Quantcast
Channel: QORMOOYIN - Berbera News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

“Lammaanahaagu Waa Rafiiqa Noloshaada ee Weligaa Sidaa si ka Hoosaysa ha ula Dhaqmin”

$
0
0

Barkhad Maxamed Kaariye, ayaa ka sheekeeyey hab-nololeedka uu qoyskiisa u maareeyo iyo sida ay xaaskiisa uu aadka u jecel yahay ee Yaasmiin Maxamed Kaahin nolosha isula jaan qaadeen.

Lammaanahan oo aha qoys aad isu fahmay ayaa u warramay Somali Face oo ah bog arrimaha bulshada ka warramaya;

Barkhad Maxamed Kaariye oo ah suxufi, isla markaana isaga iyo ooridiisu ay caan ku yihiin u dhaqdhaqaaqista arrimaha bulshada waxa uu yidhi isagoo ka hadlaya arrimahaas; “Waxaanu isku baranay jaamacadda oo isku dufcad ayaanu ahayn. Anaga oo fasalka fadhina ayeey soo gashay sida caadada ah ardaygu markuu ku cusub yahay fasalka. Macalin ayaa wada oo fasalka keena laakiin iyadu kaligeed ayey socotay ardaydii ayey salaantay kadib way isoo garab fadhiisatay waxaan weydiiyey xageed ka timid? Ma ardayad cusub baad tahay, su’aalo caynkaasa ah kadib waxay igu jawaabtay inaad wariye tahay waan ogahay. Sidii ayuu kaftan noo dhex maray. Waxaan nasiib uu helay in aan noqdo qofka ugu horeeyay ee fasalka kala saaxiiba wakhtigaa aan jaamcadda ku jiray. Waxaay soctaba waxaanu noqonay koox 4 qof ka kooban oo wax wada akhrisata wada nusaacaynaa sidoo kale is garab taagan sidii hadba uu mid uga baxayey kooxda waxaay kusoo koobantay labadayada oo kaliya. Wakhti badan oo aan wada qaadanay is fahan na dhex maray waxaanu ku heshiinay in aan is guursano gurina wada dhisano anaga oo ku jirna sanadkii kobaad ee jaamacadda. Anaga oo laba ah ayaan iskugu soo galnay jaamcadda laakiin waxaanu ka qalin-jabinay anaga oo 4 ah oo wakhtigii qalin-jabinta waxaan dhamaysanay anagoo oo laba caruura isku leh. Sida inta badan dhacda dhaqan ahaan Soomaalidu, gabadhu markay jaamacadda dhamayso,reer yeelato, waxaa lagu yidhaahda gurigaaga fadhi, bes noloshaadu waa intaas, reerkaga hayso.13781987_961461370629297_3354452561749867222_n

Waxaannu ku heshiinay, maadaame ay wax baratay oo hiigsaneysa inay noqoto halabuur, waxaan ku dhiiri galiyey inay bulshadda Soomaaliyeed uga faaidayso cilmiga ay baratay. Runtii, guurkayaga wuu dumi lahaa hadaanaan is garab joogsan caqbadaha kamaanaan gudubneen oo saaxiibtinimadii iyo walaalnimadii aanu isku baranay. Hadii guurkaaga dadkale so faragaliyaan, oo wixii arimaha qoyskaaga la wadaagtid dad kale, guurkaagu halis buu galaya. Lammaanahaaga waa  rafiiqa noloshada ee sidaa si ka hoosaysa waliga ha ula dhaqmin.”


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1191

Trending Articles