madaxa banaan TV-yada kale ee dalka ka jiraa se Tayo ahaan muxuu kaga tilmaaman yahay ee uu dheer yahay, iyadoo walba Tv-yada kale ee madaxa banaani iyagoo aan dhaqaale ahaan meel ku tiirsanayn ay iskood isu bixiyaan waliba bulshadu kaga kalsooni badan tahay TV-ga Qaranka.
Su’aal kale ayaa khadka qalinka ka dhex guuxaysa oo uu jawaabteeda la’ yahay, oo waa wasaaraddan xaqeedii la duudsiyey ee Warfaafinta, Maxaa godobta Intaa le’eg looga galayaa ee iyadoo ah muraayaddii qaranka koboca Miisaaniyaddeeda looga door biday Waax yar oo hore u hoos iman jirtay.
Miyaan loo baahnayn Waaxaha dawladdu ku xisaabtanto ee warfaafintu ka kooban tahay, Miisaaniyaddan aan tobanka Bilyan gaadhin ee loogu daray sanadkani sidee ayay u maarin kartaa Waaxdii Radio Hargeysa, DAWAN, SOLNA iyo waliba waaxdii dhaqanka ee laga soo wareejiyey Wasaaradda dhalinyarada. Haddii laga maarmi waayay oo dhaqaale intaas loo heley, bal waxa ay ku xidhnaan doontaa masuliyiinta warfaafinta oo ga tirsanaan jirtay.
La Soco Qeybta 2aad ee Qormaddan
Allaa Mahad Leh
Xasan Xuseen Cabdillaahi
Mrkeefkeef@gmail.com
Mrkeefkeef@live.com
Hargeysa, Somaliland
Annagoo ah Qoyska marxuum Cismaan Cumar-jeex, kana kooban 13 Ruux oo isugu jira Rag iyo Dumar, kana mid tahay, hooyadayo Xaliimo Daahir Meecaad, Waxaanu mudane madaxweyne si Milgo, Sharaf iyo Maamuus leh kaaga codsanaynaa inaad wax ka qabato tabashadayada khusaysa Kiiska nagaga jira Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland. Taas oo aanu taariikhdu markay ahayd 21/02/2012 Codsi kan ka horreeyey aanu kuugu soo gudbinnay, qaybaha kala duwan ee Saxaafadda Somaliland. .
Iyada oo madaxweyne, dadka iyo dalkaba, kuu taallo taariikh lama illaawaan ah, oo lagu xasuusto halgamadii dhaadheeraa ee aad kaga soo hor-jeeday dulmiga iyo cadaalad-darrada Shacbiga Somaliland in badan ay tirsanayeen. Shakhsi ahaanna aad tahay, qof jecel cadaaladda iyo ilaalinta xuquuqda ummadda Somaliland.
Madaxweyne annagoo ka dharagsan wadciga dalku ku jiro iyo culayska ku saaran, ahna agoonta Ilma Cusmaan Cumar-jeex oo aabahood Marxuum Cismaan Cumar-jeex (IHUN), si badheedha niman hubaysani ugu dhex toogteen badhtamaha magaalada Hargeysa, gaar ahaan kasoo hor-jeedka idaacadda Radio Hargeysa, taariikhdu markay ahayd 22/02/2005.
Intaas oo dhan waxaanu naawilaynay inay iman doonto xukuumad ilaalin doonta xuquuqdayada agoonnimo, taas oo Alle, hoggaan adiga kaaga dhigay. Muddo dheerna aanu naawilaynay, in mar uun sharciga hortiisa lanoogu qaadi doono xaqqayaga.
Mudane madaxweyne Shirkii cadaaladda, ee aad ka qayb-gashay huteel Maansoor, waxa aad kaga marag-kacday cadaalad-darrada baahsan ee ka jirta waaxaha garsoorka dalka, taas oo aad ka qaaday tallaabo sharciga waafaqsan oo aad wax kaga qabatay cabashadii shacabku ka qabeen guud ahaan cadaaladda dalka, gaar ahaan waaxaheeda garsoorka. Adiga oo isla markiiba soo magacaabay garsoorayaal kale, oo aad islahayd, waxay si mug leh wax uga qaban doonaan cabashooyinka Shicibka ee arrimaha cadaaladda.
Haddaba mudane madaxweyne waxaanu Baaq dheer iyo mid gaabanba, kuugu sheegaynaa haddii aanu nahay agoontaas Ilma Cismaan Cumar-jeex, weydayna tiirkoodii Labaad ee nolosha, in aanu cabasho xooggan ka qabno maxakamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo guddoomiyaha Maxkamadda sare isagoo Og hayana warqaddii go’aankayagu ku caddaa, haddana nagu khasbaya in Mag aanu ka qaadanno gacan-ku-dhiiglayaashii aabbahayo sida arxan-darrada ah ugu dhex toogtay fagaaraha badhtamaha Suuqqa Idaacadda ee magaalada Hargeysa.
Dilkaasi oo ahaa mid shir-qoolaysnaa, oo aad u fool-xumaa, dhaawacyo culus oo jidheed iyo maskaxeedba nagaga tagay ayaa waxaanu aad uga xunnahay tix-galin la’aanta aanu ilaa hadda ka tirsanayno Maxkamadda sare. Iyadoo maxkamadduna ogtahay in Wax Mag ah aanaan ogolayn balse rabna in Sharciga lanoogu hor-ciqaabo gacan-ku-dhiiglahaasi.
Haddaba haddii aanu nahay agoonta uu marxuumku ka geeriyooday waxaanu madaxweyne kugu war-galinaynaa, adiga iyo Shacbiweynaha Somalialnd ee daneeya, cadaaladda dalka, in aanaan marnaba qaadan wax Mag ah, diyaarna aanaan u ahayn inaanu qaadanno Mag, horena umaanu qaadan haddana qaadan mayno. Taana waxaanu ka hor-sheegnay Maxakamadda Sare iyo Maamulkeedaba, wayna noo dheg raaricin laayihiin, ilaa hadda.
Madaxweyne dadka, dalka iyo diinta waxaa naga haysa lexejeclo aad u weyn, mana jeclin inaanu marnaba samayno ama lanagu sameeyo ficil ka hor-imanaya amniga iyo Sharciga dalka. Waxaanan cabsi wayn ka qabnaa in amnigayagu khattar galo, haddii uu hir-galo Shirqoolka lagu maleegayo in lagu sii daayo gacan-ku-dhiiglahaasi, xabsi-daa’inka ah ee markii hore maxkamaddii Gobolku ku xukuntay dilka, laakiin tii Racfaanka iyo Sareba ay ku xukumeen Xabsi-daa’imka.
Uga dambayntii waxaanu madaxweyne si naxariis iyo naruuro leh kaaga codsanaynaa mar labaad iyo mar saddexaadba, inaad wax ka qabato cabashadayada.
Alla Mahad Leh.
Codsadayaal
1- Hooyo Xaliima Daahir Meecaad
2- Suxufi C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abu-hurayra)
3- C/fataax Cismaan Cumar-jeex
4- C/kariim Cismaan Cumar-jeex
5- Maxamed-Amiin Cismaan Cumar-jeex
6- Xamse Cismaan Cumar-jeex
7- Khaalid Cismaan Cumar-jeex
8- C/casiis Cismaan Cumar-jeex
9- Sahra Cismaan Cumar-jeex
10- Khadan Cismaan Cumar-jeex
11- Ifraax Cismaan Cumar-jeex
12- Xamda Cismaan Cumar-jeex
13- Samsam Cismaan Cumar-jeex
1. Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland General Faysal Kaamil Ciise
2. Taliye ku xigeenka Ciidanka Ilaalada madaxtooyada JSL, Cabdi Cismaan Ducaale
3. Madaxa Hawl-gelinta Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL Cismaan Cali Axmed (Cismaan Barwaaqo)
4. Xogaanka Saadka Ciidanka ilaalada Madaxtooyada JSL. Caydiid Xasan Cilmi
5. Madaxa Gaadiidka ahna Taliyaha Ururka Taliska ee Ciidanka ilaalada Madaxtooyada JSL. Cabdilaahi Cilmi Guuleed (Sool)
6. Madaxa Caafimaadka Ciidanka ilaalada Madaxtooyada JSL. Naasir Axmed Xuseen
7. Ara-saynka Ciidanka ilaalada Madaxtooyada JSL. Cali Maxamed Raage
8. Maxamed Cumar Qawdhan
9. Cabdirashiid Aadan Xirsi
10. Axmed Cismaan Xasan
11. Caabi Qodax Geedi
12. Cali Golfadhi
13. Muuse Yuusuf Maxamed
14. Ismaaciil Xasan Jaamac
iyo dhamaan Ciidanka Illaalada madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland waxay Hambalyo iyo boogaadin u dirayaan Suldaan Cabdikariin Caaqil Maxamed caaqil Ismaaciil Caaqil Guuleed oo caleema saarkiisu ka dhacay Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil.
Waxay ALLE uga baryayaan in Suldaankan Cusub u fudaydiyo Masuuliyada culus ee loo igmaday kana dhigo mid dalkiisa, dadkiisa ku anfaca Suldaanimadan.
AMIIN AMIIN AMIIN
Qalinkii:- MOh’ud HArun Qaybtii 1aad Sidaynu wada ognahay waxa soo badanaya Tahriibka Dhallinyarada Dalkeena Wiilal iyo Gabdhaba, Maaha markii ugu horaysay ee Fikirkayga ka dhiibto dhibaatada Tahriibtu leedahay balse waxaan ugu Celcelinayaan Inta Caqligooda iyo Garaadkoodu wali badqabo inay talo iyo waano unoqoto.
dhalinyaradu waa xoogga ama quwada uu dal leeyahay,isla markaasna waa mustaqbalka berrito bedeli lahaa kuwa maanta talada haya.
hadaba dhalinyarada geyigeena somaliland ku nool,waxaa ku xeeran duruufo qalafsan oo ay ugu horeyso shaqo la’aan baahsan ,oo ragaadisay jiilkii dalkani lahaa,ee muruqooda iyo maskaxdoodaba laga faa’iidaysan lahaa,taas oo ka dhigtay fadhiid aan lahayn han iyo himilo durugsan oo ku qotonta sidii uu seeska ugu jeexi lahaa nolol ku dhisan farxad iyo badhaadhe,ilaa xad la waayey himilo iyo majare hagaagsan oo lagu wada hirto.
dhalinyarada intoodii badnayd waxay u tacabireen,wadamaga dibedda iyaga oo sii mara wado cagaag iyo carcaraaf badan oo kala kulmaan dhibaatooyin xanuun badan oo murugo ku reeba xusuustooda.
inta ay safaradaas ku sii jiraan waxa qaar ka mid ah loo geystaa tacadiyo kala duwan,sida jidh dil loo geysto,kufsi iyo madax furasho,waxaana jirta in qaaar ka mid ah dhalinyaradaas tahriibayaasha ahi ay gaajo iyo haraad ugu dhintaan saxaraha u dhexeeya suudaan iyo libya iyaga oo aan gaadhin hadafkii socdaalkoodu ku astaysnaa.
waalidiinta dhalay dhalinyarada tahriibaysa ayaa inta badan kharashaadka ay ku tegayaan bixiya,iyaga oo u iibiya guryahooda ama wixii kale ee ku socdaali karaan,sida hooyooyinka oo iibiya dahabkooda.
waxaana goblamay hooyooyin badan oo sagootiyey curadadoodii gabdho iyo wiilalba,ka dib markii doonyihii ay saarnaayeen kula gedoomeen badda libya iyo talyaanigu ay wadaagaan.
dhalinyarada ayaa yoolkooda ugu weyni ahaa sidii ay dhaqaale u heli lahaayeen ay ku daboolaan baahiyaha aasaasiga ah,ee qoysaskooda iyo sidii ay u heli lahaayeen nolol dhaanta tan ay khatarta ka doorbideen.
Waxaa dhawaan sheeko ku maqlay Gabadh yar oo aad u qurux badan oo inta ay waalidkeedii ka baxsatay isku dayday inay tahriibto iyada oo la socota hablo iyo wiilal kale oo ay asxaab ahaayeen, balse markii ay gaadheen Saxaaraha balaadhan ee dalka Liibiya oo ah halka ugu daran ee waraabaha dharka xidhan ka helo hablaha Somaliyeed, halkaasi lagula hadhay gabadhii yarayd taasi ay ku haysteen meesha muddo dhawr sanno ah, balse markii ay dhawr caruur ah oo qasab ah ku dhashay meesha ay ka soo baxsatay, ka dib markii ay dalka ku soo noqotay waxay hor iman kari wayday waalidkeedii ay sidaa u gashay iyo ehelkii iyo qaraabadii oo aanay jirin waji ay la hor tagtaa iyada oo aan ka sheekayn karayn waxa lagula kacay gabadhaasi.
Diin ahaan iyo dhaqan ahaanba ma wanaagsana habluhu inay tahriibaan, waayo waa hilib bisil oo haadu eeganayso hadii la dayoco………
Lasoco Qaybata 2aad………
Qalinkii:- MOh’ud Harun
Phone:-0252-2-4055557
E-Mail:- bayan022@hotmail.com
Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun
Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashid Maxamed Siciid, Maamulaha R& FE Cabdiraxmaan Cali Cabdi, COOga R&FE, Cabdirashid Faarax Axmed, Maamulaha Ganacsiga, Nuux Siciid Ducaale, Maamulaha SOMTEL, Siciid Maxamed Siciid, Dahabshiil BOD member, Awil Saalax, Maamulaha DBI, Dr. Suleiman Walhad, iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadennada, Wakiillada iyo Macaamiisha Shirkadda Dahabshiil waxay tacsi tiiraanya badan u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum Xildhibaan Aadan Tarabi Oogle, oo 22 January 2013 ku geeriyoodey magaalada Hargeisa. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna Ilaahay ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii iyo dhammaan shacabka uu ka baxay, gaar ahaan Golaha Wakiillada oo uu muddo dheer ka tirasanaa; marxuumkana Eebbaheen Jannadii Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo. Aamiin. Aamiin.
Addoon waxan ahay islaama
Addoon waxaan ahay iimanleh
Addoon waxan ahay adeecsan
Nebi iyo inaad tahay rasuul
Aadmiga ilaa Aadan dhoo
isagu u karaama badan
Allaahu masale wasalee
wabaarik calee,
Addoon ifka kuugu jecel
intad tidhi yeelna yeelay
iblays xadhiggiisa jaray
adeecay amarkii Illahay
umaray sunahaga oo
u tahay macalinka Aduunka
ayaan ahay yaa Maxamed
Allahu masale wasalee
wabaarik calee,
U seexday sidii aad jeclayd
u cunay sidii aad i tidhi
afkuna waxa uu idhaah
intaad igu tidhi adigu
ayaa khayrlee ku hadal
indhuhu jacayl kuu ilmeeye
ku adeecay yaa Rasuululaah
allahu masale wasalee
wabaarik calee,
Allayl badhkaan kacaa
anoo kugu dayanayoo
Intaan hor tago Raxmaanka
ayaan u dhigaa sujuud
tusaa inaan ahay addoon
Illaah kale koonkan jirin
baryada ooya naboow
Allahu masale wasale
wabaarik calee,
Ifkaad timi nabi alloow
awoodu iyadoo shaqaysa
addoonku addoonsanaayo
addoomo kay wada yihiin
aabuhu aasayo hablaha
ubadku inamada yihiin
asnaam dadku caabudaan
Allahu masale wasale
wabaarik calee
Iftiin mugdigaas baddalay
ilays nuur iyo aqoon
uunkani ku badbaadayoow
ummad ku xasuusatan nay
intay joogeen aduunkee
akhiro kolka an nimadno
ayaantu addoomihiisa
illahay la xisaabtamaayo
Intaad u shafeeco qaado
Awga naxariis uhela
U gala jano iyo fardawsa
Aan galin naaraha olala
Agtaada jacayl u yaalo
Ayanu jeclaysanee
adigu noo bari illahay
ehel inan ku ahaano
allahu masale wasalee
wabarik calee,
C/risaaq Xaamud Caydiid……..
11/1/1434/HIJRIYA………..KUBEEGAN..23/1/2013
Maxamed-Biid. Gabiley
Gabiley-(Berberanews)-Halka mitir kuyuub ee biyaha gabilay qiimaha bulshada reer gabilay lagaga iibiyaa waa 10,000sl, halka magaalada xeebta bada cas ku taal ee berbera halka 1 mitirkuyuub bulshada kulaylku wehelka u yahay lagaga iibiyo 4500 sl shilling kaliya?
Hubaal waxa ah in dad badan SL gudo iyo dibadba joogaa is waydiinayaan waa maxay sababta ay biyaha gabilay uga qiimo bateen ama labanlaab iyo dheeraad uga qiimo bateen magaalada xarunta u ah gobolka saaxil oo dad iyo duunyaba aanay 10 daqiiqo biyo la’aan noolaan Karin lixda bilood ee xagaaga ama waqtiga kulaylaha?????.
Hadaba iyadoo jawaabta laga dheehan doono qoraalka qormadan aan su’aaluhu ha sii bataane waxa jira in beerta:
1. Biyaha ama ceelka laga qoday waxaa la ogyahay in waqfi uu u bixiyay muwaadinkii lahaa
2. Riiga ceelasha lagu qodayna waxaa uu ahaa riigii ay boqortooyada kuwayt ugu deeqday xukuumada JSL.
3. Beebka noocyadiisa kala duwan iyo mishiinada ceelasha biyaha ka soo tuura waxaa ku deeqay hay’adaha qaadhaan bixiyayaasha reer yurub sida Unicef IWM.
4. Guri kasta oo ku yaala magaalada gabillay waxaa laga qaaday (5) shan doolar lacagtaas oo qayb ka mid ahayd kharashkii ku baxay qodistii dhulka ee dhulkii beebka la soo dhigay lagana soo jeexay seeska ceelasa botor oo ah beerta ceelashu ka qodan yihiin ilaa taangiga kaydka biyaha ee ceelasha oo laga dhigay koonfurta gabilay.
Sidaa ay tahay ayaa waxaa ka arrinsaday kooxo aan dan umadeed ka arrimin balse lagu tilmaami karo danaystayaal kaligood jirayaal ah, kuna takhasusay sida looga ganacsado dheecaanka wadhatada dan yarta u badan , kuwaas oo ay hormood ka ahaayeen NGOyada dilaal ku noolka ah ee qaadhaanka sl loo soo wado dalxiiska Kenya ku tamashleeya.
Kaalinta labaadna waxaa matalayay ayaynu odhan karnaa maamulkii waqtigaa D/hoose ee gabilay ka arriminayay balse balanqaadyo iyo heshiisyo qarsoodi loo galay ku qalin taraareyay saxeexii iyo ogolaanshihii hantidii umadu lahayd uu ku ogolaaday in koox kaligood is boqray ka ganacsato.
Kaalinta saddexaad waxay noqdeen kooxda iyagu gacanta ku haysa maamulka iyo ka ganacsiga biyihii iyo xuquuqdii ay bulshada reer gabilay kala sinaayeen , isla markaana markii ay waayeen cid xukuumada dhexe ah iyo D/hoose oo danbe cid kala xisaabtanta iyo cid ka danqata mushkilada bulshada danyarta u badan ku habsatay waayeen ayay sidii hanta ay kaligood leeyihiin u maamuleen ilaa maantana ku haystaan.
Waxaa xusid gaara mudan shirqoolkii bulshada reer gabilay loo maleegay mid la mid ah in isla waqtigaa loo maleegay bulshada reer berbera balse nasiib wanaaga ka dhiidiyeen in koox naxariista ka fog iyo koox danaystayaal ah ay hay’ada shisheeye iyo maamulkii D/hoose waqtigaasi baahidii umadeed iyo xuquuqdii dada u sinaayeen in koox gacanta loo galiyo.
Waxaa xusid gaar ah mudan in biyaha oo tiirka koowaad ee noolaha ah sida ilaahay SWT kitaabkiisa casiiska ah inoogu sheegay ,ayaa haddana distoorka qaranka JSL ay ku cadahay in biyuhu kow ka yihiin baahiyaha aas-aasiga ah ee ay xukuumada dhexe masuuliyadeeda leedahaay isla markaana bulshadu ay xaq iyo xaquuq ugu leedahay inay baahidooda biyood, caafimaad, waxbarasho ka hesho xukuumada dhexena tahay ta iyadu u fidinayso bulshada ay xukunto.
Marka dhinaca kale laga eegana biyahan gabilay waxaa si aan distoorka qaranka waafaqsanayn loogu hibeeyay shirkad la sheegay inay ku shuraakoobeen koox ganacsato ah ayaa waxaa muuqata in dadkii markii hore wada lahaa ay badankoodii ka noqdeen sheerkii loo qoondeeyay isla markaana qaybo aan la xidhiidhnay sheegeen inay ka baxeen waqtigana ay qayb yari maamulato ilaa hadana ay gacantooda ku jirto. Isku soo wada duuboo iyaga oo heshiiskii sharci darada ahaa ee kooxdani kula wareegeen biyihii umadau lahayd uu ku eg yahay 2014ka ilaa 2010 kiina ay iyagu maamulayeen isla markaana dhinaca duqaytida iyo waxgaradka gobolka gabiley dhawr jeer u gudbiyeen dhinaca xukuumadan M/wayne siilaanyo in biyaha gabilay ay noqdaan biyo xukuumadau maamusho oo wasaarada macdanta iyo biyuhu la hoos geeyo ayaan wax jawaab waafi ah laga helin.
Waxaa kaloo lama huraan noqonaysa in maamulka golaha cusub ee gabilay ee bulshadu soo doooratay uga fadhiyaan inay talaabo ku haboon oo biyaha gabilay u noqon lahaayeen biyo umada u siman looga dhigi lahaa . sidoo kale intaan laga wareejin waa in xukuumada dhexe iyo golaaha degaaanku baadhis dhab ah ku sameeyaan mood iyo nool wixii kooxdani la wareegtay wixii ku maqnaadana sharcigana la waafajiyo.
QALINKII: MAXAMED ISMAACIIL CUMAR
(MAXAMED BIID) GABILEY/SOMALILAND