Xarunta Daraasaadka Siyaasaddu waxay ku martiqaaday Maxamuud Xaashi Cabdi oo ahaa wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland (2015-2017) iyo wasiirka duulista madaniga ah (2010-2015) kulanka Habeenka Kasmo-Wadaag si uu uga hadlo sida ay Somaliland ula jaan qaadi karto is-bedelka xoogga leh ee wejiyada badan ee ka socda gobolka iyo saamaynta ay ku yeelan karaan dadaalka ay Somaliland ugu jirto aqoonsi raadinta, amaanka, dhaqaalaha iyo dimoqraadiyadda. Wuxuu ka mid ahaa madaxdii Somaliland uga qaybgashay wada hadalada dhalay in Imaaraadka lagu wareejiyo saldhigga iyo dekedda Berbera isaga oo ahaa wasiir xudun u ah dawladdi Madaxwayne Axmed Siilaanyo.
Sidoo kale Maxamuud Xaashi wuxuu ahaa xubinta Somaliland dhawr goor u meteshay shirar dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya oo ku saabsan maamulka hawada.